Jacaylbaro Posted July 14, 2007 hadhwanaag 2007-07-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Afartaa xubnood oo kala ah: Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, mudane Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo isagu aan xisbina ka tirsanayn, Muj. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, isla markaana sheegay in aanu marna xisbi ku biirin iyo Cali Xasan Sheekh-doon oo xubin ka ahaa Golihii hore ee Wakiillada, kana tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB; waxa xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen mawqifkooda cusub, isla markaana ay kaga warameen sababaha ku kellifey inay mawqifkooda beddelaan. Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey xisbiga KULMIYE, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo, in badan oo ka mid ah xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga, xubnaha Golaha Dhexe iyo martisharaf kale. Waxayna xubnahaasi dhammaantood ka warrameen xaaladda dalku marayo oo ay aad walwala uga muujiyeen. Xubnaha Afarta ee kala ah Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, Abiib Diiriye Nuur, Maxamed Xasan Cabdilaahi [jidhif] iyo Cali sheekh Doon, Gudoomiye Ku-xigeenkii hore Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ka mid ahaa Afarta xubnood ee ku biiray Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE ayaa waxa uu sheegay inay carabka iyo labadiisa daan is goostaan, laakin waa inaan raad-kasta la masixin oo aan si kasta la yeelin oo ay wax kasta birma-geydo yeeshaan,taa waxaan uga jeedaa waatii markii ay ugu xumayd aynu lahayn “Soo dhigay Xaqii, Siilaanyo dhalay uu dhacay Siyaad habar-waliba ku heesaysay” ayuu yidhi. Md. Cabdilaahi Cabdi XaaJi Cumar waxa uu sheegay inaanu isagu qabyaalad ka hadlayn, ee uu ka hadlayo Somaliland, isla markaana waxa uu xusay wixii aynu ka dagaalanay ay ahayd cadaalad darro ee lamaynu dagaalamin reer, “ Inaanay-naan ahayn reer wax gaara u dagaalamay waxa cadeynaya markii aynu dagaalkii ku guuleysanay ninkii ayeynu ku heesaynay sida Xadiiska ka dhiganaynay oo ahaa Siilaanyo, Daahi Rayaale ayeynu Codkii ka siinay oo doorashadii ku soo baxay waa dimuqraadiyad oo waa Cadaalad, waxaanay muujinaysaa in meesha loo siman yahay” ayuu yidhi Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Maanta marka la yidhaahdo waxba la sameynayaa in la yidhaahdo ***** land ayaa imanaysa ama durbaan ***** si xaaraana loo tumo waa khalad nina looga gaban maayo” Madaxweyne, dalka waa loo siman yahay “Dareen ayaa imika jira oo ragg ayaa wax wad-wada oo komiishankii ayaa lagu hor-joogsaday oo la yidhi hadaad xafiiska [Komiishanka] tag-taan *****-land ayaad noqonaysaan” ayuu yidhi Cabdilaahi Cabdi Cumar. Md. Jawaan waxa uu u soo jeediyey Xubnihii Komiishanka ee la ansixiyey ee shanta ahaa inay tagaan Xafiiskii oo ay hawshooda qabsadaan, isla markaana waxa uu ka digay si aan loo odhan *****-land inaanay cida dooran oo ay shaqada bilaabaan oo ay la xidhiidha hay’adihii caawimada doorashada ina siiyaa ileyn Wakhti uu socda, “ Madaxweynuhu [Rayaale] uu isaga dhex dhacay inuu faro-gelin sameeyo oo uu yidhaahdo xafiiska [Komiishanka] ha tagina ama Maxkamaday ha dhaarinin waa wax aan meesha qaban oo sharci daro ah” ayuu yidhi. Cabdlaahi Jawaan waxa uu farta ku fiiqay hadii ay Somaliland aqoon si doonayso inay dawlada Ingiriisku fure u tahay, waxaanay ku xidhaysaa habkii dimuqraadiyada ee ay sameysanay in la ilaaliyo. Md. Jawaan waxa uu canbaareyn kuluul u jeediyey sida ay u shaqeyso Siyaasada arrimaha dibada Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in wasiir kaligii la diro inaanay wax faa’iido ah keenayn. Waxa uu