Sign in to follow this  
SOO MAAL

Parlamanka Somaliland oo labo garab u kala jabay

Recommended Posts

SOO MAAL   

Mudaneyaal Golaha Wakiillada ah oo ka hadlay Burco

 

Burco- Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka mid ah xildhibaanno la sheegay in ay wadaan mooshin maamuus-ka-xayuubin Madaxweynaha ah, ayaa ugu baaqay dadka reer Burco oo ay meel fagaare kala hadleen, in ay ku taageeraan mooshinka, oo ay ku tilmaameen mid ay sharciyan xaq u leeyihiin.

 

Waxa kale oo uu mudaneyaashu hadalkooda ku xuseen xadhiggii golaha wakiillada ee 9kii bishan, oo ay ku tilmaameen in uu ahaa mid sharci-darro ah, oo Shirguddoonka Goluhu ku raalli-gelinayey Madaxweynaha.

 

“Baarlamanka hawshiisu waxa weeye ilaalinta xukuummadda ee ku dhaqanka shuruucda iyo distoorka dalka,†sidaa waxa yidhi Md. Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah xildhibaannada wada mooshinka maamuus-ka-xayuubinta, isaga oo daba-jooga hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo sheegay in labada gole ee Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiillada] yihiin kuwo aan doorasho ku iman sidiisa, balse ku dhisan hab-beeleed, Md. Rooble waxa uu yidhi; “Waa run, sida uu sheegay Madaxweyne Rayaale lama dooran Baarlamanka ee waxa soo doortay beelo. Markii dalka dib loogu soo noqday si kale oo la isugu yimaaddo oo dawladnimo lagu dhiso oo aan ahayn in qabaa’ilka Somaliland ka kooban tahay isu yimaaddaan, dabadeedna, dawladnimo abuurtaan xubno wakiilo u ah dhexdooda ka soo doortaan waajib ayay ahayd in sidaa la sameeyo, laakiin Madaxweynaha waxa ka maqan Baarlaman ka wakiil ah Somaliland ayaa isu yimi, waa ka sameeyey wax allaale waxa dawladnimadeennu maanta ku dhisan tahay; Distoorka, xeerka uu Madaxweyne ku noqday Daahir Rayaale.â€

 

Waxana uu intaa ku daray; “Waxa kale oo uu sameeyey Baarlamanku Madaxweynaha la doortay haddii uu ummadda abaalkeeda gudi waayo, oo wixii loo doortay caddaalad ku wadi waayo, oo qaranimada iyo midnimada dalka ilaalin waayo, daacadna u noqon waayo in Baarlamanku rido, Distoorka iyo xeerka ayey ku taallaa. Sidaa awgeed, Madaxweyne Rayaale, waxa aanu leenahay sidii aad u aqbashay xeerka lagugu soo doortay ee aad Madaxweyne ku noqotay u ogolow qodobka lagugu ridayo ee xilka lagaga xayuubinayo ummaddana lagaga qabanayo.â€

 

Ugu dambayn, Md. Siciid Cilmi Rooble, waxa uu xusay in xadhiggii Golaha Wakiilladu ahaa mid sharci-darro ah.

 

Md. Cabdi Siciid Faahiye, oo isna ka mid ah Mudaneyaasha wada mooshinka ayaa hadal uu ka jeediyey halkaa waxa uu dadweynaha isu soo baxay u sheegay in xukuumaddu ka dambayso muranka ka jira Golaha Wakiillada, kaas oo uu sheegay in uu kala qaybiyey xubnihii Shirguddoonka Golaha.

 

“Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Ku-xigeenkiisu waxa ay isku haystaan waa masalo sharci,†ayuu yidhi Md. Faahiye, waxana uu intaa raaciyey; “Dalkeennu waxa uu ku dhisan yahay nidaamka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, Guddoomiye iyo Guddoomiye-ku-xigeen, markaa Madaxweynuhu marka uu maqan yahay ee uu igmado ku-xigeenkiisa ayuu waajibaadkiisa gudanayaa. Ma qaban karo Madaxweynuhu haddii uu joogo xil aanu lahayn Madaxweyne-ku-xigeenku, sidaas oo kale ayey isu yihiin Qaybe iyo Cabdulqaadir Jirde,†ayuu yidhi Md. Faahiye, waxana uu intaa ku daray in Md. Qaybe waajibaadka Golaha fulinayo.

 

Kayse Digaale

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this