Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed losses more ground in North Mogadishu

Recommended Posts

Wararkii u dambeeyay Dagaalo la isku gabal dhacsaday (Isgoyska Sanca oo dagaalka ku soo fiday)

Dagaaladan oo ah kuwo goos goos ah ayaa la isku gabal dhacsaday, iyadoona uu soo bilowday barqanimadii manta, waxaana dagaalada ay ku fideen Xaafado hor leh oo horay dagaalka uga caaganaa.

 

Dagaaladan oo u muuqda kuwo ay galeen maalintii 6aad ayaa waxaa qasaaraha ugu badan ay ka soo gaareen dadka rayidka, waxaana ku le'day dad ku dhow 200 ruux, halka dhaawacuna uu caga cageynayo 300 oo ruux.

 

Xoogaga Mucaaradka ayaa ah kuwo u muuqda inay haatan isku ballaarinayaan Magaalada inteeda kale, marka loo eego goobaha uu haatan soo gaaray dagaalka oo ah Waqooyiga Muqdisho.

 

Dagaalada ayaa ah mid ka yara roon sidii duhurnimadii manta, oo ay Magaalada inteeda kale ay gil gileen Madaafiic xoogan oo ay ku hoobanayeen Xaafadaha dadka rayidka.

 

Ilaa 5-ruux oo caruur u badan ayaa ku dhintay dagaalo xoogan oo soo gaaray fiidnimadii caawa, kaasoo si toos uga socday Isgoysyada Jardiinka, Siinaay iyo Sanca, waxaana laga barakacay Degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Degmada Boondheere oo dagaalka manta ku soo fiday.

 

Kumanaan qoys oo isugu jira caruur iyo haween ayaa ka firxanaya dagaalada aan dhamaadka laheyn oo ah mid lagu loolamayo oo kaliya gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, waxaana dadka rajo beel ku riday iyadoo aan socon wax waan waan ah oo dagaaladaas xal looga gaarayo.

 

Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta is baheysanaya ayaa ah kuwo doonaya inay la wareegaan goobaha ay Dowladda ku sugan tahay, iyadoona Ciidamada Dowladda ay cad bistiis u noqdeen weerarada naf hurnimada oo ay Mucaaradka ku soo qaadayaan.

 

Lixdii maalmood ee u dambeeyay ayay Mucaaradka u horu mar buuxa ka sameeyeen dagaalka, kadib markii ay qabsadeen suura gashay inay qabsadaan goobo hor leh, iyagoona ka soo saaray meelo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda, kadib dagaalo faraha looga gubtay.

 

Xoogaga Mucaaradka ayaa lugaha soo geliyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Shibis, halkaasoo ay Ciidamada Dowladda ka sameysteen aagag difaac, balse sheekadu waa ay ku xun tahay Dowladda.

 

Isgoyska Afarta Jardiino iyo kan Siinaay ayaa caawa waxaa ku hoyanaya Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo is baheysanaya, halka Isgoyska Sanca ay Dowladda si naf la caari ah u difaacaneyso.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^If you read the post from Jowhar.com it does not bode well, they are deep supporters of the Sharif and they seem to have given up..

It is at most 1200 Pro-Sharif fighters vs the entire hordes of the anarchists. It is only a matter of time before they retreat to Villa Somalia and join their besieged leader.

 

Moral is a key component of war. One legion after another is attacking these handful fighters. They need reinforcements from what-ever section, and they need it fast.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka Muqdisho oo soo gaaray Xaafado horay u degganaa sida Shibbis iyo Isgoyska Sanca, Iyo Xoogagga Islaamiyiinta oo is Ballaarinaya.

Muqdisho,13,May,2009 ,Arboco,(Hillaac.net )

 

Dagaalka la'isku Maqribsaday ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Xaafado hor leh oo uusan Dagaal ka jirin 6dii Maalmood ee la soo dhaafay, Xaafadaha Shibis, Boondheere iyo Isgoyska Sanca ayaa Xilligani ay Xabbaduhu ka socdaan Iyadoo Ciidamada Dowladda laga soo saaray Goobihii ay saakay ku sugnaayeen.

 

Dagaallada maanta ayaa Qasaaro Lixaad leh ay ka soo gaartay Shacab Rayid ah oo ku dhex go'doomay Labadii dhinac ee Dagaallamayey waxana Geerida ay sii cagacageyneysaa 60 Dhammaantood Rayid ah oo ay ku jiraan Carruur, Halka Dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

 

Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ayaa haatan isku ballaarinaya Magaalada Muqdisho Iyagoo Kaabiga dhinac walba uga soo haya Xarunta Madaxtooyada oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda.

 

Kummanaan qoys ayaa ka firxanaya dagaallada ka soconaya Magaalada Muqdisho, Marka laga soo tago Rasaasta ay is weydaarsanayaan Labada dhinac waxa jira Madaafiic aan loo meel dayin oo ay Ciidamada AMISOM ku garaacayaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Taasoo keentay in Shacabku ay aad u weeyraxaan kana qaxaan Xaafado uusanba Dagaalka soo gaarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this