sheegay C/laahi Jawaan xaaran iyo sharci-daro ku tilmaamau inay shaqaalihii Dawladu galaan Xisbi, “haddii aynaan sharcigii dalka dhowrin oo aynu ku tumano qaran ma noqonayno” “UDUB iyo Xukuumadday waxaan idinkula talinayaa sharcigii dalka ee aynu ku heshiinay dhowra, oo ka daayaa wixii fool-xumo u keenayaa” ayuu yidhi Jawaan. Cabdilaahi Jawaan waxa uu ku han-jabay hadii ay Xukuumada iyo Komiishanka cusub xiligii doorashada loogu talagay ay qaban waayaan, waxa qabanaya xeerkii komiishankii hore lagaga soo dareeriyey xaruntii komiishanka ee ay ku qufusheen. “Xukuumada iyo Komiishanka la Magacaabay waxaan u soo jeedinayaa waa inay doorashadu maalintii loogu talagalay ay qabsoontaa, haday qabsoomi weydo xeerkii anaga [Komiishankii hore] lanagu dhaqay ayaa meesha yaala ee ahaa albaabada ha laga xidho” ayuu yidhi. Wasiirkii hore Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Mujaahid Abiib Diiriye Nuur oo isagu xilka Wasiirnimo isaga dagay oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu doonayo maanta inuu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed, “Anigu waxaan ka mid ahaa Maamulkan [Xukuumada Madaxweyne Rayaale] tallada dalka haya, waxaanan ahay ninka kaliya ee marka uu arkay sida ay wax u socdaan ee aan dadka loo shaqeyn ee laga shaqeysanayo ayuu damiirkaygu I siinwaayey inaan meesha sii joogo oo waan isaga tagay” ayuu yidhi. Mujaahid Abiib Diiriye Nuur waxa uu xusay inay is-tiqaaladiisii is-casilaadu ay ku jirtay inaanu Xisbiga UDUB aanan ka tageyn ee aan Xilka Wasiirnimo ka dagay “Waxaan Maanta Cadeeynayaa inaan UDUB-na ka tagay, oo aan ku biiray Xisbiga KULMIYE” ayuu yidhi. “Xukuumada maanta tallada haysaa hawl ay haysaa ma jirto, hawsha ay haysaa waa been cad” ayuu yidhi Mujaahid Abiib isaga oo sharaxaad ka bixinayaa wax ku eedeyey inay Xukuumadu doonayso doorshada soo dhow inay shacbiga jahawareeriso, oo ay intaas ayey uga dan leedahay. Mujaahid Abiib Muuse Diiriye oo ka hadlayey Sababtii uu xil-ka wasiirnimo uga dagay markii ay fuliweyday qorshigii uu watay, ayaa waxa uu sheegay Markii uu dawalada ka mid ahaa ay ku ololeyn jireen inay Degmada Gabilay ay Ka dhigayaan Gobol shantan sannadood gudahood waad ka war-heysaan oo cidna ma hadal hayso “Waxa berigii hore ee Marxuumku [Maxamed Ibraahin Cigal] noola la odhan jiray lixda Gobol iyo Gabilay, gobol iska daayo iyadii ayaa tagtay” Mar uu Abiib la hadlayey dadka ku nool degmada Gabilay waxa uu yidhi. “Waxaan leeyahay Reer Gabilay Xukuumada [Rayaale] wakhtigeedi uu dhamaaday ee ka tabaabusheysta” Mujaahid Abiib Diiriye waxa uu sheegay inay raggii [Jarmalka] ahaa ee ay Xukuumadu ku sheegtay khabiiro dhisayaa Warshada Sibidhka ee Berbera inay yihiin tuug, oo ay tahay olole Xukuummadu ku galayso Doorashada soo socota oo ay shacbiga ku jaha-wareerinayso, ee waa inay shacbigu ogaadaan. “Sharciyadii meeday? Dalkii Boqortooyo ayuu isku bedelay dastuurkii iyo shuruucdii dalka waa lalaalay, waxa maalinkasta Golaha Wakiillada ka soo baxa ee uu dhameeyo daaqada ayaa laga-tuura” ayuu yidhi Abiib. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Maatidan [somaliland] nin wax ka Uruursadaa halkuu maro waa la ogyahay oo halkaas ayuu ku fashilmayaa, mee.. Maxamed Siyaad Barre, ama Qaahira ha lagu uruuriyo ama Swezerland walaahi inaanay waxba ka jirayn” “Awadal waxay la mid tahay Sanaag, waxay Xukuummaddu sameyso shacbiga reer Awdal may sameyn ee waxa sameeyey nin, waxaan beryahan arkayey inay joornaalada qaar ama ragga qaar khaladaadka uu Daahir Rayaale sameeyo loo nisbeeyo Gobolka Awdal [********] Xaasha reer Awadal May sameyn iyagu” ayuu yidhi Mujaahid Abiib. Col. Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi [Jidhif] oo isna ka mid ahaa xubnihii ku soo biiray Xisbiga KULMIYE ayaa isagu tilmaamay inaanu sadexda Xisbi midna ku jirin. “Mujaahid Jidhif Oo Maamul ka horyimi aad aragtaan Maamulkaa ka quusta” ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi oo isaga oo muujinayey inuu ka soo hor-jeedo Xukuummada Madaxweyne Rayaale ee talada haysa. Isaga oo sharaxaad ka bixinayey Mujaahidku waxa uu sida uu leeyahay waxa uu yidhi “Waxaan sidaa u leeyahay Muuse Biixi Cabdi, Cabdilaahi Askar, Abiib Diiriye Nuur, Maxamed Kaahin markii ay yaacayeen si ay dalka u xoreeyaan ayaan ku idhi bal u kaadiya wax ayaa isbedelaayaa. Waxaan lahaa wax ayaa soo yara hagaagaya oo waa bini’aadam oo khaladaadkii ayuu garan [Rayaale] oo odayaal ayaa la hadlaysa oo dad ajanebiya ayaa la hadlaya waxaa uu ka soo noqondoonaa qof ilaahay eryayaa adigu ma soo celisid” “Anigu [Jidhif] Xamar ayaan ka soo lugeeyey ilaa Dul-cad keligay Markaan cidna waayey ee aan yaabay ayaan is idhi Malaha ninkan odaygi [Rayaale] adigaa hadho uu kugu soo socdaa” ayuu yidhi Jidhif. Mujaahid Jidhif, “Aduunyada waxay kugu daran tahay marka uu nasabkaagu ku dhibo ee aad maqalkiisa ka naxdo oo aad aragto dad la leeyahay ***** ee aad istidhaahdo adiga ayaa laguu soo diray oo uu ku doon-doonayaa waxa halkaa gaadhay haday mareyso ***** land waaba iska Okay” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anigu marti mayhi oo waxaan u imi saaxibaday, waxaan u imi Gudoomiyahaygii Ururka Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed SNM aad ayaan u nasiib badanahay, waxaanu anagu isugu nimaadna oo noo dhexa oo dareenkayagu markay wax u isa soo taagayaan ee ay dhibaatadu soo xidhmayso ee Bur-burku soo dhaw yahay ayaad isku kaayo aragtaa…….Cadaalad daradu waa waxaynu ka dagaalanay” “Waxaan la yaabanay ninka nasiib u yeeshay [Rayaale] Meeshaan Xamar ka soo lugeeyey ee intaas oo rafaada u soo maray ee aan nasabiyadaydii sheegan kari waayey ninka inta uu maanta fadhiistay aayar iska fadhiyi la’a ee aan leenahay waxba ku yeeli maayee sharcigan igu xukun, komiishanku ha iska dhaarto waxba ku yeelimaysee ma lugeynaysid” Mujaahid Jidhif Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi [Jidhif] ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey isaga Madaxweyne Rayaale la hadlayey oo uu yidhi waxaan leeyahay wax badan ayaa la soo maray, haddii aad nasiib u yeelatay hadaad iska fadhiisato komiishanka dhaari maxay ku yeelaysaa waa wax sahlan, ayuu yidhi. “Annigu waxaan maqlayey doorasho ma dhacayso, annigu [Jidhif] ka daa ayaan odhan lahaa anaga wax garanaynee ka daa, waxaan ka daa u leeyahay adiga oo sharci ku jooga o sharaf leh oo lagu ilaalinaayo oo ummada xukuma dadka hadaad sharciga ka dhacdo albaabkaaga ayey wax yaalaanee ogow sidaa uma fadhiyeysidee waa iga tallo xigto oo waan exenayaa” Mujaahid Jidhif waxa uu ku hanjabay hadii ay Doorashada Soo socotaa dhiciweydo wax kale ay dhicidoonaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Adiga ayey ku qurux badan tahay inaad dastuurka raacdo oo aad qabato doorashada haddii sidaa la yeelana wanaagsan, hadaad yeeliweydaana ka sii wanaagsan,…..Qosol iyo sacab……………..Qosol iyo Sacab……………….Qosol iyo Sacab” Cali Xasan Sheekh Doon [Cali Xisbi] oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee xilkoodu dhamaaday oo ka mid ahaa afarta Xubnood ee ku biiray Xisbiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku soo biiraan Xisbiga KULMIYE. Mar uu Cali Xisbi ka hadlayey sababta uu ugu soo biiray Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE waxa uu yidhi. “Aniga iyo Cabdilaahi Jawaan in badan ayaanu ka sheekeysanay yaad u diga rogotaan, waxaanu