Sign in to follow this  
Somalina

Yaa Ka Danbeeya Xariga Agaasimaha Horseed Media?

Recommended Posts

Somalina   

Cabdifataax Jaamac Mire Agaasimhii Horseed Media waxa uu xabsiga magaalada Bosaso ku jiraa muddo 27 cisho ah, xabsiga Cabdifataax ayaa yimid kadib markii Idaacadda Horseed ay waraysatay Shiikh Maxamed Siciid Attam taariikhdu markey ahayd 13.08.2010, ninkaas oo dagaal adag uu dhexmaray isaga iyo ciidanka Puntland, waraysiga ayaa ahaa mid caadi ah, oo aalaaba la sameeyo in warka laba dhinac laga keeno waxaana uu ka hadlaayey weeraro uu ku qaadey qaar kamid ah ciidanka Puntland oo isla maalintaas dhaawaca iyo dhimashada ka soo gaartey la keenay magaalada Bosaso, ciidankaas oo ahaa kuwo markaas ka yimid magaalada Garoowe isla markaana ka tirsanaa Ilaalada Madaxweynaha.

 

Isla maalintii waraysiga Shiikh Attam uu dhacay waxaa Idaacadda Horseed Media xarunteeda Bosaso gudaha u soo galay ciidan uu wato taliyaha qaybta gobolka Bari Col.Cismaan Cuuke (Afdalow), waxaana xabsiga la geeyey dhamaan shaqaalihii idaacadda. Cabdifataax Jaamac Mire ayaa xabsiga ugu tagey mar danbe kadib markii uu maqley xariga shaqaalaha, maadaama waqtigaas uu isagu ka maqnaa xarunta, waxaana uu sheegay in isagu uu yahay masuulka idaacadda, Ciidankii Boolisu waxay sii daayeen dhamaan shaqaalihii iyada oo si toos ah loola haray Cabdifataax Jaamac Mire.

:eek:

 

Habeenkaas oo taariikhdu ay tahay 13.08.2010, Cabdifataax waxa uu ku baryey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso, waxaana isla habeenkaas lagu sameeyey waraysi iyo hanaddadaad, waxaa qolyihii waraysanaayey ay u sheegeen in uu ka tirsan yahay xarakada al-Shabaab, isla markaana ay ka doonayaan in uu qirto, Cabdifataax waxa uu ku adkeystey in Idaacaddu qaadey isla markaana la dhegaysan karo haddii ay ku jiraan wax qalad ah laakiin aysan waxba ka jirin waxa ay doonayaan in uu qirto, Cabdifataax waxa uu noo sheegay in habeenkaas dharbaaxo kulul uu ku dhuftey mid kamid ahaa askartii habeenbarkii ugu timid saldhiga.

 

Subaxnimadii Axadda taariikhduna ahayd 14.08.2010 ayaa si deg-deg ah Cabdifataax oo aan laga qorin wax Statement ah, baaritaana lagu samayn denbiga lagu haysto, waxaa la horkeenay Maxkmadda derajada kowaad, taas oo ahayd mid la sii balamiyey. Cabdifataax Jaamac Mire waxa uu codsadey in uu helo xuquuqdiisa isla markaana uu doonaayo in uu qabsado qareen u dooda, laakiin arintaas waxba lagama soo qaadin waxaana ku soo oogey denbiga Xeerilaaliyaha Maxkmadda Maxamuud Maxamed Yusuf Shimbir.

 

Xaar-ilaaliyuhu waxa uu ku eedeeyey Cabdifataax Jaamac Mire in uu ku xadgudbey QOD:222-223 Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, taas oo ah in uu buunbuniyey niyadda u dhisay taageerona siiyey kooxda Attam, Guddoomiyaha maxkmadda Faarax Xasan Ismaaciil ayaa ku xukumey 6 sano oo xarig ah iyo 500$ oo ganaax ah.

