Sign in to follow this  
General Duke

BAAQ TAAGEERO KU WAJAHAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SOMAALIYEED

Recommended Posts

BAAQ TAAGEERO KU WAJAHAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SOMAALIYEED

 

URURKA NABAD JACAYLKA SOMALIYEED

SOMALI PEACE SPLU LOVING UNION.

 

Manchester/24 jul 2007 UK/03.

 

BAAQ TAAGEERO KU WAJAHAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SOMAALIYEED.

 

Anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Dhexe, kan Fulinta, kan Taagerayaasha Ururka SPLU, gaar ahaan Bulshada Reer Baraawe meel kasta ay joogaan iyo kaygaba, waxaan marka hore soo dhaweynaynaa, isla markaana taageereynaa Shirka ka socda Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuna saabsan Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, ahna shirkii ugu horeeyay ee soomaalidu ku qabsato gudaha Dalka, iyadoo ka madax-banaan fara-gelinta shisheeye & iyadoo shirka gudihiisa aysan ka muuqanin dad ajaanib ah oo dhax-dhaxaadinayo Odayaasha Dhaqanka sida loogu arki jiray shirarkii hore oo soomaalidu lagu heshiisiinaayay.

 

Marka labaad, waxaan salaan, duco iyo hambalyo u soo gudbinaynaa Odayaasha Dhaqanka ee nasiibka u yeeshay in ay ka mid noqdaan Ergooyinka lagu casumay Shirka, iyagoo matilaayo Bulshaweynta Soomaaliyeed, annagoo ka rajaynaynaa inay guul ugu soo hooyaan shacbigooda si ay fursad ugu helaan isu soo laabashada, is-cafinta, nabad-ku-wada-noolaasho iyo walaalaynta dadkii soomaaliyeed ee muddo ku siman 17 sano kala irdhoobay.

 

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa in mas’uuliyadda iyo hawsha intaas la’eg ee Odayaasha dhabarkooda saaray uu Ilaah u fududeeyo, ceebtoodana asturo, hasa yeeshee, waxaan Odayaasha madasha Shirka fadhiya, ka codsanaynaa in ay muujiyaan sabar, is-qaddarin, istexgelin, wada tashi dhab ah iyo isku tanasulid, sifooyinkaasna ay yihiin kuwa lagu gaari karo hadafka in danta shirka, haddii la waayona ay sabab u noqon karta bur burka shirka, khilaafyada Beelaha soomaaliyeedna halkooda ka sii ambaqaadaan.

 

Sidoo kale Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha oo uu hormuudka u yahay Mudane Cali Mahdi Maxamed iyo Xubnaha kale ee isagu la shaqeeya, ammaan iyo hambalyo u soo jeedinaynaa, una ducaynaynaa in uu Eebbe u fududeeyo hawshaas baaxada weyn leh dhibka badan, waxaase ula dar-daarmayna hawl-wadeenada shirka in ay si caddaalad iyo sinnaan u agaasimaan dhammaan arrimaha la xiriira shirka.

 

Mahad gaar ah waxaan u soo jeedinaynaa Dowladda Federaalka KMG Soomaaliyeed oo suurta gelisay in Shirka Dib u Heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed lagu qabto Dalka Gudihiisa, Adduunweynahana ay u muujisay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka go,anta in ay dhexdooda ka heshiyaan Aaya-ka-talinta siyaasadda iyo hormarinta Waddankooda, iyadoo aysan la kaashanin qowado shisheeye, cidna aysan u baahnayn in ay dhex-dhexaadiso.

 

Sidoo kale Dowladda FKMG, waxay gaashaanka ku dhuftay isla markaana beeneesay wararkii ku tiri ku teenka ahaa oo sheegaaye in Waddanka gudihiisa aan shir lagu qaban Karin, iyagoo sabab uga dhigaayay in Caasimada Soomaaliyeed (Muqdisho) aan la isku halayn Karin amman darro awgood. Waxaase Dowladda kula dar-daarmaynaa in ay tixgeliso go,aannada ka soo bixi doono shirweynaha , isla markaana hirgeliso si loo helo Maamul wanaag oo ku dhisan caddaalad ijtimaaci ah, sinnaan, nabad ku wada noolaasho iyo iskaashi.

 

Waxaan si gaar ah ula dar-daarmayna Ergadii matilaysay Bulshada Reer Baraawe, in ay ilaaliyaan sharafta, magaca iyo haybada Degmadooda. Waxaan ku baraarujinaynaa in ay Guddiga Shirka u gudbiyaan wixii Shacbiga Reer Baraawe ay ka tabanaayaa Maleeshiyada Beesha sida xoogga ah ku haysato Maamulka Degmada Baraawe, dhibaato aan la soo koobi Karin u geysteen shacbiga Reer Baraawe.

 

Ergada waa in ay si qeexan runta jirta uga baaraan degaan oo aysan, boogta kor kamasaxin oo keliya ee ay hoos ugu degaan, haddii la rabo in la helo xal waarta. Cid aan Ilaah ka ahayn ha ka baqanin, Odayaasha shirka fadhiya u bandhiga awood sheegashada Cabdullaahi Xalane Dhuxulow iyo xasuuqi mooriyaantiisu u geystay Ciidamo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ka hawgala, kuwaas oo ka tirsan dadka ka soo jeeda Degmada Baraawe oo u socday inay xaasaskooda & reerahooda soo booqdaan iyo dad shacab ah, dhacdadaasoo fool xun leh ka dhacay goob Magaalada Baraawe u jirto 15 Km., taariikhdu markay ahayd 19kii bisha aynu ku jirno

 

Dadkii ku kacsan Siyaasadda Dowladda, waxaa iyaga kula talinaynaa in ay Alle ka baqaan oo ka daayaan caruurta, haweenka iyo dadka matada ee xamaalanaaya ee ay miinooyinka u dhiibaan oo naftooda iyo dad aan waxba galabsan aad ku haligaysaan. Ogaada in aadan is-hortaagi Karin IRAADADA Ilaahay iyo rabitaanka shacabka intiisa badan, waayo waxaa la gaaray xilli aan cidna la juu-juubi Karin, dulmiilayaasha iyo daba-dhilifkooda gabbal kooda wuu dhacay

 

Xaqa waa soo daaxiri doono, haddii Eebbe raalli ka noqdo mar dhaw qof walba uu heli doono wixii xuquuq ah ee laga marooqsaday, muddo 17 sano ku noola si silic iyo caga juglayn uga imaanaayay maleesiyadii si sharci darro ah ku haysto Deegaanno aysan u dhalan.

 

Waxaan Baaqayna iyo taagereyna ku soo geba-gebenaynaa HAL KU DHIGA Ururka SPLU oo saldhigga u ah Dhismihiisa & Jiritaankiisa kaasoo ah: Nabad, Caddaalad, Sinnaan, Nabad ku wada Noolaasho, Midnimo, Iskaashi iyo Walaalayn.

 

Soomaalidu waxay ku Maah Maahda: Haddii Ceelay ay heshiyaan ayaa geel biyo cabaa, sidaas darted, waxaan Eebbe ka tuugaynaa in Somaalida qalbigooda isku keeno, naxriisna ku beero si ay u walaaloobaan, sharaftooda iyo karaamadooda ay soo ceshadaan.

 

Soomaaliya Ha Noolaato, Ha Is-raaco. Ha Midoobo. Aamiin, Allow naga aqbal baryadeena iyo ducadeenaba.

 

WAA BILLAHI TOWFIIQ.

 

KUSIMAHA GUDDOOMIYA URURKA

Dr. Abdulqaadir Maye,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this