General Duke Posted July 16, 2007 Muqdisho: Faahfaahin ku saabsan ergooyinka Digil iyo Mirifle ugu qeybgalayey shirka oo Muqdisho soo gaaray 16. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ergooyinkii ka socday beelaha oo mudooyinkan u dhaxeeyay is qabqabsi dhinaca ka qeybgalka shirka iyo qeybsashada casuumada ah. Waxaa shalay lagu guuleystay oo la isku afgartay in ay ergooyinka beelaha ee ka qeybgalaya shirka loo qeybsaday si siman la iskuna raacay in ay si wada jir ah ugu qeybgalaan shirkaas, iyadoo Malaaq Maxamed Ibraahim uu maanta hoggaaminayey ergada oo isugu jirtay Oday dhaqameedyo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, bulshada rayidka iyo haween iyadoo garoonka diyaaradaha ee Baydhabana ay ku soo sagootiyeen mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada iyo dadweyne aad u fara badan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 16, 2007 Dhanka kale waxaa xalay maqribnimadii garoonka diyaaradaha soo gaaray ergooyinkii ka socday beelaha dega gobolada Jubbooyinka kuwaasoo gaarayey 87 ergo oo isugu jiray qeybaha bulshada wada dega deegaanadaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 16, 2007 Sidoo kale waxaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusa Mareeb ergooyinkii ugu qeybgeli lahaa beelaha dega gobolka Galgaduud kuwaasoo ka kala socda deegaanada Caabud Waaq, Balanbale iyo Cadaado kuwaasoo u xayiran kaliya sidii ay u heli lahaayeen diyaaradii u soo qaadi laheyd magaalada Muqdisho iyagoo sheegay iney la soo xiriireen Md. Cali Mahdi Maxamed uuna u ballan qaaday saacadaha soo socda in ay gaari doonto diyaaradii soo qaadi laheyd wafuudaas. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 16, 2007 Ugaaska Beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusoo jeeda Muqdisho. Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites