Xaaji Xunjuf Posted September 29, 2010 Sudan : Xaflada Qalinjabinta Ardeyda Reer Somaliland Ee Sudan Sawiro posted by: Webmaster Xaflad Aad u Qiimo Badan Si Qurux Badana Loo Soo Abaabuley Ayaaa Ka Dhacdey Caasimada Khartoum Taas oo Ardeyda Reer Somaliland ee Sudan Ku Qalinjabinayeen , Xaflada oo Lagu Qabtey Hoolka Caalamiga Ah Naadii Dubaad Ayaa Waxaa Ka Soo Qeybgaley Ardeydii Qalinjabineysa, Marti Sharafa Iyo Boqol Qof oo Wajiyadooda Ka Muuqato Farxad Kuna Faraxsanaa La Wadaagida Habeenkan Qaaliga Ah Ardeya Qalinjabineysey .. Ugu Horeyn Waxaa Halkas Ka Hadley Cabdalah Fadli Sayid Oo Ahaa Maamulihi Hore Ee Hamdan Secondary School, Isagoo Ku Dheeraadey Amaan uu U Soo Jeediyey Ardeyda Qalinjabineysa Iyo Sidey ugu Samreen Wakhtiyadii Ay ku Jiren Waxbarashada Jaamacadeed , Waxaa Kale oo Uu Kula Dardaarmey Qiimaha Waxbarashada , Maxed Amin Abdirahman oo Ku Hadlayey Magaca Ardeyda Qalinjabisey Ayaa Isaguna Halkaas Ka Jeediyey Hadalo Qiimo Badan , Waxaa uu Maxed Amin Uu Mahad Celiyey Martisharaftii Iyo Ardeydii Ka Soo Qeybgashey Xaflada Qalinjabinta. Sidoo Kale Waxaa uu Tilmaamey Qiimaha Cilmigu Leeyahey . Xaflada Qalinjabinta oo Aheyd Mid Si Heer Sarre Ah loo Soo Agaasimey Ayaa Waxaa La Isaguna Khadka Telefoonka Ku Soo Galey C/raxmaan Maxed Maal oo Ah Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada , Isagoo Jooga Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeisa Ayaa Waxaa uu Ugu Horeyn u Mahadceliyey Ardeyda Qalinjabineysa Isagoo Ku Amaaney Dadaalka Dheeraadka Ah Ee Ay Sameeyeen , Waxaa Uu C/raxmaan Maal Uu Ku Dheerigaliyey Ardeyda In Dalkoodii Ay Yimaadaan oo Ay Aqoontey Barteen Ku Horumariyaan Waxna ugu Taraan , Si Dalkeenu u Gaadho Horumar Iyo Barwaaqo Intaas Ka Dib , Ururka Ardeyda Reer Somaliland ee Sudan Ayaa Gudoonsiiyey Cabdallah Fadla Sayid Maamulihii Hore Ee Hamdan Secondary School Shahaado Sharaf Ay ugu Talo Galeen Iyagoo Uga Mahadceliyey Doorkii uu Ku Lahaa Iyo Dadaalkiisa Waxbarashada Somaliland Waxaa Ka Dib Mid Mid Loogu Yeedhey Ardeyda Qalinjabisey Oo Dadweynihii Madasha Ka Soo Qeyb Galey Si Diiran Sacab Iyo Farxad Ula Kacayeen Iyadoo Halkaas Lagu Gudonsiiyey Shahaadooyinkii. Quote Share this post Link to post Share on other sites