 

Burinta Qodobada Loo Tiigsadey Cabdifataax

 

1. Ugu horeyn:- Cabdifataax Jama Mirre waxaa lagu eedeeyey inuu 13/08/2010 war uu ku celceliyey idaacadda Horseed ka siidaayey lana soo xiray isla waqtigaas, idaacada Horseed waxay ka mid tahay idaacadaha ka howlgala dhulka Puntland Cabdifataaxna waa suxufi masuul sare ka ah idaacadaas, 13/08/2010 idaacado badan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa laga dhageysto ayaa ka hadlaayey laga sii daayey xaaladaha dagaalka buurta waxaana la wareystay wasiirka amniga Puntland waxa kaloo la wareystay Atam wareysiyadaas oo dhamaan saxaafadduhu ka wada hadlayeen moyee ma jirto wax gaar ah oo maxkada la soo hordhigay oo uu galay:-

 

C/fataax Jama Mirre sidoo kale Cabdifataax kama mid ah Al-shabaab waxaana xaraan ah qofka wax uusan ahayn in lagu sheego balse Cabdifataax waa suxufi ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Puntland mana jirto wax xiriir ah iyo shaqa ah oo gaar ah uu la leeyahay Al-shabaab iyo Atam midna, eedaynta ku qoran xukunka max/D/1aad Bosasana waa waxba kama jiraan iyo eedayn been ah dambina ku ah ciddii soo sameysay kuwaaso u gafay sharciga. Sidoo kale waxaa la orankaraa ama aytahay mu’aamarad shirqool deg-deg ah ee lagu sameenayey Cabdifataax maxa yeeley waxay sheegeen in uu 13/08/2010 war siidaayey waxaana maxkamadda la horkeenay 14/08/2010 waxaana markhaanti loo dhigay askartii soo xirtay oo aan wax cadna sheegin

 

2. Marka xigga:- Qodobada maxkamadu u cuskatay xukunkeeda waa qodobo danbiyadda ciqaabtooda uusan galin isla markaasna qodobadaas ma aha kuwo ay ku caddahay xukunka 6da sano iyo ganaaxa 500 dollar ee lagu xukumay C/fataax marka aynu eegno QOD:222-223 XCS ma aha qaran dumis sida ay qodobadaan maxkamaddu uga been sheegtay balse qodobadaan waxa loo soo qataa laguna ciqaabaa danbiyada dadka gala xasuuq, boob iyo gowracaad iyo danbiyadda dadka gala dagaalka sokeeye.

 

Sidaas darted eedda xaaraanta mu’aamaradda ah ee ay ku eedeyeen Cabdifataax Jama Mirre iyo qodobada ay u cuskadeen maha kuwo iswaafaqsan waxaana halkaan ka muuqda inuusan wax danbi ah galin.

 

Sidoo kale qiraalka ay isna u cuskatay maxkadda xukunkeeda waa qiraal guud oo saxaafadaha iyo idaacaduhu sii wada dayeen hase ahaatee ma aha mid gaar ah oo uu galay gooni Cabdifataax

 

3. Marka xigga:- Cabdifataax Jama Mirre waxaa loo diiday qareen ka difaaca Maxkamadda horteeda kasoo uu xaq u lahaa sida waafaqsan dastuurka Puntland QOD:25 firqadiisa 3aad ( xaquuqda uu leeyahay qof kasta ama muwaadinkasta ee maxkamad la horkeeno waxaa ka mid ah inuu qareen qabsan karo ama maxkamaddu u qabato iyo QOD:27 ee D/ puntland sidaas waxaa lagu xadgudbay sharaftii iyo xaquuqdii muwaadinka C/fataax Jama ee uu siiyey dastuurka Puntland sida ku cad D/ Puntland ee QOD:27 faq/2aad waxaa kale oo lagu xadgubay loona gafay xaquuqda saxafadda iyo warbaahinta sida ku cad D/puntland QOD:22 sidoo kale waxaa afduub iyo xarig aan danbi lahayn lagu sameeyey xoriyadda fikriga ah ee C/fataax uu siisay sharciga iyo D /Puntland.

