Sign in to follow this  
General Duke

Battles rage across South/ Central Somalia: No government in sight

Recommended Posts

Dagaalkii Kismayo oo ku fidey deganada Jubooyinka

5 Oct 5, 2009 - 5:14:04 AM

 

Ugu yaraan 17-qof ayaa ku dhintay 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay iyo saakey [Oct 05] ku dhexmaray deegaanka Janay-cabdala oo 50-km galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeyay ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab.

 

Dagaalka ayaa qarxay markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen ciidankii Xisbul Islam ee laga saaray Kismayo.

 

"Isbitaalka Kismaayo waxaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyo badan oo dagaaladii maanta iyo xalay ka dhashay", sidaa waxaa saxaafada u sheegay Sh. Xasan Yacquub oo dhanka warfaafinta u qaabilsan maamulka loo sameeyay Jubada Hoose.

 

"Dagaaladii maanta iyo xalay dhacay waxay ahaayeen kuwo aad u adag, dhib ayaana labada dhinac kala gaaray" ayuu ku gaabsaday Sh. Xasan Yacquub oo diiday inuu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

 

Dhaawacyadii dagaalka ayaa qaarkood la gaarsiiyay isla xalay degmada Kismaayo halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo dhawacyo kale la sheegay in loo qaaday Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

 

Saakey 5 Oct,2009 ayaa dagaal kale dib uga qarxey degaanka Janaay Cabdalla, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan In dib loo riixey xogaga Al-Shabaab, warar hoose ayaa xusaya dhinaca kale in ciidanka gacanta ku haya Kismayo sideed maxaabiis ah laga qabtey halka labo Teknika ah laga gubey laba kalena laga qabsadey.

 

Afhayeenka ururka Al-shabaab ayaan diidin, sidoo kalena aan ogolaan in dagaaladii dhacay looga qabsaday maxaabiis sida ay sheegeen saraakiisha Xisbul Islam, blse wuxuu ku gaabsaday in dagaaladii dhacay ay ahaayeen kuwo xoogan.

 

Al-Shabaab ayaa horey dagaalkii Kismayo gudaheda ka dhacey ku qabtey Maxabiis ka tirsan xusbul Islaam dhowaana ku baaqey in dhaawacyada ururka Xisbul Islaam oo gudaha magaalada jooga la keeno Isbitaalka Kismayo.

 

Sh. Axmed Madoobe oo hogaaminaya Xisbul Islam ee dagaalka kula galay Kismaayo ururka Al-shabaab ayaa sheegay in qorshishiisa uu yahay inuu dib ugu laabto Magaalada dekeda leh ee Kismaayo.

 

Janay-cabdala oo ah deegaankii ay Xisbul Islam iyo Al-shabaab sida aadka ugu dagaalameen ayaa la sheegay inay gacanta ugu jirto Sh. Axmed Madoobe, iyadoo deegaankaas ay ka barokaceen dhamaan dadkii rayidka ahaa.

 

Dagaaladan ayaa dhacaya xilli ay socdaan wadahadalo hoose oo u dhexeya madaxda Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab duleedka magaalada Muqdisho.

 

Dagaalada ka socdey Muqdisho ayaa hoos u dhacey kaas oo lagu xiriirinayo kala jabka ku dhacey xogagag mucaaradka ku ah dowladda Fedraalka iyo ciidamada AMISOM.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisado ka taagan Bakool

5 Oct 5, 2009 - 6:43:36 AM

 

Xiisado colaadeed oo u dhexeeya ururada Al-shabaab iyo Xisbul Islam ayaa ka jira Gobolka Bakool, kadib markii saraakiisha Xisbul Islam ee ku sugan degmada Tiyeglow lagu amray inay degmadaas isaga baxaan.

 

Nabadoon ku sugan Tiyeeglow oo xadka ku dhow ayaa sheegay in mas'uuliyiinta Al-shabaab ee Gobolka Bakool ay amarkan bixiyeen, balse ay ku gacansayreen kuwa Xisbul Islaam inay ka baxaan degmada oo ay gacanta ku hayaan.

 

"Degmada waxaa maamula Xisbul Islam, dadka deegaanka ayaana raali ka ah" ayuu yiri Nabadoon Aadan ***** oo ka mid ah nabadoonada Gobolka Bakool, isagoo intaas ku daray in soo jeedinta Al-shabaab ay aad ula yaabeen dadka Tiyeeglow.

 

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan gacanta ku haya Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana amarkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay siiyaan koox ay ku xulufoobeen la dagaalanka dowlada uu hogaaminayo Sh. Shariif.

 

"Khilaafku wuxuu ka bilowday canshuuraad ay mas'uuliyiinta Xisbul islam saareen dadka degmada Tiyeeglow, xaaladu haatan waa mid cabsi leh, xabado ayaana mararka qaarkood la maqlayaa" ayuu yiri nabdoon Aadan *****.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay jirto cabsi weyn oo dagaal, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Bakool ay isku diyaarinayaan inay qabsadaan degmada Tiyeeglow haddii ay Xisbul islaam ka bixi waydo.

 

Ururada Xisbul Islam iyo Al-shabaab ayaa horay ugu dagaalamay gacan ku haynta Magaalada dhaqaalaha leh ee Kismaayo iyadoo Al-shabaab qabsatay una sameysay maamul iyada hoosyimaada, inkastoo weli ay jiraan tabaabushooyin ay wadaan ciidamadii degmadaas laga saaray.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iska hor imaad u dhaxeeyay u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda oo ka dhacay Muqdisho.

 

Muqdisho,(WNT):-Iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Kuliyadii hore ee Jaala-siyaad iyo xaafado ka tirsan degmada hodon ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in iska hor imaadka uu dhacay kadib markii Xoogaga dowlada ka horjeeda weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin Kulayadii hore ee Jaala-siyaad.

 

Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi kuwaasi oo loola cararay isbitaalka madiina.

 

Xaalada Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobihii dagaaladu ka dhaceen ayaa haatan ah mid aad u dagan isla markaan dib u bilowdeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

 

Si kastaba dagaalada ka socanaya magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo inta badan saameyn ku yeesha dadka Rayidka ah isla markaana aysan waxba iska waydiin dhinacyada dagaalamaya.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Warar ku saabsan dagaalo Beeleedyo dhacay ka dhacay gobalka Mudug.

6. oktober 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo Beeleedyo ayaa ka dhacay Koonfurta gobalka Mudug ee dalka Soomaaliya, ayadoo ay iska horyimaadeen Maleeshiyaad kala duwan oo Qabaa’il, kuwaas oo isku haya waxyaabo kala gedisan oo ay ku jiraan dagaalo horay udhacay.

 

Maamulada ka jira Koonfurta gobalka Mudug ayaa dadaal xoog leh oo ku aadan sidii ay ujoojin lahaayeen dagaaladaasi, waxa ayna Direen gudiyo kala gedisan oo ujeedadoodu tahay sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi.

 

Dagaalo Beeleedyadan waxaa ku dhintay dad ka badan, 8 qof sida ay xaqiijinayaan Warar Madax banana oo ka soo baxaya Ilaha caafimaadka ee gobalka Mudug, waxaana hada lasheegay in ay dagaaladaasi joogsadeen, inakastyoo ay dhinacyadu muujinayan dagaalo kale in ay doonayaan.

 

Axmed Baasto oo sheegtay Afhayeenka GALMUDUG ayaa sheegay in ay Maamulkooda aad uga walacsan yihiin dagaalada ka taagan gobalka, waxa ayna udhaxeyaan dad ka soo jeeda Koonfurta gobalka Mudug.

 

Dagaalo Beeleedyadan ayaa ah kuwa mudo soo socday, waxaana ilaa hada aan go’aan laga gaarin dagaaladaasi, oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay socdeen wada xaajoodyo ku aadan sidii loo joojin lahaa, ayagoo sidoo kale ay dhinacyadu qaarkood diideen dhexdhaxaadiyaal doonayay howshan in ay wax ka qabtaan.

 

Mudugta Koonfureed ee Soomaaliya oo aysan jirin hada cid si cad umaamusha ayaa dagaalo beeleedyo ay yihiin, kuwa iska caadi ah, waxaana dad badan ay walaac ka qabaan, hadii ay sii socdaan dagaaladan hada jira.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No adeer, you are as the group you support and love are on a rampage, killing maiming, taking peoples tooth out and robbing graves for bones to show Arab TV.

