Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Alshabab Leader Escapes Blast .... Injured ??

Recommended Posts

Guri ay ku shirsanaayeen saraakiisha sare ee Khawaarijta Shabaab ayaa dukum daakum noqday,waxaana la xaqiijiyay inuu shirka ka socday gurigaas shir gudoominayay Amiir Ahmed Godane oo isagoo dhaawaca ay la baxeen labo gaari dagaal.

 

Guriga ay ku jireen Saraakiisha Shabaab oo ku yaal xaafadda Ciisse Cabdi ee Gubta,waxaa uu galaaftay guryahii la deriska ahaa tirooyin ka mida,waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan.

 

Nin ka badbaaday qaraxyada isdabajooga ayaa dadka degaanka isagoo shoogsan ugu waramay in sedex gaari oo ay ku rarnaayeen walxaha qarxa,lana doonayay inay galaan fariisamadda Ciidamadda Amisom ee Mogadishu

 

Warar caawa laga helay saraakiil sare ayaa sheegay in guriga ay ku jireen Saraakiisha Shabaab lagu dhiftay laba gantaal oo bartilmaameedsaneyd, taasna ay sababtay inay qarxaan sedexda gaari

Sarkaal ka tirsan Shabaabka ayaa qaraxaas ku sheegay mid uu kiciyay nin u dhashay Bakistan oo doonayay inuu isku miidaamiyo Ciidamadda Amisom

 

Inta la xaqiijiyay 11 nin oo Somalia,sedex u dhashay bakistan ayaa ku dhintay Guriga filadaa ee guud ahaanteeda burburtay,waxaana ku dhaawacmay Amiirka Shabaab Ahmed Godane oo wararka qaarna ay sheegayaan inuu geeriyooday mudadii jidka dhaca dayniile lagula sii cararayay

 

Warar Is khilaafsan waxay tibaaxayaan in rag waaweyn oo caana ay ku jireen gurigga burburay ee ku yaal Gubta,una dhaw wadada Hornafrik ama Jidka Warshadaha,Isgoyska Ifka Xalan

 

Waa Tilaabadii ugu horeysay ee kooxda Khawaarijta ku jabaan.

 

Tani waxay horseedi kartaa Nasri ay bulshada Soomaaliyeed helaan hadii ay dhab noqoto inay gudaha gurigaas ku halaagsameen horjoogayaasha Khawaarijta qarniga iyo ajnabiyiinta ka tirsan AlQaeda ee fidnada ka wada Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

IT is the Waagacusub .... So we should be careful believing this.

 

 

Let's see if there are other versions or the whole thing is a made up story ..

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nowadayz there is no indepndent Somali News to believe, even hadey run tahay xataa yaa rumeesan waagacusub or dayniile ama even hiiraan, qiiro clan baa wada dhamaan wararka soomaalida ideelkood

 

 

Beentaada hore runtaada danbey u darantahay soo lama oran jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this