Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: Minister of Finance press conference, livestock exports up, taxes down. PIC

Recommended Posts

DSCF0999.jpgWasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland ayaa ka hadlay dhoofka xoolaha oo xilligaan si dardar leh uga soconaaya gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Mudane Faarax Cali Shire oo habeenimadi xalay shir saxaafadeed ku qabtay xafiskiisa magaalada Bosaaso ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid tahay bad furanka,dhoofka xoolaha iyo baaq uu u direy dhamaan ganacsatada.

 

Wasiirka ayaa sheegay in la yareeyey qiimaha sanadkii hore laga qaadi jirey ganacsatada markii la dhoofinaayo xoolaha sidaas darteedna loo baahan yahay in ganacsatada ay ka faa’ideystaan fursadaan ay siisay Dawladda.

 

Wuxuu sheegay in la dhoofiyey sanadkii hore xoolo tiro ahaan gaaraya 1,800,000-kun(hal milyan iyo sideed boqol oo kun),balse sanadkaan uu tiradaas ka badanyahay iyadoo u xusay in ilaa iyo hadda la dhoofiyey inka badan 1,200,000-kun oo xoolo ah una sii socdo dhoofka.

 

Shirkiisa Jiraa’id oo ay saxaafadu ku waydiisay su’aalo kala duwan ayuu ku beeniyey dacaayado ahaa in dekadda Bosaaso dib loogu soo celiyey xoolo loo dhoofiyey wadamada Khaliijka iyo Sacuudiga.

 

Sidoo kale wuxuu xusay in baaritaan caafimaad lagu sameeyo xoolaha isla markaana aanay jirin wax neef ah oo caafimaad xumo haysata la dhoofiyo.

 

Waxaa shirka jiraa’id goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Maaliyada,Wasiir kuxigeenka Dekaddaha iyo Wasiir kuxigeenka Xanaanada xoolaha iyadoo intaas kadib Wasiirka Maaliyada uu kormeer ku sameeyey guud ahaan dekadda Bosaaso.

 

Cismaan Turaabi

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this