Sign in to follow this  
Liqaye

First hearing of case against Cabdullahi Yusuf brought by Suldan Huure's relatives

Recommended Posts

Liqaye   

Dhageysiga dacwadii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay ku soo oogeen qoyskii Suldaan Hurre oo ka billaabatay London

Londan

 

Maxkamadda baareysa dilkii Suldaan Axmed Max’uud Hurre oo lagu dilay tuulada Kala-beydh ee gobolka Nugaal taariikhdu markey aheyd 17-kii Ogoosto 2002-dii ayaa dib uga furantay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxeyna qoraal ay maxkamadu soo saartay ay ku sheegtay in 14-ka bisan oo ku beegneyd maalinimadii shalay in si rasmi ah loo furay dhageysiga dacwada Suldaan Hurre, waxaana ku eedeysan dilkaasi sida ay maxkamadu sheegtay C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha Soomaaliya.

 

Qoraal ay maxkamadu soo saartay 9-kii bishan la soo dhaafay ee Febraayo ayaa lagula socodsiiyey labada dhinac in maxkamadu dhaceyso 14-ka Maarso 2005-ta, iyadoo qoyska ALLAHA u naxariistee Suldaanka ay horay ugu guuleysteen in ay dacwad ay hordhigeen maxkamadda Civil-ka ay u gudbiso maxkamadda Criminal case-ka.

 

Ehelada Suldaan Hurre ayaa horay u sheegay in dilka Suldaanka ay geysteen ilaaladii qaaska aheyd ee C/llaahi Yuusuf xilligii uu ahaa madaxweynaha Puntland uuna isagu amray in la dilo, , waxeyna sheegeen ehelada Suldaanka in horay lagaga dalbaday in ay ka waantoobaan dacwadan ayna qaateen magdhow intii ay doonaan ah taasoo ay sheegeen in ay diideen kuna adkeysteen in ay sii wadi doonaan maxkamadan inta ay ka kala cadaaneyso gacantii dishay suldaanka.

 

C/llaahi Yuusuf ayaa isagu iska fogeeyey in uu amray shirqoolka dilka Suldaanka, balse wuxuu sheegay in ay dileen ilaaladiisa mar ay isku dayeen in ay qabtaan.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this