 

Rafcaanka iyo Fadeexadii Xeer-ilaalinta

 

Maamulka Horseed Media markii ay intaasi dhacdey waxa uu durba gudagalay sidii arinta hab sharci ah oo waafqsan qaynuunka ay u mari lahaayeen, waxaana loo qabtey Cabdifataax Jaamac Mire qareeno difaaca, kuwaas oo soo qorey warqadii rafcaanka, waxaana dhacdey mudadii rafcaanka in la sameeyey meermeerin aad u badan, iyo in laga cagajiido in Guddoonka rafcaanku fariisto xafiiskiisa si uu qabto warqadaha rafcaanka, taas oo runtii ahayd mid aan garawshiyo lahayn, oo laga dareemi karo in xariga meel kale laga jiidaayo sikastaba ha haatee maamulka Horseed Media waxa uu u dulqaatey dhibaatada iyo hagardaamada sharciga iyo xuquuqda muwaadinka loo geysanaay

 

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka Shiikh Nuur Maxamed ayaa muddoo markii qareenadu ka codsanayeen in uu soo fariisto isla markaana ka qabto rafcaanka waxa uu balan qabtey 01.Sept.2010, oo ku beegneyd Arabacadii todobaadkii hore, markii la isugu tegay Maxkmadda ayey Xeer illaalinta la shir timid in aysan diyaar ahayn oo dib loogu dhigo tan iyo maalinta Sabtida ah ee ku beegan 04.09.2010. Taasi waa laga aqbalay dibna waa loogu dhigay si Xeer illaalinta oo horey 2 todobaad wakhti ah u dhumiyey, in markale maalmo loogu daro xiliga maxkamada la isugu imaanayo.

 

Ugu danbeyntii waxaa Cabdifataax la horkeenay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka Bari 04.09.2010.

 

Guddoomiyaha M/rafcaanka Gobolka Bari Shiikh Nuur Maxamed ayaa mar kale ka codsadey Xeer ilaaliyaha Maxkmadda Derjada Kowaad Mr.Shimbir in dacwadiisa soo gudbiyo, Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay intii uu ka sheegay Maxkmadda derajada kowaad ee xukunkii hore ridey, isaga oo codsadey in xukunkaas sidiisa loo daayo.

 

Qareenada difaacaayey Cabdifataax Jaamac waxa ay goobta ka akhriyeen ilaa shan qodob oo dacwaddan ka dhigeysa mid afduuban oo shirqool ah isla markaana laga soo shaqeeyey, sidoo kale waxa ay dastuuriyan u muujiyeen qodabada lagu xukumey iyo denbiga la sheegaayo in aysan ahayn kuwo is waafaqsan, waxaana dhamaan dadkii goobta fadhiyey u caddaatey sida loo marin habaabiyey sharciga loogana been sheegay.

 

Cabdifataax Jaamac Mirre oo maxkmaddu weydiisey waxa uu ka codsanaayo, ayuu mar kale sheegay in aanu denbi gelin, waxa uu soo qaatey oo yiri Idaacadda Horseed Media waxa ay ahayd idaacadda keliya ee sii deysey cod la soo dhigey Internetka, nin Sheeganaayey in uu yahay Shiikh Attam oo yiri “Waxaan ka mid nahay al-Shabaab, Alshabaabna anaga ayey naga mid yihiin” warkaas Madaxweynaha Puntland waa ku faaney waana soo qaatey isaga oo sheegay goobta uu ka hadley, waayo markaas waxa ninkaas la sheegay in uu Attam ahaa uu qirnaayey al-Shabaab, si beesha uu ka dhashey loogu qanciyo, ma jirto cid is weydiisay iyo qof loo xirey, isla waraysigaas waxa uu ku sheegtey in uu jebiyey ciidanka Puntland, ma jirin digniin la siiyey Horseed Media oo la yiri codkiisa ma siideyn kartaan.

 

Qaaliyiinta Maxkmaddu markii ay arkeen in Xeer-ilaaliyuhu uu lafcad toobin ku hayo, isla markaasna la buriyey burhaantiisi iyo sharcigii uu indhaha ka xirey, ayey go’aan ku gaareen in Xeer ilaaliyaha dacwadiisu aysan dhamaystirneyn ee uu soo dhamaystirto, Cabdifataaxna Xabsiga lagu hayo.

