Jacaylbaro Posted January 12, 2008 Sawirka iyo magaca Xasan Dahir Aweys ayaa guud ahaan laga saaray website-ka dowladda Mareykanka ay ku tixday liiska kooxaha argagixisadda ee Soomaaliya. Sawirka iyo magaca Xasan Dahir Aweys ayaa guud ahaan laga saaray website-ka dowladda Mareykanka ay ku tixday liiska kooxaha argagixisadda ee Soomaaliya ,waxaana la rumeysan yahay inay go-aankaas qaateen ka gadaal markii dabagal dheer ay ku sameeyeen Sheekh Aweys oo ka mida hogaamiye diimeedyadda ugu caansan Soomaaliya. Sawirka iyo magaca Xasan Dahir Aweys ayaa guud ahaan laga saaray website-ka dowladda Mareykanka ay ku tixday liiska kooxaha argagixisadda ee Soomaaliya ,waxaana la rumeysan yahay inay go-aankaas qaateen ka gadaal markii dabagal dheer ay ku sameeyeen Sheekh Aweys oo ka mida hogaamiye diimeedyadda ugu caansan Soomaaliya. Saraakiil Mareykana iyo Xasan Dahir Aweys ayaa la sheegay inay ku kulmeen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya todobo maalmood ka hor xilli uu ku soo cibaadeeystay xajka barakeeysan. Xasan Dahir Aweys oo markii ugu dambeysay ahaa Gudoomiyihii golaha Shuuradda ee Maxaakiimta Islaamka ahna korneyl ka tirsanaa Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya ayaa iminka ka mida Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay Caasimadda Dalka Ereteria ee Casmara taas oo riixday in Sheekh Aweys kooxdii uu soo barbaariyay ee Shabaabka ay ku daraan liiska kooxaha gala raacyadda ay ugu magacdareen ee qaatay dastuur iyo dimiqoraadiyad sida ay hadalka u dhigaan HawiyeNews Quote Share this post Link to post Share on other sites