General Duke Posted October 25, 2006 Aweys: "ma weerari doono Baydhabo" 25 Oct 25, 2006, 10:42 Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in aysan Maxaakiimta Islaamiga duulaan ku aheyn magaalada Baydhabo oo xarun u ah xarunta dowladda KMG ah, balse ay sugayaan inta laga soo weeraro Maxaakiimta. Guddoomiyaha Shuurada Maxaakiimta Sh. Xasan oo u waramayey Wargeyska Sharqul Awsat ayaa sheegay in ay dhowrayaan heshiiskii Khartoum iyo waxyaabihii kasoo baxay isla markaana aysan jebin doonin qodob ka mid ah heshiisyadaasi. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa kaloo ka hadlay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbar socda ciidamada Dowladda taasoo uu sheegay in ay xadgudub tahay isla markaana aysan maxaakiimta kasoo horjeedaan joogista ciidamada Itoobiyaan. Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa dhowr iyo afartan Km u jira xarunta dowladda KMG ah iyadoo taasina uusan ka waramin Sheekh Xasan Daahir Aweys. Xubno sare oo ka tirsan golaha maxaakiimta Islaamiga oo khudbad ka jeediyay magaalada Buur Hakaba ayaa wacad ku maray iney weerari doonaan xarunta dowladda, taasoo keentay in ay gudaha Baydhabo soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah oo difaacaya dowladda. Maxakamdaha Islaamiga ah ayaa waxa dhinacooda lagu eedeeyaa in ay hub, saanad iyo ciidamo ka helaan wadanka Eriteria. Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho Garowe Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 25, 2006 ^^^ lol, waxay taa cadeneysaa sida aysan isugu xirnayn dhexdooda oo kii larkaaba go'aan iskiisa u gaarayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 25, 2006 Originally posted by Allamagan: ^^^ lol, waxay taa cadeneysaa sida aysan isugu xirnayn dhexdooda oo kii larkaaba go'aan iskiisa u gaarayo. Laakiinse TFG-du fursad ma siinayso ay maxaakiimtu kala duwanaanshahooda fikradeed ku lafa guraan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 25, 2006 Sh. Xasan Turk microfoneka iskuma fiicna ! No more interviews for this guy. Let the career politicians do that public relationship job, i say! Quote Share this post Link to post Share on other sites