 

Xeer ilaaliyuhu dacwad kale oo uu Cabdifataax ku soo oogayaa ma jirto iyo denbi kale oo uu galay, maxay tahay sababta keentey haddii burhaantiisi ay burtey lana caddeeyey afduubka sharciga lagu hayo in la yiraahdo, war ninyahow ma diyaarsanid oo waa lagaa adkaadey ee isa soo diyaari, waxay ahayd sida sharcigu qabo in Cabdifataax la siidaayo 04.09.2010 , mar haddii aysan ahayn dacwadda xeer ilaalintu mid sharci ku dhisan. Laakiin Garsoorkii Puntland, xaalkoodu waa “…Waxaan arkaa wax ilguruxeed ka weyn…” oo Reenka iyo hinraagada Aarka Garoowe ayaa soo gaareysey.

 

Hadaba Cabdifataax yuu u xiran yahay?

 

Waxaa maalintii doraad (06.09.2010) ku ekeyd waqtigii loo qabtey Xeer-ilaalintu in uu dacwadiisa ku soo diyaariyo, waxaana soo baxdey in cadaadis weyn la soo saarey Maxkmadda Rafcaanka, caddaadiskaas oo ka yimid xubno ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, kuwaas oo amar qayaxan ku siiyey in arinta Cabdifataax aan mar danbe Rafcaan la horkeenin, kadib markii sharci ahaan la arkey in gartu Cabdifataax la jirto isla markaana uu ku xiran yahay sharci darro.

 

Sanadkii 2003-dii Cabdifataax Jaamac waxa uu ka mid ah qorayaasha wargays ka soo bixi jirey Bosaso, waxaana markaas wasiirka Maaliyadda ahaa Madaxweynaha hadda ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Maqaal ku soo baxay joornaalkaas ayaa looga hadley musuqmaasuq markaas ka taagnaa wasaaradda maaliyadda, waxaana Cabdifataax dacweeyey Faroole waana la xirey, waxaa la isla tegay Maxkmadda, waxaana Cabdifataax xoriyadiisi siisey maxkmaddii waagaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed.

 

Todoba (7)sano kadib Madaxweyne Faroole ma hilmaamin arintaas, waxaana uu marar badan sheegay in Ninkaas (Cabdifataax)uu mucaarad ku yahay isaga, Madaxweynaha Puntland ayaa arintaas si toos ah ugu sheegay Maamulka Horseed Media, mar uu kala hadlaayey arimaha saxaafadda iyo maamulkiisa.

 

Maalinta ay dhacayso (14.08.2010) Maxkmadda Cabdifataax xukunka xaqdarada ah ku ridey, iyada oo uusan dhicin xukunku waxaa soo galay Taliyaha qaybta gobolka bari Col.Afdalow, waxaana uu telefankiisi gacanta oo markaas uu qof kale kula hadlaayey uu si gaar ah ugula faqay Guddoomiyaha Maxkmadda Derajada Kowaad ee xukunka looga fadhiyey, isaga oo aan wax jawaab ah celin, ayuu gudoomiyuhu telefonka ka soo jeestey, isla markaana aan wax hadal ah celin, daqiiqado kadibna waxa uu ridey gartii leexsanayd, Waa arin aan sharciga waafaqsanayn in Guddoomiyaha oo ku jira xaalad uu wax ku xukumaayo in telefoon loo keeno, taas oo caddeyneysa in meesha ay shaqeenayeen amaro ka yimid meelo kale.

 

Baaritaan Horseed Media samaysey ayey uga soo baxdey in Cabdifataax uu u xiran yahay ”SHARCI DARO” iyo adeegsi Awooda DOWLADEED , waxaana muuqata in Cabdifutax aan loo ogolaan markale in uu helo xaquuqdiisa sidii dhacday 2003-dii oo ay maxkamad isla tagaan Mas’uul dowlada ka tirsan oo xiligan ah Madaxweynaha Puntland.

