General Duke Posted August 13, 2007 Wasiirka wasaarada Batroolka DF oo ka hadlaya kulanka jaaliyada Melbourne Wasiirka Batroolka DF oo ka hadley sharciga Shidalka 13 Aug 13, 2007 - 7:12:47 AM Wasiirka Batrolka DFKMG ah C/laahi Yusuf Maxamed oo booqasho ku jooga wadanka Australia ayaa kulan ay ka soo qayb galeen jaaliyada Somalida ee Melbourne kaga hadley arrimaha shidaalka Somalia oo wayadan dambe warar badan oo is khilaafsan ka soo baxayeen. Wasiirka ayaa meesha ka saarey in aysan wax ka jirin wararka sheegaya in shirkada Batrolka Somaliyed ay saami 49% ku yeelan doonan shirkadaha ganacsiga Kuweit Energy, Indonesia PT Medco Energi Internasional Tbk.Halka ka akhri war la xiriira Wasiirka wasaarada Batroolka DF oo ka hadlaya kulanka jaaliyada Melbourne Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa shegey in shirkada Batroolka Somaliyed ay boqolkiiba boqol ay yeelan doonto dowlada Somaliyed isla markaana aysan aqbali doonin wax ka duwan sidatan. Wasiirka oo wax laga waydiiyay sababta loogu baahdey in shirkad Batrool la sameeyo iyada oo ay jirto wasaarad ku shaqo leh howlaha shidaalka ayaan jawab toos ah ka bixin balse sheegey in ay ka horeyso in la aqbalo sharciga Barlamanka. Dhinaca kale wasirka ayaa shegey in ay jiran heshiisyada lala galey Range Resources, CNOOC iyo Kuweit Energy, Indonesia PT Medco Energi Internasional Tbk balse aysan Wasaaradiisa weli ansaxin. Wasiirka Batroolka DFKMG ah ayaa shegey in ka wasarad ahaan uusan weli la kulmin Range Resources isla markaana uusan arkin waraaqo qeexaya heshiiskooda Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa sheegey in wararka jaraa'idka caalamka ka qorayaan arrimaha heshiiyada shidaalka Somalia aysan ka soo bixin wasaaradiisa isla markaana dadka ka hadley ku shaqo laheyn. Wasiirka Batroolka ayaa xusey in ay jiraan ilaa 50 heshiis oo lala galey shirkado kala duwan balse ay ansax noqon doonaan kuwa wasaaradiisa gasho isaga oo sheegey in warsaxfadeed ka soo saari doono arrimaha shidaalka August 27. Dhinaca kale Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa xaalka guud ee Samalia rajo weyn ka muujiyay gaar ahaan shirka beelaha Somaliyed uga socda magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii dadka isugu yimid kulankan ku dhiiri galiyay in dalkii dib ugu noqdaan isla markana ka qayb qaataan howlaha dib u dhiska dalka madama isaga laftigiisu ka mid ahaa qurba joogta. Quote Share this post Link to post Share on other sites