 

I am just reporting the failure of the fake Islamist and the toothless President.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I am helping the situation by highlighting the facts on the ground, by showing the world that Somalia solution is simple, build local admins from the bottom up with a view to the creation of Federal states, like Puntland, with strong security apparatus, international community should develop the institutions of both Hargaysa & Garowe, I want a country at peace with itself, its neighbors and the world. Not these weak cowards who want to "liberate Alaska", and who owe their allegiance and love to some confused Arab in a cave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda oo awood la'aan sheegtey

5 Oct 5, 2009 - 6:31:32 AM

 

Wasiirka arimaha gudaha ee Somali Sh. C/qaadir Cali Cumar ayaa saxaafada u sheegay in dowladda Somalia aysan awood ahaan isku filayn, sidoo kalena aysan iska difaaci karin kooxaha doonaya inay xukunka ka tuuraan.

 

"DF oo keliya kama gulaysan karto kooxaha kasoo horjeda hadii aan ciidamada AMISOM loo ogolaan inay ka barbar dagaalamaan ciidamada dowlada" ayuu yiri Sh. C/qaadir Cali Cumar oo ku sugan Magaalada Nairobi.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadu ay ku kooban tahay goobo yar oo Muqdisho ku yaala, ayna caalamka uga baahan tahay kaalmooyin, isugu jira ciidamo iyo in howlgalka AMISOM la badalo lagana dhigo mid nabad dhalin ah.

 

"Ciidamada Midowga Afrika oo tiradooda lasoo dhameystiro waxay inoo sahlaysaa inaan jilbaha dhulka ugu dhufano xoogaga Islaamiyiinta ah ee naga soo horjeeda" ayuu wasiirku sheegay, isagoo intaas ku daray:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 17 killed in renewed clashes near Kismayo

5 Oct 5, 2009 - 3:30:46 PM

 

KISMAYO, Somalia Oct 6 (Garowe Online) - At least 17 people were killed in southern Somalia during a series of battles overnight Sunday and Monday morning, Radio Garowe reports.

 

The fighting erupted Sunday night in Janay Abdalla village around 50km from the southern port of Kismayo between two Somali rebel factions, Al Shabaab and Hizbul Islam.

 

Again, on Monday morning, renewed clashes erupted around Janay Abdalla village with unconfirmed reports saying Al Shabaab fighters were pushed back.

 

Most of the 17 dead victims were fighters, but local sources said some civilians were among 20 wounded persons. Hundreds of civilians have fled the area.

 

Sheikh Hassan Yakub, the Al Shabaab spokesman in Kismayo, confirmed the fighting to reporters but declined to mention casualties on their side.

 

"The fighting last night and this morning [Monday] was very intense and both sides have suffered," Sheikh Yakub told reporters in Kismayo.

 

Wounded persons were brought to medical centers in Kismayo and Afmadow, a town located northwest of Kismayo near the Kenyan border and controlled by Hizbul Islam.

 

Reliable sources tell Garowe Online that Hizbul Islam fighters captured 8 Al Shabaab members during the fighting, including three wounded fighters. A foreign fighter described as a Ugandan national was captured wounded, according to unconfirmed reports attributed to Hizbul Islam sources.

 

Further, Hizbul Islam fighters burned two armed trucks belonging to Al Shabaab and captured two other armed trucks during Monday's battle. Al Shabaab's spokesman neither confirmed nor denied the claims.

 

Sheikh Ahmed Madobe, the commander of Hizbul Islam rebels in Lower Jubba region, is reportedly leading Hizbul Islam forces on the ground and has vowed to recapture Kismayo.

 

Al Shabaab fighters captured members of Hizbul Islam during last Thursday's battle in Kismayo, when Al Shabaab seized control of the strategic port town and expelled Hizbul Islam fighters.

 

According to sources, Al Shabaab's administrators have appealed to clan leaders to bring members of Hizbul Islam wounded during Thursday's battle to be brought to the Kismayo hospital for treatment after pledging to keep the wounded fighters safe.

 

The armed clashes come on the heels of ongoing talks between the top leaders of Hizbul Islam and Al Shabaab in the outskirts of Mogadishu, the Somali capital.

 

Meanwhile, insurgent attacks in Mogadishu targeting Somali government forces and African peacekeepers (AMISOM) have decreased since the eruption of war between Hizbul Islam and Al Shabaab, two insurgent groups who have jointly waged an insurgency against the Somali government since May.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 17 killed in renewed clashes near Kismayo

5 Oct 5, 2009 - 3:30:46 PM

 

KISMAYO, Somalia Oct 6 (Garowe Online) - At least 17 people were killed in southern Somalia during a series of battles overnight Sunday and Monday morning, Radio Garowe reports.

