Sign in to follow this  
Siciid1986

Somalia: Selling of Human organs underway in Somaliland

Recommended Posts

Somalia: Selling of Human organs underway in Somaliland

 

 

 

HARGEISA (Mareeg)—The minister for family affairs of Somaliland Faudmo Sudi Hassan said Wednesday there has been selling of Human organs in Somaliland.

 

She held a press conference in Hargeisa, the de facto capital of the breakaway republic of Somaliland, and expressed concern about selling of essential organs of Human beings in Somaliland.

 

She added that the government of Somaliland knows about some people who were taken to Asia to sell their essential organs.

 

The minister added that there are Somali girls currently held in Syria where their rights are being abused and described as something against the humanity and the Islamic region.

 

Fadumo discoveries the story of young children stolen from Mogadishu and then their organs transplanted other human beings. She warned against Somaliland people of the danger of abusing Human rights.

 

http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=15088&tirsan=3

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Chinese whispers style reporting on behalf of Mareeg. This is what the Minister and the Director General said during the awareness campaign.

 

 

Wasiirka Qoyska oo Ku Baaqday In Laga Hortago In Dhaqanka Ka Ganacsiga Dadku Soo Gaadho Somaliland

 

Hargeysa(Ramaas) Feb. 02, 2010 - Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan ayaa maanta ku baaqday in Somaliland iska kaashato sidii looga hortagi lahaa wax ay ugu yeedhay ka ganacsiga dadka.

 

Wasiirku waxay sidaasi ku sheegtay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay xafiiskeeda waxaanay tidhi
“Waxaan maanta idinku yeedhay arrin khatar ah oo aan doonayo inaanu shacbiga Somaliland ka wacyigelino runtii way inagu cusub tahay Somaliland, hase yeeshee waxay ka dhacdaa meelaha burburka iyo dagaaladu ay ka dhaceen arrintaasi waa ‘Ganacsiga dadka’ inaga wixii dadkeenu u dhibaatoodeen waa tahriibka oo badda isugu biimeeyeen.

 

Arrintan iyo tahriibku way kala duwan yihiin, waxaan u mahadnaqayaa dawlada Jabaan oo gacan ku siisay Hay’ada IOM ee caalamiga ah sidii ka ganacsiga dadka looga hortagi lahaa dadkana shirar badan oo lagaga digaayo loogu qabanayo. Labadii bilood ee u dambaysay aad iyo aad ayaa arrintaasi looga wacyigeliyay bulshada Somaliland.”

 

“Dadku meelaha ay u tacabiraan ee ay is leeyihiin nolol ka raadsada ayaa waxa jirta dad isu tagay oo xirfad u leh sida dadka lacagta looga qaado, waxaanay ku yidhaahdaan shaqooyin ayaanu idin siinaynaa, waxa dhacda inay siiyaan wax yar dumarka oo kale waxay ku yidhaahdaan shaqo ayaanu idin siinaynaa ayaa haddana wax kale lagu sameeyaa. Xamar oo kale waxa dhacday in carruur la qaatay, ka dibna markii dibada la geeyey xubno jidhkooda ka mid ah lala baxay taasina waxay ka mid tahay ka ganacsiga dadka (Human Trafficking),” ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi.

 

Wasiirka Qoyska wuxuu sheegay in tahriibka iyo ka ganacsiga dadku ay iska shababahaan dhinaca khatarta qofka mudanayo.

 

Wasiirka waxay ku baaqday in xukuumad iyo shacbiba la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga dadka.

 

Marwo Faadumo Suudi, waxay saxaafada ugu baaqday inay ka ganacsiga dadka ka faaloodaan oo ay bulsho-weynta ka wacyigeliyaan halistiisa.

 

Wasiirka oo la weydiiyay inay sharaxaad ka bixiso qaabka dadka looga ganacsanayo waxay ku jawaabtay
“Runtii ka ganacsiga, dadku waa wax dhegaha shacbiga Somaliland ku cusub, waxa weeye qofkii oo lagu yidhaahdo waa lagu dhoofinayaa inta lacag iyo fiiseyaal macmal ah loo sameeyo gaar ahaan dhallinyarada ayay arrintani saamayn ku leedahay. Waxa ka dhacday in hablo la geeyey Suuriya oo dadkii kaxeeyayna intay guri u kireeyeen ka baxsadeen ka dibna arrimo kale oo ganacsi ah laga furay gurigii, hablihiina si dhaqanka suuban ka baxsan looga faa’iidaystay.

Inamadana inta lagu yidhaahdo waanu idin dhoofinaynaa oo lacag laga qaado ayaa jeel ay ku dambeeyaan oo la xidhaa inta dalalkoodii laga kaxeeyay.”

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Md. C/raxmaan Maxamed Maal, ayaa isaguna ka hadlay faraqa u dhexeeya tahriibka iyo ka ganacsiga dadka waxaanu yidhi
“Tahriibku waxa weeye qofkii isaga ayaa is-abaabula oo go’aansada ha ku dhinto ama ha ku noolaadee.

 

Ka ganacsiga dadku waa qofkii ayaa been loo sheegayaa oo la odhanayaa shaqo wanaagsan ayaa lagu siinayaa ama waa lagu dhoofinayaa ka dibna jidh ahaan iyo muruq ahaanba waa looga faa’iidaysanayaa oo si dhaqan xun ayaa looga faa’iidaystaa oo waxa lagu odhanayaa shaqadaas iyo lacagtaas yar haddii aad ku shaqayn weydo waa lagu mastaafurinayaa.”

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this