 

Xaaladda Caafimaad ee Cabdifataax

 

Cabdifataax oo bishii Ramadaan oo dhan ku jirey Xabsiga ayaa sheegay in askarta xabsiga dhexe ay ayaamihii danbe si wanaagsan ula dhaqmaan, laakiin waxa uu sheegay in maskaxiyan ahaan arintan darteed uu aad isugu buuqey, waxa uu sheegay in maalintii banaanka laba jeer loo saaro laakiin habeenkii oo dhan uu ka dul shidan yahay Nal ama Laydh aan lahayn meel laga demiyo, iyada oo kuleyku maraayo in ka badan +400 C, Xiliga Bosaaso uu yahay waqtiyaddii ay ugu kuleleyd. Mar aan weydiiney khabiir arimaha bini’aadanimada ka shaqeeya waxa uu sheegay in Maxaabiista oo Nalka lagu shido 24saac ay tahay jirdil qaynuunka caalamiga ah ee maxaabiistuna uu sidaas u aqoonsan yahay, sidoo kale haddii ay tahay goobtu mid kulul oo dhaafsiisan heerka nolosha caadiga ah waxa uu qofku u baahan yahay in fursad loo siiyo in uu helo layrta, waxaana dhici karta in qofka dhiigu ku furmo haddii kuleykaas aadka u adag iyo nalka joogtada ah lagu hayo.

 

Gunaanad

 

Maamulka Horseed Media, waxa uu isku dayey waxkasta oo arintan lagu qaboojin karo isla markaana loo mari lahaa si sharciga waafaqsan, taas oo ah xuquuq asaasi ah oo dastuurku siinaayo muwaadin kasta, waaba haddii warqadaha la dhigtey ay yihiin kuwo la aqoonsan yahay.

 

Waxaan mahad balaaran u celineynaa dhamaan hay’adaha saxaafadda ee Soomaaliya, kuwaas oo garab istaagey qaddiyadda Cabdifataax Jaamac Mire, sidoo kale waxaan Mahad u celineynaa dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee canbaareeyey xariga Cabdifataax isla markaana nagu dhiiri geliyey in qaddiyada Cabdifataax ay noqoto mid la gaarsiiyo meel kasta, isla markaana laga dacweeyo cidkasta oo ka tirsan Madaxda Puntland ee arintaan lug ku yeeshay, waxaana si gaar ah Mahad ugu celineynaa CPJ, Reporters with our Border, IPI, Amnesty International oo balan qaadey in ay arintan hay’adaha caalamka iyo kuwa ku hawlan arimaha Soomaaliya kala hadli doonaan.

 

Maamulka Horseed Media waxa uu mar kale maamulka ugu baaqayaa in uu dib uga fiirsado falalka caynkan oo kale ah ee sumcadii maamul ee Puntland dhaawaca gaarsiinaaya.

 

Maamulka Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

400C room? Foorno miyaa meesha!! Yaa ka dembeeyay dee?

 

In anyways, six years sentences is way overkill and doesn't sound right. Regardless of whether he and his media outlet have ignored the Government's warnings or not, his arrest seems unjustified and hastily managed. They should release him or at least reduced the sentences(for face saving)to few months or just a fine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To level an accusation against a reporter, release a warrant for his arrest and reach a final verdict for his sentence in the court all in the same day is utterly and extreme power abuse.

 

The state must rethink of this incident.

 

PS: The posted article is too long to read, who are they saying is behind it, yaa kadanbeeya in short? Are they accusing Faroole?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Even Garooweonline baa codsi u weydiisay dowladda! I guess he will be freed in the coming days.

 

Xariga Wariye C/fatax Jamac Mire

 

Horseed Media qaabka ay ku muujineyso qoraalada ay kaga hadleyso xariga wariye C/fataax Jamac Mire ma ahan mid si miisaaman ay waxa jrra ugu sheegeyso, taasi waxey ka dhigan tahay in Wakiilada Horseed Media ee fadhiya Dibada Somalia iyagu ay wariyaha dhex dhigeen kiiska Dowladu ku doodeyso in loo haysto.

 

Marka hore qoreyaasha Webkaasi Horseed Media ee Dibadaha fadhiya waa in ay cadeeyaan mowqifka Saxaafada shuruucdeeda ka bedelan ee ay shaarka ugu huwan yihiin qalinka saxaafada.

 

Mana ahan arrintan mid ay C/fataax Jamac Mire xal ugu keeni karaan sababtoo ah waxey u muuqan mid ay ugu soo gabanayaan afla-gaadeynta Madaxda iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Puntland taasi oo mamnuuc ka ah xeerarka soo jireenka ah ee Saxaafada lagu yiqiiney.