 

The fighting erupted Sunday night in Janay Abdalla village around 50km from the southern port of Kismayo between two Somali rebel factions, Al Shabaab and Hizbul Islam.

 

Again, on Monday morning, renewed clashes erupted around Janay Abdalla village with unconfirmed reports saying Al Shabaab fighters were pushed back.

 

Most of the 17 dead victims were fighters, but local sources said some civilians were among 20 wounded persons. Hundreds of civilians have fled the area.

 

Sheikh Hassan Yakub, the Al Shabaab spokesman in Kismayo, confirmed the fighting to reporters but declined to mention casualties on their side.

 

"The fighting last night and this morning [Monday] was very intense and both sides have suffered," Sheikh Yakub told reporters in Kismayo.

 

Wounded persons were brought to medical centers in Kismayo and Afmadow, a town located northwest of Kismayo near the Kenyan border and controlled by Hizbul Islam.

 

Reliable sources tell Garowe Online that Hizbul Islam fighters captured 8 Al Shabaab members during the fighting, including three wounded fighters. A foreign fighter described as a Ugandan national was captured wounded, according to unconfirmed reports attributed to Hizbul Islam sources.

 

Further, Hizbul Islam fighters burned two armed trucks belonging to Al Shabaab and captured two other armed trucks during Monday's battle. Al Shabaab's spokesman neither confirmed nor denied the claims.

 

Sheikh Ahmed Madobe, the commander of Hizbul Islam rebels in Lower Jubba region, is reportedly leading Hizbul Islam forces on the ground and has vowed to recapture Kismayo.

 

Al Shabaab fighters captured members of Hizbul Islam during last Thursday's battle in Kismayo, when Al Shabaab seized control of the strategic port town and expelled Hizbul Islam fighters.

 

According to sources, Al Shabaab's administrators have appealed to clan leaders to bring members of Hizbul Islam wounded during Thursday's battle to be brought to the Kismayo hospital for treatment after pledging to keep the wounded fighters safe.

 

The armed clashes come on the heels of ongoing talks between the top leaders of Hizbul Islam and Al Shabaab in the outskirts of Mogadishu, the Somali capital.

 

Meanwhile, insurgent attacks in Mogadishu targeting Somali government forces and African peacekeepers (AMISOM) have decreased since the eruption of war between Hizbul Islam and Al Shabaab, two insurgent groups who have jointly waged an insurgency against the Somali government since May.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisada Dagaal ee ka taagan Gobolka J/hoose oo Cirka isku sii shareeray

 

Dagaalo iyo xiisado colaadeed oo aad u saameeyay gobolka Jubada hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagneyd daafaha xarunta gobolkaasi ee Kismaayo.

 

Dagaaladan oo qeybtood ay dad badani ku geeriyoodeen ayaa waxaa iminka ay si xoogan uga socdan deegaano badan oo ku yaala galbeedka gobolkaasi halkaas oo ay ku sii qul qulayaan ciidamo aad u farabadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan .

 

Sida ay xaqiijiyeen dadka qaar ka tirsan tuulooyinka ay sida weyn uga jiraan xiisadaha dagaalka waxaa halkaasi gaaraya gurbadyo farabadan oo ka kala tirsan labada dhinac ee halkaasi isku haya yagoo mararka qaar furunta hore ee dagaalka laga maqlayo dhawaqa rasaasta nooceeda kala duwan oo ay isku adeegnadanayaan dhinacyadaasi.

 

Xalay oo ugu dabeeysay meel duleedka galbeed kaga began magaalada Kismaayo waxaa laga maqlay daryanka rasaasta cul culus oo ayisku adeegsadeen dhinacyadaasi inkastoo aan la soo sheegin qasaare ka dhashay.

 

Dagaalka oo xalay ilaa sardii dhexe la isku habeensaday ayaa saaka xaaladu u muuqataa mid degen islamarkaana aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa inkastoo ay socdaan abaabulo dagaal oo sababi karta in saacadaha soo socda dhaca.

 

Dagaalkan dagaalo ka horeeyay oo ka dhacay deegaanada ka agdhow degmada Afmadow iyo Kismaayo ayaa waxaa ay geysteen qasaarooyin badan oo isku jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan la xaqiijin tiradooda rasmiga ah .

