Sign in to follow this  
General Duke

TFG oil Minister A/lahi Yusuf talks about oil law

Recommended Posts

DSCN1434.JPG

Wasiirka wasaarada Batroolka DF oo ka hadlaya kulanka jaaliyada Melbourne

 

Wasiirka Batroolka DF oo ka hadley sharciga Shidalka

13 Aug 13, 2007 - 7:12:47 AM

 

Wasiirka Batrolka DFKMG ah C/laahi Yusuf Maxamed oo booqasho ku jooga wadanka Australia ayaa kulan ay ka soo qayb galeen jaaliyada Somalida ee Melbourne kaga hadley arrimaha shidaalka Somalia oo wayadan dambe warar badan oo is khilaafsan ka soo baxayeen.

 

Wasiirka ayaa meesha ka saarey in aysan wax ka jirin wararka sheegaya in shirkada Batrolka Somaliyed ay saami 49% ku yeelan doonan shirkadaha ganacsiga Kuweit Energy, Indonesia PT Medco Energi Internasional Tbk.Halka ka akhri war la xiriira

 

 

Wasiirka wasaarada Batroolka DF oo ka hadlaya kulanka jaaliyada Melbourne

Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa shegey in shirkada Batroolka Somaliyed ay boqolkiiba boqol ay yeelan doonto dowlada Somaliyed isla markaana aysan aqbali doonin wax ka duwan sidatan.

 

Wasiirka oo wax laga waydiiyay sababta loogu baahdey in shirkad Batrool la sameeyo iyada oo ay jirto wasaarad ku shaqo leh howlaha shidaalka ayaan jawab toos ah ka bixin balse sheegey in ay ka horeyso in la aqbalo sharciga Barlamanka.

 

Dhinaca kale wasirka ayaa shegey in ay jiran heshiisyada lala galey Range Resources, CNOOC iyo Kuweit Energy, Indonesia PT Medco Energi Internasional Tbk balse aysan Wasaaradiisa weli ansaxin.

 

Wasiirka Batroolka DFKMG ah ayaa shegey in ka wasarad ahaan uusan weli la kulmin Range Resources isla markaana uusan arkin waraaqo qeexaya heshiiskooda

 

Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa sheegey in wararka jaraa'idka caalamka ka qorayaan arrimaha heshiiyada shidaalka Somalia aysan ka soo bixin wasaaradiisa isla markaana dadka ka hadley ku shaqo laheyn.

 

Wasiirka Batroolka ayaa xusey in ay jiraan ilaa 50 heshiis oo lala galey shirkado kala duwan balse ay ansax noqon doonaan kuwa wasaaradiisa gasho isaga oo sheegey in warsaxfadeed ka soo saari doono arrimaha shidaalka August 27.

 

Dhinaca kale Cabdulahi Yusuf Maxamad ayaa xaalka guud ee Samalia rajo weyn ka muujiyay gaar ahaan shirka beelaha Somaliyed uga socda magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii dadka isugu yimid kulankan ku dhiiri galiyay in dalkii dib ugu noqdaan isla markana ka qayb qaataan howlaha dib u dhiska dalka madama isaga laftigiisu ka mid ahaa qurba joogta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this