go’aaminay meesha qudha ee hanan karta, hogaamin karta ee yididiiladii ummadda waxeedi xaqiijin karta inuu xisbiga KULMIYE yahay ayuu isla garanay” “Waxaan Canaan iyo Dhaliil u soo jeedinayaa Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal, ma rabaan inay dalkan doorasho ka dhaco heshiis ayey isku og yihiin, isagu [saleebaan Gaal] u kordhistay kana [Rayaale] ii kordhiweeyee, komiishankii ayaa la hortaagan yahay. Labadaa nin waxaan leeyahay ummadda gef ha ka gelina” ayuu yidhi Cali Xisbi, isaga oo ku taliyey inay muhiin tahay in doorashada soo socotaa la qabto wakhtigeeda oo aanay Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiyaha Guurtidu ummadda gef ka gelin. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambayntii xafladdaas ku soo xidhay hadal kooban ayaa soo dhoweeyey siyaasiyiintaas, isaga oo sheegay in uu rajeynayo siyaasiyiin kale oo miisaan lihina inay iyana ku soo biiraan KULMIYE, xisbiguna uu noqon doono mid isu keena, isla markaana mideeya ummadda Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 14, 2007 Hargeysa(Qaran)-Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Komishinka Doorashooyinka somaliland C/laahi Cabdi X.Cumar Iyo Wasiirkii hore Wasaarada Duulista Hawada Abiib Diiriye Nuur iyo lba Siyaasi oo kale ayaa ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.. Xafalada lo sameeyay Xubnaha Cusub ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,waxa ka soo qeyb-galay hoggaanka Sare iyo Guddida Fulinta Xisbigaas. Labada Xubnood ee kale ayaa kala ahaa Cali Xasan Sh. Doon oo ka tirsanaa Aqalkii hore ee Wakiilada iyo maxamed Xasan Jidhif oo ka mid ahaa Ururkii SNM. Wasiirkii hore Wasaarada Duulista Hawada Abiib Diiriye Nuur,oo Xafladaas hadal ka soo jeediyay ayaa xukuumada uu ka tirsanaan jiray ku eedeeyay in aanay waxba uqabanayn Dalka,waxana uu qirtay in markii uu wasiirka ahaa Been ku olalayn jiray waxana uu yidhi "Inta aanu Gabilay tagno ayaan ku odhan jiray waxa aanu idinka dhigaynaa Gobol taasina way socon weyday,waxa kale oo xukuumadu ka been sheegtay warshadahan ay dhawaan ku sheegtay in laga dhisayo Magaalada Berbera,waxa aan leeyahay taasi waa been cad oo Doorashooyinka soo socda dadka lagu jahawareerinayo". Abiib Diiriye waxa uu ku faanay inuu xilkii Wasiirnimo iska casilay markii sida uu sheegay uu fahmi waayay sida wax usocdaan. Cabdilaahi Cabdi X.Cumar(Jawaan) oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna eedo tiro badan usoo jeediyay Xukuumada somaliland,waxa kale oo uu xataa naqdiyay Qadiyada Aqoonsi raadinta oo uu yidhi. "Safaro Badan oo Dibadaha ah ayaa loo baxaa kuwaasi oo u socda qaab ma dhalaysnimo ah,waayo waxa ay ubadan yihiin Afrika qaaradana waa loo taliyaa,adduunka waxa laga galaa ingiuriiska ee isaga aynu UK culayska saaro". C/Laahi Jawaan waxa uu ugu baaqay shanta xubnood ee Komishinka doiorashooyinka ee la ansixiyay inay hawshooda shaqo sii bilaabaan oo ay la xidhiidhaan haa'yadihii Doorashooyinka inaga taageerayay,waxa klae oo uu intaas ku daray in xukuumada somaliland looga baahan yahay inay sharciga ku shaqeyso oo ay ilaaliso Dastuurka Dalka.C/Laahi Jawaan Waxa uu ku dheeraaday sida uu shakhsiyan u caashaqsan yahay Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay Shakhsi Halgamaa ahoo Taariikh Dalkiisa ku leh. Waxa iyaguna hadalo kooban oo ay ku cadaynayaan Taageeraddooda Xisbiga KULMIYE xafladaas ka soo jeediyay Maxamed Xasan (Jidhif) Iyo Cali Xasan Sheekhdoon. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa afartan xubnood soo dhaweeyay waxana uu uga mahad-naqay aragtidooda siyaasadeed. qarannews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites