Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sool Leaders In Support to the Guurti's Decision

Recommended Posts

Waxaa maanta ka dhacay guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood shir balaadhan oo lagu taageeryay go'aankii Golaha guurtida ee Somaliland ay muddo kordhinta sanadka ah ugu sameeyeen madaxawaynaha Somaliland.....

 

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha,Caaqilada,waxgaradka iyo ganacsatada magaalada Laascaanood ayna ku qabsadeen Guriga Gobolka Sool halkaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta maamulka Somaliland ee Gobolka Sool uuna hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed.

 

Shirka ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadalay C/laahi Maxamuud Axmed (Gadhyare) waxaana uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo si wayn uu ugu taageersan yahay go'aankii Golaha guurtida Somaliland ay ku go'aamiyeen inay sanad ugu kordhiyaan madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd arin si wayn loogu baahnaa.

 

Caaqil Cumar Jaamac Goonle ayaa sidoo kalena waxa uu ka hadlayay arinta go'aanklii golaha guurtida ee xil kordhinta madaxwaynaha taas oo uu sheegay inuu gaar ahaan si wayn utaageersan yahay tahayna arin ahayd lagama maarmaan ayna ku mahadsan yihiin Golaha Guurtida Somaliland.

 

Sidoo kle waxaa ugu danbayntii halkaasi ka hadlay Caaqil Cali Maxamed Axamed Kaarshe oo sheegay in arina Golaha Guurtida Somaliland ay xilka ugu kordhiyeen madaxwaynah Somaliland ay ahayd in shan sano loo kordhiyo oo aysanba hal sano u kordhin sababtoo ah anagu reer Laascaanood lamaanu socon doorashooyinka iyo asxaabta Somaliland maanta umaanu fadhiyin sidaa daraadeed waxaanu u fadhinay in somalilandnimada ugu horayn nana soo gaadhsiiyo oo umada marka hore asxaabta laga daayo si aysan ugu jah wareerin markaa ka bacdi asxaabta loo gudbo umadana wax loo qabto.

 

hadaba waxaa hadalkii soo gabogabeeyay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed oo ay Odayaashu ku marti galiyeen shirka lagu taageerayay go'aankii Madaxwaynaha xilka loogu kordhiyay ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo qiiro badan dadkuna si wayn ugu dhago taageen kuwaas oo isgu jiray hadalo wax qabadka Dawlada iyo iyo sidii uu nabada Gobolka ugu shaqeeyay.

 

'anigoo ku hadlaya afka Dawlada waxaan salaan usoo jeedinayaa Odayaasha,sraakiisha ciidamada,uraraad haweenka iyo bahda saxaafada waxaana ku salaamaya salaanta islaamka anigu Laascaanood umaan soo shaqo tagin Laascaanood waa Gobolada Somaliland ugu shaqada yar hadda waxaana u imi inaan Dalkayga iyo dadkayga si buuxda wax ugaadhsiiyo waxna ugu baadi doono si daacadnimo ah ugu sheeqeeyo if iyo aakhiroba aniga iyo Dawlada aan ka tirsanahay waxaan kaloo idiin sheegayaa inaan anigu Dawladayda idiin amaanin ee aan xitaa idiin maago si aad uheli lahaydeen wax kasta oo aad Dawlada ku lee dihiin ama aad ka mudan tihiin ee adeegyada kala duwan ee nolosha' ayuu yiri Cali Sandule

 

'waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu carabka ku dhuftay qolada xisbiyada in masuul doonaya inuu dalka wax ka qabto uu ka cadhoodo muddo kordhin sanad ah waxaana uu sidoo kale ka hadlay mashaariico badan oo wax loogu qabanayo Gobolka kuwaas oo laga fulinayo sida biyaha macaan ee Gobolka oo inta ceelkii waynaa ee riiga ee biyo galin lahaa magaalada loo samaynayo magaalada shan ceel oo biyo macaan kuwaas oo ay uyaaliin mashiinadii safayn lahaa'

 

agobol1.JPG?0.119007722328407

agobol2.JPG?0.4093426115019985

agobol4.JPG?0.9921994300834021

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this