Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Juun 09, 2008 to Oktoobar 09, 2008

Recommended Posts

Some of us had been in self-imposed silent mode about this new Jabuuti agreement. We are silent because we don't want another spectacular disappointments when our hopes are too high. We are also silent because we don't want to lessen others' high hopes.

 

However, we also see the reality. The reality of how this agreement to reach its destination is doomed from day one, unless we are in some utopic daydreaming euphoria. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah lan alifsheey humaadi albaqri miki toosaaw, loola jeedo wax day one socon karin, four months [in this case] kuma hagaagaayo.

 

The official accord, as understood by the majority, stipulates Xabashi troops must be out from the occupied Soomaali soil [excluding Soomaali Galbeed, of course] within 120 days, right from the day it was signed of Juun 9th; the agreement also underlines in those same days Qaramada Midoobay troops will be deployed.

 

This is not another thread against or for that accord signed in Jabuuti, in the day of Juun 9th in the year of 2008.

 

This thread will chronicle how this agreement will not be possible, wouldn't be tenable and, above all, another dead Soomaali "heshiis" that would join the long list of the lost causes of Soomaali dib u heshiisiin agreements along with high-held hopes in the dustbin. It would also try to document if it can be reached within in those four months time frame. Or even in six months.

 

So far 12 days ayaa kasoo wareegatay, and not a single Xabashi soldier left. Oh, forget about the little truce that had to be observed, as was per agreed. Already it was broken numerous times, however again ma rabno dad badan inay ka niyo jabaan. We hope the best, but yaanan indhaha la iska tirin at the same time. I hope to be wrong, but this thread will validate that ominous I-told-you-so some sceptics rightly believe, come Oktoobar 9th, Eebba hana gaarsiiyee.

 

This is the 12th day since that agreement was signed and nothing is accomplished so far. It is tragic business as usual, innocents dying, starving and Xabashi troops still doing the xasuuq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This not a thread intended to chronicle the progress or lack thereof of Jabbuuti agreement, as you prefaced. It’s another defeatist note, and it's so fittingly marked!

Share this post


Link to post
Share on other sites

We will see who will sing a different tune, brother, come Oktoobar 9th, Eebba anagoo caafimad qabno hana gaarsiiyee.

 

It is not a defeatist not, it is a realistic as one can see it, without being swimming in some utter, hapless optimistism [not optimism]. Waxa waxa saxiixay waa Soomaali siyaasi ku sheeg, taas niyadaada haka saarin, plus how Xabashi will always sabotage any agreement that would see Soomaalis united and in strong.

 

Xabashi did not lose thousands of its soldiers to go home when four mere months from now passes because some two men called Shariifs and their opposite Xabashi puppets signed a paper, a paper as meaningless in power to do anything as those who signed it. Xabashi sabotaged the C/qaasin's TNG, when it united the then ununitable [lack of a better word] warlords to form SRRC back in 2000. It didn't lose a single soldier then and it did whatever to sabotage that nascent adminstration. Imagine now?

 

Been yaanan la isku sheegin.

 

I hope, again, this latest shir succeeds for the sake of all of us who want to see and long a peaceful Soomaaliya again, but don't be surprised if we say I told you so when that day comes and this shir ship's hadn't sailed yet from its Jabuuti port.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

I dont understand why it's impossible for Xabashi soldiers! If anything, the promise of UN troops and the preservation of the TFG is a gain for them, as much as anybody else. The opposite to that would be SOmalia being taken over by you know who, and the TFG being over-run!

 

ps. nuff talk bout the Djibouti agreement these days!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Jabuuti was good city when a/qasim was elected in it, now it is bad when A/yusuf led government agreed with the oppsoitin in it.

 

Cumar Ghelle was real somali when he sponsored a/qasim, he is bad guy and ********** when he welcomed A/yusf with Red carpet.

