Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Diriye first interview since CHANGE

Recommended Posts

^^^^ yes indeed the man has cgange he veiws.

he spoke alot of his healthe. Dhiigkarbaa igu dhacay afcores hadaa dad xoolihiis ku nooshahay. waa uu kugu dhicin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^^ :D War Odayga kaqalee towbad keen noqoyee

 

Let the man live, at last he realised that peace is the ultimate solution, Nabad baan dadka ugu dardaarmayaa ayuu yiri, now this is what I call Caaqilnimo not the then ussual comments we use to hear, I applaud him...

 

Dadbaanse wali garan taa, tolow may latashadaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaashii u hadli jiray kooxihii dawlad diidka ahaa oo markii ugu horaysay hoosta ka xariiqay in naaraha laga waraabiyay.

 

Axmed diiriye oo ah odaygii u hadli jiray kooxihii nabad diidka ahaa oo dagaalada kulul kula galay dawlada somalia magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaaladii muqdisho isagoo sheegay in dagaaladii muqdisho loogu awood sheegtay wuxuu yiri axmed diiriye war waligeed waa la diriri jiraye anagu waxaanu la dagaalanay kuwo aan jixinjix iyo umad iyo shacab midna aqoon oo wixii hor istaaga naxashka horay ka saaraya.

 

Axmed diiriye oo warkiisa lawaayay tan iyo markii loo awood sheegtay kooxdii uu hogaamin jiray ayaa sheegay inay hada wixii ka dambeeya wadada kaliya oo ay wax ku raadinayaan tahay inay dawlada la hadlaan isagoo yiri awal waanu garab marnay talada hadaan sidaan wax ula soconana maanu dhaafneen dawlada somaliyeed.

 

Axmed diiriye ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho ay hada tahay mid xasiloon gacantana ugu jirta Dawlada Somalia hada iyadana wax laga waydiinayo arimaha caasimada maadaama ay awood ku qabsatay.

 

Axmed diiriye ayaa sheegay in wixii dawlada la dagaalay ay ahaayeen dad shacab ah iyagiina laga takhalusay waxna la laayay waxna la xirxiray wixii kalana ay kala yaaceen iyadoo ninwalba meeshii ceshata uu afka saaray.

 

Allmudug.org News desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Diiriye: "Dowladdu way naga itaal roonaatay oo taas ma ahan mid aan inkiri karno, balse...."

 

MAY 1 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Afhayeenkii xubnaha ****** Axmed Diiriye Maxamed ayaa sheegay in dowalddu ay kaga xoog roonaatay dagaalkii ay kula galeen Muqdisho ayna taageersan yihiin Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya.

 

Axmed Diiriye oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Beelaha ****** oo howlo abaabul colaadeed ah ka billaabay Muqdisho ayaa wuxuu ka shanqariyay in dowladdu ay ka itaal roonaatay kooxdii ay wateen, isagoo sheegay in dowladdu ay tahay mid haatan gacanta ku haysa Muqdisho oo dhan.

 

"Dowladdu way naga itaal roonaatay oo taas ma ahan mid aan inkiri karno, waxaase loo baahan yahay in dowladdu ay iska xilsaarto inaysan dhibaato gaarin shacabka Muqdisho oo lagula kaco bililiqo, xarig iyo dil intaba" ayuu yiri Axmed Diiriye oo hadalladiisu ay u badnaayeen kuwo uu ku muujinayo jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaailya.

 

Wuxuu sheegay in Xubnihii ****** ay kulammo la qaateen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi isagoo sheegay in kulankaas uu ahaa mid billow ah, balse ay ujeeddadiisu tahay in lagu dhameeyo khilaafaad iyo dagaallo dambe oo soo laabta.

 

"Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu naga aqbalay inaan wax dambe oo dagaallo ah ku soo laaban Muqdisho; ayna kulammada u billowday noqdaan kuwo sii socda, oo horumar la taaban karo laga gaaro" ayuu yiri Axmed Diiriye Maxamed.

 

Afhayeenka Xubnaha ****** ee hormuudka u ahaa dagaalladii Muqdisho ka dhacay Axmed Diiriye Maxamed ayaa ahaa nin si weyn u inkirsan jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ku tilmaami jiray Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha inay yihiin kuwo aan waxba ahayn oo aan dalna maamulin, balse maanta waxaad mooddaa inuu hadalkiisa is badalay oo uu u dhurtay inuu sheego darajooyinka madaxda dowladda iyo jiritaanka Dowladda intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha ****** oo qirey in lagaga adkaaday dagaaladii Muqdisho

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay odayaasha Beelaha ****** ay yeesheen ayay ku yeesheen in lagaga adkaaday dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen tiro ka badan kun ruux.

 

Isagoo ka hadlayay war saxaafadeed shalay ay ka soo saareen magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka beelaha ****** ayuu afhayeenka beelahaasi Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu sharaxaad kaga bixiyay Isbadalada ku yimid gacan ku heynta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan si rasmi ah ay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dagaalo qaraar la galay kooxo ka soo horjeeday.

 

Mar waxa laga weydiiyay in odayaasha dhaqanka ay haatan qirayaan in dowladda KMG ah ay uga guuleysatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ayaa waxa uu qirey arinkaasi, isagoo sheegay in dowladda ay u soo jeedisay wada hadalo ayna ka aqbaleen.

 

Dowladda KMG ah iyo odayaasha dhaqanka ****** ayaa waxaa u bilowday wada hadalo toos ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda KMG ah oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ay la wareegeen caasimadda, wada hadaladaasi oo diiradda lagu saarayay xaaladda dalka Somalia iyo arimaha dib u heshiisiinta, iyadoo wajigii koowaad ee wada hadaladaasi ay qaateen Madaxweynaha dowladda KMG ah iyo odayaasha, waxaana loo balamay in labada dhinac ay isugu yimaadaan wada hadalo kale.

 

Click here to find shabelle news in english

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ Will he be evicted from the looted home in which he lives or that was the usual slander you love to throw around?

 

Victory is far from over, there is blood to account for regardless of diiriye signing a deal with the devil or not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib you do protest way too much. The Prime Minister has made it clear there will be no return to public property.

 

"Adeer, gabadhi lagu dhalay w/gaashaan dhigga ayaa iminka gabadheedii ku dhaleysa halkaa, sidey uga guuraan?",
wuxuuna intaa raaciyay in ey ku dhimanayaan dakaas guryahooda oo uu ula jeeday xarumaha dowladda oo ey dadkani soo dageen 16-kii sano ee dagaalada.

Thus all those areas he was protesting for and fighting for, will never return. As for the private properties that will be settled by court in the future insha Allah.

 

As for victory, its much closer today than last week. Common sense has prevailed, and now these people have to deal with Mayor MDheere The time for serious and tough action is at hand.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Dheere was chosen on the same criteria all other warlords were chosen and given a position, not a surprising development when the president happens to be another warlord. He fits right in.

 

 

As for Diiriye, I wanted to know if he will be evicted from the looted home in which many TFG supproters insisted he lived in, I didn't ask for anything else.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this