 

Marka laga soo tago isku dhacyada iyo xiisada taagan ayaa hadana waxaa arimahaasi walaac xoogan ka muujinaya dadka rayidka ah ee aan iyagu waxba galabsan ee lagu dul dagaalamayo, waxaana ay sheegeen dadka deegaanada galbeedka kismaayo ee u dagaalku ka socdo in dagaaladan ay ka cabsi qabaan in ay qasaare xoogan u geystaan halka dadka qaarkoodna ay barakac horleh galeen.

 

Max’ed Salaad Cabdulle

SBC International Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Toll from clashes in Somali port hits 22: resident

(AFP) – 4 days ago

 

MOGADISHU — At least 22 people, including civilians, died in Thursday's clashes between two Islamist factions in the southern Somali port city of Kismayo, Sheikh Abdi Haji Abdullahi, a local resident told AFP.

 

The fighting was initially thought to have left 10 dead.

 

"The bodies of a further 12 people killed in the violence in Kismayo have been recovered," he said on Friday, explaining that the dozen were in addition to the toll of 10 previously reported.

 

Local resident Abdiweli Mohamud said those recovered from the scene of the battle included "fighters as well as civilians".

 

"The number of wounded are more than 70, including some with very serious injuries," Mohamud said.

 

Thursday's fighting pitted the Al Qaeda-inspired Shebab against the Hezb al-Islam group and started when the Shebab launched a dawn offensive, residents said. Both parties claimed the upper hand when fighting ended.

 

The city, about 300 kilometres (185 miles) south of Mogadishu, was wrested from government forces in August 2008 and has been an Islamist bastion ever since, but relations between the two groups have soured in recent weeks.

 

The two factions agreed to share power in Kismayo, with each governing for six months alternatively, but clan politics intervened and the rotation failed when the Shebab refused to relinquish the administration.

 

Kismayo had been relatively quiet until Thursday. On Friday residents said the city was tense but calm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin dagaal saaka ka dhacay Janaa-Cabdalle

 

Published: 6 October 2009

 

KN:Deegaanka Janaa-Cabdalle oo maalmihii u danbeeyay uu dagaal kharaare ka socday ayaa sida aan labada dhinac ee halkaasi isku hardiyay ka xaqiijinay inay Janaa-Cabdalle gacanta Xarakadda Alshabaab soo gashay.

Labada dhinac ee dirirtu dhex martay ayaa dhinaca Xarakadda Xizbul Islaam, sargaal sare oo u waramay KismaayoNews wuxuu noo xaqiijiyay inay Janaa-Cabdalle gacanta u gashay xoogaggii ka soo horjeeday kadib markay ayagu is kood uga soo baxeen waasida uu hadalka u dhigaye.

 

Sargaalka ayaa noosheegay inay xeelad dagaal ahaan uga soo durkeen Janaa-Cabdalle oo sida uu sheegay ay soo galaan wadooyin badan oo ka kala yimaada jihooyin kala gadisan, wuxuuna intaasi kudaray inuusan ciidankiisu sidaasi uga fogayn Janaa-Cabdalle isla mar ahaantaana ay is hor fadhiyaan garabkii ka soo horjeeday. Iska hor imaadkii saaka ayuu ku sheegay dhinacooda inuu soo gaadhay khasaaraha dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale, wuxuuna beeniyay inay gabi ahaanba jiraan wax gaadiid iyo maxaabiis ah oo saaka laga qabsaday.

 

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Kismaayo ka arimiya ee Xoogagga Alshabaab oo idaacadda Andulus ee afkooda ku hadasha ka hadlay ayaa sheegay inay soo afjareen dagaaladii ka socday duleedka magaalada kadib markay gacanta ku dhigeen Janaa-Cabdalle oo talis u ahayd dhinicii ka soo horjeeday.

 

KismaayoNews xidhiidh ay la samaysay saraakiil katirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxay noo xaqiijiyeen inay gacanta ku hayaan Janaa-Cabdalle basle waxay ka gaabsadeen inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan qaabka dagaalku u dhacay iyo waliba khasaaraha ka dhashay ayagoo ku gaabsaday gacan ku dhigidda Janaa-Cabdalle.

 

Magaalada Xamar ayaa sidoo kale waxaa wali laga dhuursugayaa go’aan kama danbays ah oo ka soo baxa madaxda ugu saraysa labada Xarako ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayagoo kulankoodii u danbeeyay ay ku kala tageen. Caawa ayaa la sugayaa inay dib isugu soo noqdaan oo qolo kasta ay miiska soo saarto mawqifkeeda ugu danbeeya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this