Sign in to follow this  
Emperor

Puntland elder: Sheikh Shariif isaga ayaa fidno bilaabaya

Recommended Posts

Emperor   

Puntland: "Sheekh Shariif isaga ayaa bilaabaya Fidno, isma leyn qabaa'ile dawlad iyo Mucaarad ayaa dagaalamay" Garaad C/laahi Cali Ciid.

28. december 2008

 

 

Puntland(AllPuntland)- Jawaab kulul ayuu la kulmay hadal uu todobaadkan Saxaafada ka sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo ahaa in hadii uu iscasilo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed aysan dhicin in qabaa'il ahaan laysku ugaarsado ama loo ugaarsado ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah isimada sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa ku sheegay hadalkaasi mid nasiib daro ku ah Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uu Sheekh Shariif bilaabay fidno tilmaameyna in qabaa'il laysku laayo, waayo buu yiri Garaadku, ciidamadii ku dagaalamay Magaalada Muqdisho iyo gobalada Koonfureed maheyn qabaa'il ee waxa ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dawladdda Soomaaliya iyo Mucaaradkii ka soo horjeeday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Garaadku wuxuu sheegay in hadalkaasi mid masuuliyad daro ah, markaasna fariin u ah dadka wax magaratada ah, isagoo sheegay in uusan laheyn hadal loo baahnaa Soomaaliyana ay ka soo daashay dagaalo qabaa'ilo, isagoo sheegay in la ogsoonaado ama lala socdo in dagaaladii ka dhacay Koonfurta Soomaaliya aysan udhaxeyn qabaa'ilee ay udhaxeeyeen ciidamada dawladda Soomaaliyeed oo qabaa'il walba leh iyo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo ayana ka kooban qabaa'il walba oo Soomaaliyeed.

 

Garaad C/laahi wuxuu sheegay in ay isimo ahaan ka soo horjeedaan hadaladaasi noocaas oo kale ah, markan la gaaray waqtigii laga shaqeyn lahaa sidii ay Soomaalidu iskugu imaan lahayd ee aan la joogin waqtigii dagaalada horta la iclaamin lahaa, wuxuuna ugu baaqay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Kooxdiisa in ay ka laabtaan hadalkaasi ayna raali galin ka bixiyaan.

 

Sheekh Shariif ayaa si toos ah uga sheegay Magaalada Muqdisho todobaadkan in hadii ay baxaan ciidamada dawladda Itoobiya oo kala baxayo labo dhinac, isagoo ka gaabsaday in uu sheego labadaasi dhinac, wuxuuna isla maalmihii ku celiyey in hadii uu iscasilo Madaxweynaha Soomaaliya aan la beegsan ciidamada la heybta ama la qabaa'ilkaa ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya, waxa ayna dad badan xasuustaan in ay ciidamadaasi ku jiraan ciidamo ka soo jeeda Beesha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Sidoo kale Masuul sare oo ka tirsan dawladda Puntland ayaa ku sheegay hadalkaasi mid ka soo horjeeda nabadii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed sheegay in uu utagay Caasumada dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in uu ka laabto hadalkaasi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this