Sign in to follow this  
General Duke

Turki we will, Aways we wont?

Recommended Posts

Aweys: "ma weerari doono Baydhabo"

25 Oct 25, 2006, 10:42

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in aysan Maxaakiimta Islaamiga duulaan ku aheyn magaalada Baydhabo oo xarun u ah xarunta dowladda KMG ah, balse ay sugayaan inta laga soo weeraro Maxaakiimta.

 

Guddoomiyaha Shuurada Maxaakiimta Sh. Xasan oo u waramayey Wargeyska Sharqul Awsat ayaa sheegay in ay dhowrayaan heshiiskii Khartoum iyo waxyaabihii kasoo baxay isla markaana aysan jebin doonin qodob ka mid ah heshiisyadaasi.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa kaloo ka hadlay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka barbar socda ciidamada Dowladda taasoo uu sheegay in ay xadgudub tahay isla markaana aysan maxaakiimta kasoo horjeedaan joogista ciidamada Itoobiyaan.

 

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa dhowr iyo afartan Km u jira xarunta dowladda KMG ah iyadoo taasina uusan ka waramin Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Xubno sare oo ka tirsan golaha maxaakiimta Islaamiga oo khudbad ka jeediyay magaalada Buur Hakaba ayaa wacad ku maray iney weerari doonaan xarunta dowladda, taasoo keentay in ay gudaha Baydhabo soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah oo difaacaya dowladda.

 

Maxakamdaha Islaamiga ah ayaa waxa dhinacooda lagu eedeeyaa in ay hub, saanad iyo ciidamo ka helaan wadanka Eriteria.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Allamagan:

^^^ lol, waxay taa cadeneysaa sida aysan isugu xirnayn dhexdooda oo kii larkaaba go'aan iskiisa u gaarayo.

Laakiinse TFG-du fursad ma siinayso ay maxaakiimtu kala duwanaanshahooda fikradeed ku lafa guraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Xasan Turk microfoneka iskuma fiicna :D ! No more interviews for this guy. Let the career politicians do that public relationship job, i say!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this