Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu an upate on mayor's comments + top Puntland delegation arrives

Recommended Posts

Duqa magaalada Galkayco oo ka hadlay tirakoobka dadka, nadaafada, amniga, qaadida canshuuraha ee 13-ka xaafadood ee Galkacyo.

 

Galkayco, July 04 | Axmed Cali Salaad, Duqa magaalada Galkacyo ayaa kulan maanta ka dhacay xarunta magaalada Galkacyo kaga hadlay tirakoobka dadka ku nool magaalada, nadaafada iyo bilicda magaalada, amniga, canshuuraadka, jidadka, daryeelka dadka soo barakacay ee ku nool Galkacyo, iyo amniga magaalada.

 

Md. Salaad waxaa uu sheegay in 13-ka xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Galkacyo ee 3-da degmo ee ay u kala qaybsan tahay magaaladu ay sahashay hawlo badan oo maamulka gobolku uu ka wado Galkacyo.

 

Mar uu ka hadlay amniga ayaa uu sheegay in ay jiraan dambiilayaal dadka ku soo dhex dhuunta, falal dambiyeedyanaha ka fuliya magaalada, ayna waajib ku tahay shacabka magaalada Galkacyo in ay gacan ka gaystaan adkaynta amniga iyo iskaashi dhex mara shacabka iyo maamulka.

 

Dhinaca canshuuraha ayaa uu sheegay in ay tahay sida keliya ee uu maamulku ku gudan karo waajibaadkiisa, una fulin karo baahida bulsho ee magaalada.

 

Waxaa uu sheegay in dakhliga keliya ee dawlada hoose uu yahay canshuuraadka laga qaado guryaha, ganacsatada, iyo tasiilaadka kale ee dawlada hoose ay u qabto ummadda.

 

Tabarka dawlada hoose ayaa uu sheegya in ay tahay mid aad u kooban, cududa ugu weyn ee ay isku haleeyaanna ay tahay

 

Dhinaca nadaafada, waxaa uu sheegay in nadaafadu ay lama huraan u tahay jir itaanka nololeed ee bulshada, ayna tahay waajib saaran bulshada in lagu dadaalo nidaafada iyo sare u qaadida bilicda magaalada.

 

Waxaa uu sheegay in ay jiraan hawlo badan oo weli qabyo ah oo uu maamulku doonayo in uu wax ka qabto, balse loo baahan yahay in shacabku uu gacan ka gaysto.

 

Dadka qaxootiga ah ee ka soo barakacay dagaalada ka socda gobollada Koonfureed ee Somaliya ayaa uu sheegay in ay yihiin dad Somali ah oo danyar ah, una baahan in la taakuleeyo. Mashaariicda loogu talagalay in lagu kaabo baahida dadka qaxootiga ah ee ku nool Galkacyo ayaa uu ka xusay dhismaha Dugsi Sare oo laga dhisi doono Galkacyo.

 

Sannadkii hore ee ayaa magaalada Galkacyo loo kala qaybiyey 13 xaafadood oo loo kala seereeyey 3-da degmo ee ay ka kooban tahay magaalada Galkacyo.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zGalkacyo.jpg

 

The city needs.

 

New hospitals & clinics

New high schools

 

New Library [in the works]

 

It also needs a new thinking, admin an all.

 

Again the Diaspora need to work towards the development of the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Xubnaha gobalka Mudug ugu jira dowladda Puntland oo gaaray magaalada Gaalkacyo...Warbixin kooban..

6. July 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Wafdi balaaran oo uuhogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rishiid Maxamed Xirsi iyo dhamaanba xubnaha gobalka Mudug uga jira dowladda Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, ayadoo ay la socdaan xubno ka tirsan laamaha ugu sareeya Booliska Puntland.

 

Wafdigan oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Wasiiro kuxigeeno & Taliyaal amni ayaa utagay magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijinayaan qaar ka tirsan wafdiga sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha magaaladaasi.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo wafdiga hogaaminaya ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee beelaha oo uu kala hadli doono xaaladaha gobalka iyo sidii wax looga qaban lahaa falal badan oo ka taagan gobalka Mudug.

 

Xubnaha ugu fir-fircoon ee ka soo jeeda gobalka kuna jira Golaha Wasiirada waxaa ka mid ah Wasiirada, caafimaadka, Warfaafinta iyo Hidaha, Haweenka & Horumarinta Qoyska, Beeraha iyo Waraabka, Howlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Wasiiro kale, waxaana sidoo kale jira xildhibaano ka soo jeeda gobalka oo gaaray magaalada.

 

Dhamaanba Madaxdan ayaa la kulmay dhamaanba qeybaha magaalada Gaalkacyo waxa ayna kala hadlayaan Odayaasha iyo Maamulka gobalkaasi sidii wax rasmi ah oo muuqda looga hirgalin lahaa gobalkaas, loona gaarsiin lahaa guud ahaan gobalka Maamulka dowladda Puntland.

 

Gobalka Mudug wuxuu ka mid yahay goobaha aysan sida wanaagsan uga shaqeyn dowladda Puntland, waxaana aad loo dhaliilaa Masuuliyiinta shaqada wada, waxaana dadka dhaliilayaa ay ku eedaynayaan in aysan sidii loogu talagalay ufulin awooda dowladda ay wakiilka uga yihiin gobalka.

 

Dadweynaha gobalka ayaa sidoo kale ayagana lugu eedaynayaa in ay la saftaan shaqsiyaadka lugu eedeeyo hadba in ay faraha lagalaan amni darada iyo waxyaabaha ka soo horjeeda Nidaamka, waxaana eedahan oo dhan ay sheegeen wafdigan in ay waxqabad muuqda oo salbaaran ka sameyn doonaan.

 

Wafdiga ayaa looga fadhiyaa in ay saxaan qaladaadyo badan oo ka jira gobalkaas, waxaana ay qaar ka mid ah usheegeen APL in ay wax rasmi ah ka qaban doonaan maalmaha ay joogaan gobalka, isla markaasna waxyaabihii u baahda Awoodaha Sharciga ah ee lakala leeyahay kula soo laaban doonaan magaalada Garowe ee caasumada Puntland oo uu joogo Madaxweyne kuxigeenka ahna K/simaha Madaxweynaha Puntland Jen. C/samad Cali Shire.

 

Waa markii ugu horeysay oo wafdi intaasi le'eg ay gaaraan magaalada Gaalkacyo, waana markii ugu horeysay oo Wasiirada, Xildhibaanada, Wasiiro kuxigeeno, Agaasimayaal iyo Taliyaal ciidan oo ka soo jeeda gobalka Mudug ay tagaan magaaladaasi, wixii ka dambeeyey markii uu hogaanka qabtay Xukuumada uu Hogaamiye Madaxweyne C/rixmaan Maxamed Maxamuud.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this