 

Xabashis are good and friends (for some ppl) when they helped RRA to liberate Baidoa from Aydiid, they are very pad and invaders when they helped A/yusuf led government to relocate mogadishu, the capital.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^Recolate is a very "pad" term for what Xabashis did with the TFG in Muqdisho! Recolate is something you do when you move house from New York to LA. In the case of Muqdisho, Mr Yusuf helped relocate(thanks to Habashi Tanks) 2 million people and declared their own fault, because they had "insurgents" in their neighbourhoods!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Recolate is a very "pad" term for what Xabashis did with the TFG in Muqdisho!

OK, Your plan was TFG to stay Baidoa until 2009! ;) or what?

 

Secondly: is UIC the one who attacked Baidoa or TFG attacked Mogadishu?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Cige:

quote: Recolate is a very "pad" term for what Xabashis did with the TFG in Muqdisho!

OK, Your plan was TFG to stay Baidoa until 2009!
;)
or what?

 

Secondly: is UIC the one who attacked Baidoa or TFG attacked Mogadishu?
Asking repetitive and rhetorical questions is a sign of a person who is somewhat uncomfortable with the ideas he holds. Probably because he knows they are rather contradictory and puzzling! Thus one constantly deflects the question to the other, assuming that he's own position won't be scrutizined. Cige, an individual who struts around the forum asking questions to others, is a classic example of this. Habashis were brougt to Badioa too, but clan warlord x, so my favourite clan warlord x can do the same in Muqdisho. He reasons Xabashis can be brought to Muqdisho for reasons of blind clanism, because other people did it in Badioa !

 

 

ps. Isn't it puzzling that TFG couldn't relocate to Muqdisho because of Ethiopian backed warlords, but when the ICU arose all the warlord were relocate to Baidoa and they became the TFG's best friends! :D

 

p.s the answer to your question is that I would have prefered TFG to relocate to Muqdisho with their consent of their people and not through foreign tanks, something which has become the only hope for this entity!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

p.s the answer to your question is that I would have prefered TFG to relocate to Muqdisho with their consent of their people and not through foreign tanks, something which has become the only hope for this entity!

You said "I would ahve prefered ..." me too but this didn't happen and would never happen!

 

give me another option rather than wait Baido until 2009 just like Abdiqasim waited Taleh area until his term has come to an end.

 

and Ironically, those folks who rejercts any solution for somalia what options they have?

 

starting from 1991 they rejected Ali Mahdi andDjibouti agreement, they rejected amny agreements/sort of governemnts after that until they rejected this last one so don't say i would prefer but give me another solution to bring LAW and ORDER in Somalia other than by force ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

it is always october -

 

 

there will be peace

there will be blood

 

 

we wait and see

 

if it works, great

jubilations and joy

 

if it doesn't work

Jihad and Al-shabaab boys

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Cige:

quote: Recolate is a very "pad" term for what Xabashis did with the TFG in Muqdisho!

OK, Your plan was TFG to stay Baidoa until 2009!
;)
or what?

 

Secondly: is UIC the one who attacked Baidoa or TFG attacked Mogadishu?
Adeer Baydhabo isn't a country of its own. Its' city within the territories of Somalia. Ethiopia invaded that city, was planning to attack Muqdisho and other parts of somalia way before ICU even showed up.

 

Baydhabo and Muqdisho are both cites within somalia, Ethiopia had no bussiness in being either of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Jabuuti, showr aan sharax badan laga bixin

 

Hoggaan halgankiisii iyo hawshiisii kahor yimid

 

I
nkastoo jinsiyadaha kala duwan ee caalamka kajira ay qoloba qolada kale wax un uga duwan tahay haddana banii’aadamka waxyaabaha uu kukala duwan yahay waxaa kabadan waxyaabaha uu wadaago. Bal jinsiga Soomaaliga layidhaahdo waxaa ladhihi karaa waxaa jiro waxyaabo badan oo ukali ah. Waxyaabaha aan annaga kali lannahay waxaa kamida tusaale ahaan: 1 - Dal aan dawlad lahayn 18 sano dadkiisana ayna umuuqan dad dawlad rabo ama tabayo. 2 - Dal iyo dad magac leh oo dhul iyo xuduud leh cid iskudubariddayna oo magaca u bixisayna aan lagaranayn. 3 - Maxkamado aan dawlad lahayn oo haddana wax kala xukumayo. 4 - Magaalooyin dhisan oon dawlad maamusha lahayn balse wax walba oo kale leh. 5 - Iyo ugu danbayn hoggaamiyayaal iyo wafti meel loo dirsaday oo iskudaray inay goostaan, inay 360 darajao iswareejiyaan iyo inay dhagraan saaxiibadoodii ay islasoo halgameen islanasoo rafaadeen sabab la’aan, illeen qofbaa xitaa yidhaa waxbaan kacadhooday oo sidaa iskubadalee.

 

Anigoon sheekada sii dheeraynaynin ayaan jeclaystay inaa xoogaa yar farta kufiiqo waxa ay laba Shariif kukaceen. Inkastoo Shariif Xasan Sheekh Aadan aan asaga lalaba yaabayn oo uu horey uga qaybqaatay sharciyaynta qabsashada gaalada madoow ay qabsatay dalkeenna, oo uu un kasoo cadhooday Odayga Axmaaradu gardaadisay markuu waayey wuxuu rabay, ee waxaa aad loola fajacay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ladhihi karo wuxuuba caalamd u ahaa kacdoon sal u ahaa, islaanimada iyo Soomaalinimada baryahan soo udgayey, inuu intuu hoosta kala xidhiidho gaalo cad cad iyo kuwo mad madow oon innaba hayaaraatee aan dadkeenna iyo dalkeenna midna wanaag iyo ixsaan uhayn haddana qalinka ugu duugo ogolaasho inay dadkeenna dullaystaan asagoo sheeganayo inuu matalo Soomaali yahayna masuul darajo sare leh.

 

Nimankii saaxiibbadiis ahaa oo afka goostay lehna annaga lamana soconno waxa Jabuuti kasocdo shuqulna kuma lihin ayuu damcay inuu magacooda wax kusaxiixo, waa il adayg iyo dhagar aad looga argagaxay loogana yaabay.

 

Waxaa aad looga naxay waa qofkii dammiir Islaanimo kujirtee in dhabarka loo duway dadkii safka lugu wada jirey, in kooxdii Soomaalida ahayd ee uu cadowgu iskasoo hormariyey si ay ugu ceeb asturaan lahor fadhiisto, in lala qaxweeyo gaal madoow oo gacmaha kuwato dhiiggii culamada muslimiinta, dadkeennii maatada ahaa ee uu kas iyo kibir uxasuuqay iyo dhallinyaradii diintooda inay difaaceen u istaagay. Waxaasoo dhan waxaa kasii daran in lasaxiixay in labadbaadiyo Tigreega fartay qaadaanbaa lajabiyey ee ay uhadhay inay dabada jeediyaan ayagoo saynta iskaqaniinsan iyo in askartii Tigreega ee sheegatay inay dawlad tahay in loogu yeedho dawlad oo la ictiraafo oo lasiiyo xuquuq iyo sharaf ayna marnaba mudnayn.

 

Hasha maankayga gaddaye mamasaarbay liqday

 

Waxaa laga sheekeeyey oday soomaali ah oo caqligiisa iyo fahamkiisa laga yaabay, qolo ayaa isku dayday baa layidhi inay xujeeyaan (imtixaanaan). Kolba xujo ayaa loo keenaa wuuna furaa, markii laga quustay ayey qolo kutashatay inay odayga u helaan xujo uusan furi karin. Waxay soo qabteen hal geela gudunta ama masaarta inteeda birta ah ayey liqsiiyeen, dhuunta ayeyna u istaagtay, hashii marka waxna cabbi wayday waxna cuni wayday illeen birbaa dhuunta ufadhido oy kumargatayee. Odaygiibaa lalasoo doontay loona keenay oo layidhi bal hadda xujadanna fur oo hasha waxa hayo sheeg. Odaygii hashiibuu dhinac walba kamaray si walbana ufiiriyey, wuu arkay inayna hashu cudur saa usii wayn qabin laakiin meel un laga haysto. Markuu kuwareeray meella saari waayey waxa hasha hayo ayuu erayadan kor kuxusan kudhawaaqay oo uu yidhi “hasha maankaygay gaddaye ma masaarbay liqday”.