 

Bahda Radio Garowe & Garoweonline waxa ay mar walba Saxaafada Puntland kala kala siman tahay Xuquuqda Saxaafadu, islamarkaana ay la ogaan tahay talaabooyinka saxda ee Wariyeyaashu aragtidooda ku saleeyeen ee ku wajahan xariga Wariye C/fataax Jaama Mire.

 

Wariyaasha ka howl-gala Idaacada madax-banaan ee Radio Garowe waxey ka codsanayaan Dowladda Puntland inay ka laabato go'aanka Wariyahan lagu xirey, islamarkaana Saxaafadu tix-galiso Dowladnimada iyo Amaanka guud.

 

Wariyeyaasha Radio Garowe waxay kaloo ugu baaqayaan Dowladda Puntland inay mar kasta dhowrto Xuquuqda Saxaafada oo ka madax banaan faro galin Dowladeed.

 

Sida ku cad Dastuurka Puntland kaasi oo oranaya Saxaafada Puntland ka shaqeysa wey ka madax banaan yihiin faro galin dowladeed balse waxa waajib ku ah Saxaafada inay ay dhowraan Sharciga kala danbeynta ee Puntland ka jira.

 

W/Qore: Wariye ka tirsan Bahda Wariyeyaasha Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gheele ma jirin digniin la siiyey Horseed Media. Sheekadu waa taa.

 

lol@yaa ka danbeeyey.....

There is no press freedom in PL since Suul weyn took over. Marka yaa kale oo ka danbeyn kara aad is leedihiin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nina, digniin hadda la baxshay maaha, laakiin waa sharci ay PL ay isticmaalaysay illaa iyo markii la unkay. Kuwa horeba saan baa loo xiray ay ka mid yihiin RadioDaljir and Voice Of America reports. It is not the arrest that i surprising, but the way the case has been handled and length of the sentence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

I was trying to be nice dee, wax garo. Sidey noqotaba, Mr Suul weyn ayaa maamula PL, asagaana mas'uul ka ah wixii ay PL ku xuntahay ama ku fiicantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I don't see any crime the man made, infact Horseednet has become with Radio Daljir my two favourite Somali news site. Horseednet medias news has been consistent and reliable.

 

He should be released this is the bisggest mistake Faroole made in the whole Galgala affair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow if the case was handled as you put and that the PIS was behind his arrest and the reportwer was accused of having links to terror or even has shown sympathy for the likes of Atom then I would have supported his arrest.

 

But Puntland leadership is too fool to think and publicised that he was arrested for airing an inteveiw with Atom.

 

That is propostorous and barbaric command.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gheelle.T:

Even Garooweonline baa codsi u weydiisay dowladda! I guess he will be freed in the coming days.

 

quote:

Xariga Wariye C/fatax Jamac Mire

 

Horseed Media qaabka ay ku muujineyso qoraalada ay kaga hadleyso xariga wariye C/fataax Jamac Mire ma ahan mid si miisaaman ay waxa jrra ugu sheegeyso, taasi waxey ka dhigan tahay in Wakiilada Horseed Media ee fadhiya Dibada Somalia iyagu ay wariyaha dhex dhigeen kiiska Dowladu ku doodeyso in loo haysto.

 

 

Mana ahan arrintan mid ay C/fataax Jamac Mire xal ugu keeni karaan sababtoo ah waxey u muuqan mid ay ugu soo gabanayaan afla-gaadeynta Madaxda iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Puntland taasi oo mamnuuc ka ah xeerarka soo jireenka ah ee Saxaafada lagu yiqiiney.

 

 

W/Qore: Wariye ka tirsan Bahda Wariyeyaasha Radio Garowe

Ina Faroole markuu dibadda dawlad Cadde ku "aflagaandayeye" maxaa ku dhacady. Jawaabtu waa waxba. IF I was Faroole, I will fire my media advisor (ina Faroole), he is truely bringing very bad publicity to his father. What an unjust and unnecessary violation of the freedom of the press and the freedom of one couragious reporter Mr. Cabdi Fatax.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this