General Duke Posted August 2, 2007 The father of the state Dabaaldagii Sanadguuradii Sagaalaad Ee Puntland -------------------------------------------------------------------------------- Garoowe (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Munaasabad balaaran oo lagu xusayey sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay Garoonka kubada cagta ee (Mire Awaare Stadium) ee Magaalada Garoowe. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Mas,uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed,Madaxweynaha Puntland Cade Muuse Boqor,Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Baarlamaan ee DFKG ah iyo Puntland iyo Isimo uu ka dhex-muqday Islaan Ciise Islaan Maxamed. Dhamaan Mas,uuliyiintii ka hadashay Munaasabada ayaa ku booriyay Dadweynaha Qowmiyada Puntland inay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo xasiloonada Magaalada Garoowe oo ay ka dhaceen Todobaadkii tagay mudaaharaad balaaran oo looga soo horjeeday sicir barar la soo gudboonaaday Shacabka Reer Puntland. [ August 02, 2007, 05:27 PM: Message edited by: The Duke ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Sanad Guuradii Sagaalaad Markii dhidibada loo asteeyey Puntland oo maanta la xusey Garowe:-Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ka dhacdey Munaasabad Balaaran oo ku aadan Sanad Guuradii 9-aad ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey DG Puntland ee Soomaaliyeed. Munaasabada oo ka dhacdey Garoonka kubada Cagta ee Mirre Awaare ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb galey labada Madaxweyne ee DF Soomaaliya kan DG Puntland, Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Maxamuud Muuse Xirsi. Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galey Munaasabadaan Xubno ka tirsan Wasiirada MG Puntland, Xildhibaano Baarlamaanka Fedraalka iyo kan Puntland ka tirsan , Isimo, Waxgarad Cuqaal, Aqoonyahano Ururada Bulshada Rayidka, iyo Shacabka Magaalada Garoowe ku dhaqan. Kooxda Baambeyda ayaa waxaa ay garaacayeen Heesta Calanka Soomaaliya waaana Sallaan sharaf gudoonsiiyey Ciidamada Daraawiishta ee Soomaaliya Labada Madaxweyne, waxaana ay ku gudoomeen Salaanta. Madaxweynaha DG Puntland oo hadal ka jeediyey Munaasbada ayaa sheegey in loobahanyahay in la mideeyo Fikradaha Umada ku dhaqan Puntland. Madaxweynaha waxaa uu ku dheeraadey mudadii uu ku sugnaa wax yaabihii uu kala kulmey Puntland waxa uu doonayey in uu qabto markii uu isu soo taagayey xilka madaxtinimada Puntland iyo waxa haatan u qabsoomey. Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf oo sina hadal ka jeediey Munaasabada ayaa sheegey in Dawlad Goboleedka Puntland ay ku timid Rabitaanka Shacabka Reer Puntland. Madaxweynaha waxaa uu sheegey in uu horey u soo hayn jirey Xilka Madaxtinimada Puntland isla markaana uu ka mid ahaa dadkii wax ka so odhisey Maamulka Maanta ay ku hoos jiraan Umada ku dhaqan Deegaanada Puntland. Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ku wada dheeraadeen in ay jiraan dad doonayo in ay bur burto DG Puntland dadkaas oo u shahey Goboladaan. Waxaa sidoo kale isna ka Hadley Munaasabada Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sheegey in Puntland dadkeedu ay ka shaqeeyaan dhinacyada Amaanka Horuamarka waxaana uu ka codsadey Mas’uuliyiinta maanta horjoodey in ay ka soo iftiimaan Xilalka loo igmadey. Dhinaca kalena waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari laga xusey munaasabada 9-aad ee ka soo wareegtey markii Dhidibada loo taagey Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland oo ku beegan maanta oo ah 1 August. Xaflada balaaran oo ay soo agaasimeen maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa waxaa ka soo qeyb galey Munaasabadaan dadweyne aad u farabadan oo Reer Boosaaso ah. Waxaana hadalo koob kooban ka soo jeediyey Gudoonka Gobolka Kan Degmada iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasada Barkhad Cali Saalex. Waxaan madashii Maanta suugaan aan la dhayalsan Karin ku soo bandhigey Hobolada Wallaalaha Gobolka Bari. Guud ahaan Puntland ayaa maanta waxaa ay u ahayd maalin ay xusaan Maalintii ay sameysteen Maamul oo ay kaga gabadeen Dullinimada kala firirsanaanta iyaga oo ku helay Isku duubni Dhaxalsiisey Maamul Wanaag iyo Nabad gelyo ay ku naaloodaan Reer Puntland. Puntland waxaa la Aasaasey Maanta oo kale Sanadkii 1998 tan iyo xiligaasna waxyaabaha looga danbeeyey Puntland waxaa ka mid ah Deganaansho iyo Maamul aan ka madaxbanaaneyn Umada Soomaaliyeed iyada oo ay Puntland Marti gelisey isla markaana ay soo dhaweeyeen dad ka soo barkacay Koonfurta Wadanka Soomaaliya iyo Wadamada ay Soomaaliya Dariska yihiin sida Wadamad Itoobiya, Kenya iyo wadamo kale oo ku yaala Gobolka. Mohamed Ali (Dalmar) mohamedali11@gmail.com HorseedNet News Monitoring. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 2, 2007 A manifestation of the three powers eh that Puntland was created for to give them a better seat at the Somali national political table,... only no Faroole and hence the inclusion of the islaan at the main table. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^loool. The three powers? you mean they are all from the same, sub,sub, sub-clan. Puntland has many clans and not just this family above which is just part of the larger family of one branches of the main clans. Anyhow go tell that to Mr Jurile. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Garowe comes out Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 2, 2007 There is no other reason why the islaan is at the table. Dad badan baa ka horeeyay adeer..in the political weighting room so maad garan .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^No reason, he is the traditional head of the Nugaal region which happens to include Garowe, which has been the capital of Puntland from inception. Like his father the late legend, the young Islaan is playing his part.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 2, 2007 While you are at it, the lower part of your signature captivates attention in a rather irritating way. Iska badal sxb, odeygaas aad tiri "the hero of the age" waan kuu daynaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^Adeer thanks for noticing, your bland signiture was getting to me too. Quote Share this post Link to post Share on other sites