 

Hadda shirka Jabuuti aadbaa loogu jaho wareeray loolana yaabban yahay waxa laga danleeyahay iyo ujeeddada kadanbayso, waxayse ubadan tahay inuu yahay iskuday lugula dirirayo diinta islaamka ee Geeska Afrika iyo jihaadka islaamiga ah ee kabillowday Soomaaliya. Nin masuul ah oo ay ummad dhan wakiilatay inuu mathalo oo xuquudeeda u doodo una difaaco inuu inta is dhagatiro oo hoteel iskuxidho gaalada cadawga ah wax alla waxay rabeen usammeeyo waa arrin aad loo qariibsaday lana fahmi waayey. Waxaanse shaki kujirin inayna arrinta shirqoolka kabillaaban jabuuti ee uu jirey xidhiidh qotodheer oo muddo usocday qolyaha heshiish kusheegga waday iyo shariifyada saxiixay labadaba. Dagaal faraha la’isaga gubtay ayaa socdo hadafkuna waa in cadowga duullaanka ah la’iskadhiciyo oo meeshuu kayimid dib loogu celiyo, Muxuu yahay marka heshiishkan aan la’islana ogayn loona diyaargaroobin ee sidii khudbo sireed hoosta la’iska xodxotay.

 

Xadgudubka ay laba Shariif iyo wafdiga lasocda sammeeyeen
[/b]

  • Inay meel lafadhiistaan danbiilaayaal dagaal oon mudnayn ixtiraam in maxkamad lasoo taago oo ciqaabta ay mutaysteen lamariyo mooyee.
  • Inay aqoonsadeen dawlad aan jirin oon aasaas iyo raad toona lahayn ahna wax gumayste cadow ah soo unkaday kuna amar kutaagleeyo danihiisana kufushado.
Inay sidoo kale lashowraan gaal madoow oo dhiiggii muslimiinta soomaalida iyo kuwii Itoobiya kuhoos noolaa gacmaha kuwato.
Inay saxiixaan qodob lagu dalbanayo in ciidamo shisheeye lakeeno soomaaliya.
Afartaa qodob way kala xun yihiin kalana daran yihiin, waxaana ugu daran kan ugu hooseeyo oo ah arrin aad uhalisa larabana in lugu badbaadiyo Itoobiyo oo ay kabaxdo Soomaaliya iyo bad qabto, waayo shaki kuma jiro in lajabin haddayna iskeed ucararin maxaa yeelay Itoobiya awood umalaha inay kawaddo soomaaliya dagaal daba dheeraado. Ciidamada larabo in lakeeno kasokow inay Itoobiya culayska kaqaadaan, wax kale oo loo keenayaa inay maamul kusheegga sii ilaaliyaan meeshana kusii hayaan sidoo kale kahortagaan inuu dhasho nidaam islaam kusalaysan illeen wax kale looma guuxayo waa colaad iyo nacayb islaamka loo qabo darteede. Marka ninka sheeganayo inuu mujaahid yahay ama ahaa gaalana ladirirayo say kudhici inuu qodob caynkaas oo kale oo kasoo horjeedo wuxuu u dirirayey inuu saxiixo asagoo waliba og inaan cidna kuraacayn arrintaas oo uu kaligii kunoqon. Labo mid unbay tahay; in laga tanaasulay wixii loo halgamayey ee la aaminsanaa ama in la’iskhasbay oo cadaadis iyo handadaad kadib la’isku khasbay, wax udhaxayn karo labadaas kama muuqato meesha.

