Qudhac Posted March 27, 2010 Berbera (Jam)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa min 15 sannadood oo xadhig ah shalay ku xukuntay siddeed nin oo lagu helay inay maleegayeen falal budhcad-badeednimo, kuwaasoo dhawr bilood ka hor lagu qabtay xeebaha Gobolka Sanaag. Maxkamadda Gobolka Saaxil waxa ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku gudo-jirtay dhegaysiga dacwad loo haysto kooxdaas, waxaanay fadhigii shalay dhegaysatay eedaymaha dacwadda xeer-ilaalinta ku soo oogtay raggaas oo ku saabsan inay qorshaynayeen falal budhcad-badeednimo ah oo ay la damacsanaayeen maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee ka goosha biyaha badda Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Dr. Cismaan Ibraahim Daahir, ayaa intaa kadib ku dhawaaqay in siddeedaa nin lagu helay falal budhcad-badeednimo, isla markaana wateen oo lagu qabtay laba laash oo nooca dheereeya ah oo ay doonayeen inay ku weeraraan maraakiibta kala duwan, sidaa darteedna maxkamaddu ku xukuntay midkiiba 15 sannadood oo xadhig ah. Haseyeeshee, qareennada u doodayey budhcad-badeedda, ayaa xukunka Maxkamadda Gobolka Saaxil ku ridday raggaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah, sidaa awgeedna rafcaan ka qaadan doonaan. Garyaqaan Xasan Xariif iyo Bashiir oo ka mid ah qareennada difaacayey budhcadda ah, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymaha dacwadda xeer-ilaalintu ku soo oogtay iyo xukunka maxkamaddu ku ridday, waxaannu ku dooday in aanay nimamkani wax dembi ah gelin, isla markaana jirin wax maraakiib ah oo ay ka afduubeen xeebaha Somaliland. Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa dhawrkii bilood xukuno kala duwan ku ridday kooxo loo haysto arrimo la xidhiidha falal argagixiso iyo budhcad-badeednimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sherban Shabeel Posted March 27, 2010 15 years?? Jesus. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 28, 2010 Good job again ,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites