Jacaylbaro Posted May 19, 2009 Guri ay ku shirsanaayeen saraakiisha sare ee Khawaarijta Shabaab ayaa dukum daakum noqday,waxaana la xaqiijiyay inuu shirka ka socday gurigaas shir gudoominayay Amiir Ahmed Godane oo isagoo dhaawaca ay la baxeen labo gaari dagaal. Guriga ay ku jireen Saraakiisha Shabaab oo ku yaal xaafadda Ciisse Cabdi ee Gubta,waxaa uu galaaftay guryahii la deriska ahaa tirooyin ka mida,waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan. Nin ka badbaaday qaraxyada isdabajooga ayaa dadka degaanka isagoo shoogsan ugu waramay in sedex gaari oo ay ku rarnaayeen walxaha qarxa,lana doonayay inay galaan fariisamadda Ciidamadda Amisom ee Mogadishu Warar caawa laga helay saraakiil sare ayaa sheegay in guriga ay ku jireen Saraakiisha Shabaab lagu dhiftay laba gantaal oo bartilmaameedsaneyd, taasna ay sababtay inay qarxaan sedexda gaari Sarkaal ka tirsan Shabaabka ayaa qaraxaas ku sheegay mid uu kiciyay nin u dhashay Bakistan oo doonayay inuu isku miidaamiyo Ciidamadda Amisom Inta la xaqiijiyay 11 nin oo Somalia,sedex u dhashay bakistan ayaa ku dhintay Guriga filadaa ee guud ahaanteeda burburtay,waxaana ku dhaawacmay Amiirka Shabaab Ahmed Godane oo wararka qaarna ay sheegayaan inuu geeriyooday mudadii jidka dhaca dayniile lagula sii cararayay Warar Is khilaafsan waxay tibaaxayaan in rag waaweyn oo caana ay ku jireen gurigga burburay ee ku yaal Gubta,una dhaw wadada Hornafrik ama Jidka Warshadaha,Isgoyska Ifka Xalan Waa Tilaabadii ugu horeysay ee kooxda Khawaarijta ku jabaan. Tani waxay horseedi kartaa Nasri ay bulshada Soomaaliyeed helaan hadii ay dhab noqoto inay gudaha gurigaas ku halaagsameen horjoogayaasha Khawaarijta qarniga iyo ajnabiyiinta ka tirsan AlQaeda ee fidnada ka wada Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 19, 2009 IT is the Waagacusub .... So we should be careful believing this. Let's see if there are other versions or the whole thing is a made up story .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted May 19, 2009 Good News If It's True. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 19, 2009 Nowadayz there is no indepndent Somali News to believe, even hadey run tahay xataa yaa rumeesan waagacusub or dayniile ama even hiiraan, qiiro clan baa wada dhamaan wararka soomaalida ideelkood Beentaada hore runtaada danbey u darantahay soo lama oran jirin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted May 19, 2009 Originally posted by nuune: Beentaada hore runtaada danbey u darantahay soo lama oran jirin. Spot on. Quote Share this post Link to post Share on other sites