 

Waxaa laba Shariif kahoos baxday
:

  • Inay hubsadaan inuu ururka ay magaciisa wataan waxna kusaxiixayaan uu raalli kayahay heshiishka, maxaa yeelay saxiixid wax lasaxiixo kaligeed macno yeelaysan mayso mar haddayna jirin cid diyaar u ah inay aqbasho oy fuliso heshiiska.
  • Inay qadariyaan ururka ay kujireen mabaadi’diisa iyo ahdaaftiisa oyna kaligood iska amar kutaaglaynin ayagoon oggolaasho kahelin dadkii ay iskujaalka ahaayeen illeen meesha geel laguma dhacayee, oo hadday ayaga lanoqotay inay heshiis caynkan oo kala ah galaan inay kabaaxan ururka oy marka raadsadaan ayaga wixii la’aragti ah oy heshiis markaa galaan intii ay shabbad ayna lahayn kaligood oo docda lugula dhaggan yahay wax kudhufan lahaayeen.
In hubsadaan in Tigreega meesha qabsaday diyaar uyihiin inay fuliyaan waxa lugu heshiini, haddiise ay dhacdo hadhow inay diidaan inay fuliyaan cid dammaanad qaadayso inay kahirgalini heshiiska. Ummadaha Midoobay ma’aha urur awood uleh inuu fuliyo waxayna saddexda dal ee Vitoda kuleh ayna wadin sida Maraykan, Faransiis iyo Ingiriis, ayagoon marka saddexdaas dammaanad lawada ogyahay oo saxiixan kahelin way adkaani inuu ballan loo qaaday fulo.
Hadalka oo kooban

 

Qofkii Muslim ah oo kaqayb qaatay hawshaas gurracan waa inuu faraha kalabaxo oo uusan islaamka iyo dadkiisa dhibaatayn maxaa yeelay waxa ay saxiixeen waa wax aan qof diin iyo dammir leh u cuntamin, iskadhaaf mujaahidiinta naftooda u huray oo u sitaagay jihaadka barakaysan ee waxaan aqabali karin dadka meelaha kale joogo ee niyadda kala jiro. Suurtogal noqonmayso hawl kummannaan mujaahidiin ah ay nafttoda usoo hureen qaarna u curyaamoobeen, sidoo kale shacab fara badan iyo culumo farabadan loo xasuuqay darteed in layidhaa waa la heshiiyeey ee halla illoobo oo gaaladii cadawga ahayd iyo kuwii askarta u ahaa soo hoos fadhiista hana idiin taliyeen oo waxay rabaan ha idinku sammeeyeen.

 

Markay Reer Galbeedka intuu muddo ah lahaayeen wadaadada qaarbaa qunyar socod ah oo lala hadli karaa illeen waxbay ogaayeen, dadbay hoosta kawada xidhiidhayeen, dadbay wax isku ogaayeen.

 

Laba Shariif marka aragnay qadiyadda Soomaaliya meeshay kajoogtay ee waxaan sugaynaa illaa iyo inta ay diyaar uyihiin inay u adeegaan qoloda hadda gacanta kudhigtay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiiska Jabuuti hal baan ka leeyahay

 

Qofkasta oo u dhuun daloola siyaasada iyo taariikhda dalka Soomaaliya, wuu ku qoslayaa heshiiska ka dhacay dalka Jabuuti. Inta aan khaladka layga fahmin, waa aan taageersanahay heshiis, maxaa yeelay ilaah baa yiri heshiisku waa khayr. Qofkasta oo daawaday barnaamijkii (warlord next door) ee laga soo daayey channel 4ka dalka Ingiriiska isla markaana si toos ah loo soo geliyey shabakada Youtube, waxa uu ogaanayaa in aysan waxba gacan iyo gunti midna aysan inoogu jirin, oo aan nahay dad iyo dal la haysto. Dhanka dawlada kama imaan karo heshiis, aan ku dhisnayn maslaxad dal kale, mucaaradkuna kama imaan karo heshiis ay ka midaysan yihiin.

