Cowke Posted July 9, 2010 09. July 2010 Minneapolis,MN,(July5,6,2010):- Xil-dhibaan Caasha Axmed Cabadalah oo ka tirsan golaha shacabka ee dowladda federal-ka ku- meel- gaarka (DFKMG) ayaa labadii habneen ee la soo dhaafay waxay kulano la qaadanaysay qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee k u dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Xil-dhibaan Caasha oo habenimmadii isniinta kulan guud kula qaadatay Jaaliyadda hoolka weyn ee Minneapolis ee inta badan ay jaaliyadda kulannada iyo xafladaha ku qabsato ayaa dadkii halkaas isugu yimid ugu warantay xaaladda guud ee siyaasad ahaan dalku maanta ku suganyahay. Caasha Axmed Cabdalah waxay sharaxaad faahfaahsan ka bixisay xaaladda magaallada Muqdisho oo ay runtii rajo xumo weyn ka muujisay, waxayna eed weyn dusha ka saartay DFKMG iyo ciidammada AMISOM iyo ururka Al-shabaab oo ay dhammaantod ku eedaysay inay gummaadayaan shacabka Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada Muqdisho. “Haddii ay Itoobiya dalkeenii burburisay waxaa wixii ay geystaan seddex jibaar wax ka daran sameeyay Uganda iyo Ruwanda” waxaa sidaa yiri Caasha Axmed Cabdallah oo tilmaamaysay weynaanta iyo baaxadda ay leedahay dhibaatada ka jirta dalka, “…ilmaha dhashay, hooyooyinka, dhallinta yar-yar iyo…, meydadku waxay daadsanyihiin Muqdisho, laga soo bilaabo Ceel- macaan ilaa Al-Jaziira ilaa iyo Af-gooye…waxaasi waa dhalinteenii, ma aqaan ! Fac dhan baa dhexda ka baxay…” ayeey tiri Caasha. Mar ay ka waramaysay is qab-qabsi dowladda dhexdeeda ah ayeey sheegtay inay taasi tahay cudur weyn oo had iyo jeer jira laakiin waxy si si gaar ah u tilmaantay inaan loo baahnayn in dowladda lala dagaalo oo la burburiyo, “KHaladaad way jiraan waliba dadka qaar ka mid ah o xukuumadda ku jiraa waa danbiilayaal laakiin hadana anigu ma qabo in dowladda la burburiyo oo halkii 1991kii aan dib ugu noqono, laakin waa in halka ay hadda joogto laga sii wadaa.” Ayeey tiri Caasha Axmed Cabdallah. Waxay dadki jaaliyadda ahaa ee fadhiyay kulankaas ugu baaqday inay wada jir iyo Soomaalinimo ku wada shaqeeyaan iyadoo carrabka ku dhufatay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota ay yihiin jaaliyadda runtii ku ammaanan sida midnimmada Soomaalinimmada ah ee ay muujiyaan marka uu wafdi soomaaliyeed soo booqdo oo aysan u kala harin. Waxaa kaloo ay Caasha Axmed ammaan balaaran u jeedisay maamulka Punt land oo ay ku sheegtay inuu yahay gobol runtii nabaddiisa ay Soomaali oo dhan u baxsatay una qaxday, loona baahanyahay in ammaankiis lagu wada dadaalo. Ugu dambayntii waxay u mahad celisay Jaaliyadda reer Minnesota , sida qaddarinta iyo sharafta badan ee ay u soo dhoweeyeen, reer Minnesota ayaa runtii si weyn uga soo qayb kulannadaas, waxaana halkaas laga soo jeediyay Heeso, buraanburo, gabayo iyo waliba sheekooyin talo iyo tusaalayn xambaarsanaa. Caasha Axmed iyo xubno kale oo Parliament-ka DFKMG ka tirsan ayaa dalka Maraykanka ku yimid booqasho rasmi ah, iyada oo intii aysan immaan Minnesota kulana la soo qaadatay xubno ka kala tirsan labada gole Congress-ka waxayna sheegtay in dhammaan madaxdii ay la kulmeen ee dalka Maraykanka ay u sharxeen dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo waxa ay salka ku haysao iyo waliba sida ay la tahay iyaga in lagu xallin karo, dhammaan ay isku af-garteen wixii ay ka wada hadlee waxaa soo diyaarshay Somali American media (SAMATV) mxuseen840@somaliamericanmedia.org mxuseen840@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 9, 2010 Another Great Patriotic MP. Good job Caasha Abdalla Quote Share this post Link to post Share on other sites