Sign in to follow this  
Gabbal

The fighting reaches Shabellada Hoose.

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaalo qaraar oo ka dhacay deegaanka Leego.

 

 

Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo qaraar oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dagaalkaasi uu dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda Ethiopia ee difaacaya dowladda Somalia.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Leego, iyadoo ay adag tahay in la helo xog faahfaahsan oo tilmaameysa qasaaraha dhacay.

 

Dagaaladaan ayaa ah kuwo maalintii 9aad socdo, iyadoo maxkamadaha islaamka ay isaga soo baxeen gobolada dhexe ee Somalia, ka dib markii looga adkaaday dagaalo ka dhacay Bandiiradleey, iyadoo laakiin maxkamadaha ay ku gacan seyreen in laga adkaaday , balse xeelad dagaal ay uga soo baxeen gobolada dhexe.

 

 

Dagaaladaan u dhaxeeya maxkamadaha islaamka Somalia iyo ciidamada dowladda Ethiopia oo kaashanaya kuwa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay ku naf waayeen kumanaan.

 

 

 

Xafiiska wararka Allceeldheer London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada Maxkamadaha iyo Ethiopian-ka oo dagaal xoogan ku dhex maray Deegaanka Leego.

 

Wanla Weyn, Arbaco 27 December 2006 Simba Radio

 

Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamo Ethiopian ah oo taagerayaan Ciidamada DF ayaa lagu soo waramayaa iney ka socdaan Deegaanka Leego oo ka tirsan Degmada Wanla Weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

 

Mas'uul sare oo ka tirsan Maamulka Maxkamada Wanla Weyn oo Idaacada Simba la xiriirtay ayaa sheegay dagaalkani inuu ahaa weerar ay soo qaadeen Ciidamada Ethiopian-ka isla markaana ay la kulmeen iska caabin xoogan oo aad u weyn.

 

Mas'uulkaasi ayaa sidoo kale Idaacada Simba u sheegay iney Ciidamada Ethiopian-ka oo ay la socdana Ciidamo ka tirsan DF ay u riixeen dhinaca Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay .

 

Degmada Wanla Weyn oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u kacsan yahay dareenka Dadweynaha maadaama degmadaasi si xoogan looga maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, Degmada Wanla Weyn aan ka heleyno ay sheegayaan in dadka ay halkaasi abaabul balaaran ay ka wadaan, oo loogu hortagayo in loogu hortago Ciidamada Ethiopian-ka ee kusoo duulay Dalka Somalia.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

WANLA-WEYN: Dagaal xooggan oo ka socda xilligaan Degmada Wanla-weyn ee Shabeellada Hoose

Posted to the Web Dec 27, 11:27

 

Wanla-weyn (PP) - Dagaallo aad u qaraar oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Midoobay ayaa ka socda deegaanka Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Wararka ka imaanaya degmadaas ayaa waxay sheegayaan in hugunka rasaasta aad looga maqlayo gudaha degmadaas ayna dadka degmadaas cabsi weyn la soo daristay, waxaana degmada Wanla-weyn lagu sheegay inay tahay mid aad u kacsan xilligaan.

 

Sidoo kale wararka ka imaanaya degmada ******** ayaa waxay sheegayaan in degmada ay qarka u saaran tahay in lagu dagaalamo, taasoo dadka cabsida ugu weyn ku beertay dadka deegaankaas ku dhaqan.

Ciidmmada Maxkamadaha ayaa waxay ka soo ambabaxeen habeen hore Degmada Buur-hakaba oo ay ka dagaalamayeen muddo 6-casho halkaas, waxaana Sheekh Shariif uu ku sheegay ka soo bixitaankaas inuu yahay mid xeelad dagaal ah, waxaana u sheegay inay dagaalka baddaleen.Waxaase soo ifbaxaysa in la isku awood sheegtay oo loo awood sheegtay Maxaakiimta.

 

Si kastaba, Maxaakiimtu waxay horay u dhumiyeen fursad qaaliya , marka dib loogu laabto heshiisyadii u danbeeyey ee iyaga DFKS ku dhexmaray dalka Suudaan heshiiskaas oo labadii jeer ee u danbaysay ay ku guul-daraysteen inay wax wada hadala ay la galaan DFKS, taasoo soo de-dejisay dhiiga maanta ka daadanaya Soomaaliya.

 

Wararka ku saabsan dagaalkaas waxaad kala socon doontaa Aqrite webkaaga 1-aad ee www.puntlandpost.com haddii ALLE ogolaado.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this