 

Waxa ka dhacay Jabuuti waxa ay ahayd siminaar Soomaalida lagu xusuusinayey in aysan dalkaan lahayn cidkale, in uu wadankii bur-bursan yahay, oo waxa laysku dayayey in xididkii wadaniga ahaa ee ka dhintay dagaal huriyeyaasha lasoo nooleyn karo. Maxamed Cawad Cabdalla oo ah wakiilka UNta waxa uu u sheegay wariyeyaasha caalamka in uu heshiiskaan ahaa kii afar iyo tobnaad laga soo bilaabo maalinkii la saarey Maxamed Siyaad Barre. In uu horumarona ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Waxa uu Cabdilaahi uu saxiixay in Itoobiya laga saaro dalka sida uga dhaqsaha badan uguna dhow, meesha ay Maxkamadaha Islaamiga ogolaadeen in ay joojinayaan xabada ka socota Muqdisho.

 

Been haddii aan laysu sheegayn, Cabdilaahi Yusuf dalka kama saari karo Itoobiya iyo cidkale, Maxkamadahana ma joojin karaan dagaalkaan joogtada ah ee ka socda dalka meelo ka mid ah. Dad Cabdilaahi Yuusuf ugu dhow dhiig ahaan iyo siyaasad ahaanba ayaa sheegay in hubkii lagu tuurey Cabdilaahi Yuusuf markii uu aadayey dalka Jabuuti uu ka imaanaayey xaga xeradii ciidanka Asluubta halkaas oo ay haatan dagan yihiin ciidamada Itoobiya. Itoobiya in ay ka baqday culayska uga iman kara caalamka shaki maleh, taas waxa daliil u ah, in uu ninkii u talinayey dalka Soomaaliya Generaal Gabre uu tagay Jabuuti. Sidoo kale safiirka u fadhiya Itoobiya dalka Jabuuti, waa uu diidanaa in shirka laga saaro. Waxa taariikh cad ah oo meel walba ku qoran, in dadkii ay Itoobiya u dhiibtey Gobolada Soomaali Galbeed (********ya) ay noqdeen kuwo dalka ka baxsaday, kuwo ay laysay iyo kuwo ku raagey xabsiyadooda.

 

Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo kuwa isaga ku xiran waa danwadaag niyad fiican oo qunyar socod ah. Waa dad raba in ay dalka dawlad fiican ka dhalato oo waa dad raba in cadawga dalka laga saaro. Shiikh Xasan Daahir Uweys iyo qaybtiisana waa dad niyad fiican oo mayal adag, laakin labadan koox xalka isku si uma arkaan, kuwa uu qabiilku diloodey maahanee waxa ay ka siman yihiin in uu dalka ka dhasho dawlad Muslim ah oo uu ilaah raali ka yahay. Kuwa qunyar socodka ah, iyo kuwa mayalka adagba uma taliyaan dhalinta dagaalka ka wada dalka gudihiisa. Soo jug-jug meeshaadii joog maaha.

 

Sida ay ka dhawaajinayaan dad u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya waxa ay sheegayaan, in Itoobiya laga saari doono dalka meelo ka mid ah, in lasoo kordhin doono ciidamada UNta. In mucaaradka aaminsan in lakala sooco diinta iyo siyaasada (secular) la siin doono jagada Ra’iisul wasaaraha, ka dibna Cabdilaahi Yuusuf marka uu wakhtigiisa dhamaysto loogu dari doono laba sano. Waxa intaa lagu daraa, in beesha uu ka dhashay Shiikh Xasan Daahir Uweys si gooni ah loola shiro, si ay markaa u joojiyaan taageerada ay u fidiyaan wiilashooda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this