Xaaji Xunjuf Posted May 10, 2009 Ciidamo Ethiopian ah oo Soo Galey Hiiraan Sunday, May 10th, 2009 at 9:42 am Cabdalle Muumin HR Media News Desk Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay soo gaareen degaano ka mid ah gobolka Hiiraan. Wararka ka imaaaya degaano hoos yimaada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in degaanada Far libaax iyo Diifow oo qiyaastii 50 KM xagga Waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ay soo gaareen ciiidamo Ethiopian ah oo ku heysan gaadiidka dagaalka ee waaweyn. Dadweyne degaanadaasi ku sugan ayaa u xaqiijiyey Horseed Media in labadii maalmood ee la soo dhaafey ay ciidamadaasi ka soo talaabeen xuduuda u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Good joogayaasha ku sugan degaanka oo aan dooneyn in lamagacaabo ayaa ugu waramay Horseed Media in ciidamada oo kala dambeeyey ay fariisimo ka sameysteen degaanada Diifow iyo Far Libaax oo ah dhul miyo ah oo ay xoolo dhaqatadu degan tahay. Lama yaqaan sababta ciidanka ethiopianka u yimaadeen gobolka Hiiraan oo ay horey uga bexeen hase yeeshee imaanshahooda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhowaan Beledweyne uu ka dhacay dagaal dhex marey xoogaga Maxkamadaha ee gacanta ku haya maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Xisbul Islaam oo magaalada dagaal kula galey. Maamulka gobolka Hiiraan ayaan weli wax war ah ka soo saarin imaanshaha ciidanka Ethiopian-ka ee gobolka Hiiraan. Waxaase ciidankaasi walaac ka muujiyey dadka degaanka ee xoolo raacatada ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites