Sign in to follow this  
Emperor

More civilians flee from previously peaceful districts of Banadir

Recommended Posts

Emperor   

Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir oo bilaabay in ay guryahooda ka cararaan.

Posted: 5/27/2009 10:01:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Qaar ka mid ah dadkii deganaa xaafadaha degmada Dharkeenlay Ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay guryahooda uga barakacaan cabsi la xariirta in degmadaasi ay dagaalo ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo Xoogaga ka horjeeda kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada xafadahaasi.

 

 

 

Kadib markii dhawaan qeybo ka mid ah degmada dharkeenlay ee gobolka Banaadir ay soo dageen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa degmadaasi ka bilowday cabsi ay dadku ka qabaan dagaal ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ku dhexmara gudaha degmadaasi.

 

 

 

Xaafado ay ka mid yihiin Abbe Godey,Shuuriga,Dabaq eynka iyo Suuq Liif ayaa waxaa ka bilowday barakac Aan badneyn iyo cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in dagaal halkaasi uu ku dhexmaro labadaasi dhinac sida uu Idaacada Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Casaanyo oo Shabelle la hadlayay ayaa sheegay in halkaasi ay ciidamada u geeyeen sugida Ammaanka sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Wel welka iyo cabsida ay qabaan dadka deegaanka ayaa waxaa ay tahay in xili walba ay filanayaan dagaal degmadaasi ku dhexmara dhinacyada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka kaasoo sababi kara barkac iyo qasaare soo gaara dadka deegaanka.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Barakac Xoogan oo kasocda Degmada Madiina

 

Horseed Media

Muqdisho, Soomaaliya

 

Dad badan ayaa ka barakacaya xaafadaha Wadajir iyo Dharkenley oo ka tirsan degmada Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradka.

 

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca degaankaasi oo ka dhaca degaanka maadaama ay ciidamo badan oo labada dhinac ay soo wada galeen degaanka.

 

Degmada Madiina waxay ka mid ahayd meelaha ugu deganaa magaalada, waxaana halkaasi ay hoy u noqotey dad badan oo ka barakacay qeybo ka mid ah magaalada kuwaasi oo hadda bilaabay inay dib uga cararaan.

 

C/qaadir Cabdulle Cismaan oo ka mid ah dadka degaanka oo maanta u waramay barnaamijka “Xog Ogaal” ayaa sheegay in qoysas badan oo ku noolaa degaanka ay ka qaxeen shaley illaa maanta iyagoo ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhaaco degmada Madiina, kaasi oo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar ay dadku baneeyeen, waxaana dadka ay ku sii qaxayaan degaanka Ceelasha biyaha iyo Kaxda oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka ayaaa ku sii qulqulaya degaanka iyagoo wata gaadiidka dagaalka.

 

Saraakiisha dowlada ayaa ku tilmaamay tallaabadasi mid ay ku xaqiininayaan amaanka garoonka diyaaradaha si aan looga soo weerarin dhinaca degmada Madiina, hase yeeshee kooxaha mucaaradka ayaa sheegay inay ciidamada dowlada yimaadeen fariisimo ay iyagu leeyihiin oo ay ku soo xadgudbeen.

 

Dhinaca kalana waxaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh iyadoo maantana rasaas goos goos ah laga maqlay isgoyska Afarta Jardiino oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho halkaasi oo ka mid ahayd meelihii say ka dheceen dagaalada xoogan ee dhexmarey ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka.

 

 

Source: HR Media

 

ShareThis

 

No Comments, Comment

Reply to “Barakac Xoogan oo Ka Socda Degmada Madiina”

Name (required)

 

Mail (required)

 

Website

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tragic news indeed. Since 2004 Sharif Ahmed & Xasan Dahir have been displacing the people of Mogadishu with their never ending excuses and "liberations". When will the people be liberated from these two clan clowns?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Hassan Dahir is liberating Mogadishu from what he calls Gaalo and Gaalo-raac(AMISOM and Sheikh hotel) while Sheikh hotel is using the same Gaalo (which he used to liberate from Mogadishu a year ago) to shell the capital...

 

The result is more death, bloodshed and mass human displacement...

 

Ilaahay Maskiinta ugaraar....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qax ka bilowday Muqdisho

27 May 27, 2009 - 6:58:51 AM

 

In ka badan 20,000 qof ayaa tan iyo shalay gurayhooda uga barokacaan cabsi ku aadan dagaalo ka dhex dilaaca Muqdisho iyo madaafiic lala beegsanayo Madaxtooyada oo ku dhaca xaafado ku dhow.

 

Degmooyinka Wardhiigley iyo Dharkeynle ayay dadkan barokacaya ku noolaayeen, waxayna u kala jahaysteen dhinacyada waqooyiga iyo koonfurta ee Muqdisho, si ay uga nabadgalaan rasaasta iyo madaafiicda la isdhaafsanayo.

 

"Muddo yar ka hor ayaan kasoo laabtay gurigeyga, waxaan ku fikirayay inaan si nabad ah ugu noolaado, balse duqeyn cusub iyo dagaalo ayaa igu qasbay mar kale inaan qaxo" ayay tiri Sahro Cumar oo sii qaxaysay.

 

"Waxaan u cararayaa goob nabdoon oo aan ku noolaan karno aniga iyo caruurteyda" ayay hadalkeeda **** dhigtay Sahro, iyadoo sheegtay inay iyada iyo saygeedu u xamaali jireen caruurtooda.

 

Ugu yaraan 11-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowlada ayaa ku dhintay madaafiic lala damacsanaa Madaxtooyada, taasoo ku dhacday guryo ku dhow Villa Somalia, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 20-qof oo kale.

 

Dhanka kale, degmada Dharkeyley oo dhanka galbeed ee Muqdisho ku taala ayay dadku bilaabeen inay iyadana isaga barokacaan, markii ciidamo ka tirsan dowlada iyo mucaaradka lagu daadgureeyay.

 

"Ciidamada dowlada ee la geeyay Dharkeyley waxay sugayaan amaanka, waxayna ka hortagayaan kooxaha mucaaradka ah oo halkaas kasoo gana madaafiic dadka lagu laayo" ayuu yiri afhayeenka Milateriga Somalia Col. Farxan Mahdi Carsanyo.

 

Shacabka degmada Dharkeyley iyo kuwa Madiina ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada labada dhinac isku jiraan masaafo aad u gaaban, ayna dhici karto inay si fudud isugu dhacaan.

 

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in tiro ka badan 100,000-qof ay guryahooda ka carareen tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada u dhexeeya dowlada iyo mucaaradka damacsan inay talada ka tuuraan, kuwaasoo socday tan iyo horaantii bishan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this