Sign in to follow this  
General Duke

Localy led TFG armed forces take over Lower Shabbele

Recommended Posts

Shabeelada Hoose Waxaa Soo Gaarey Ciidanka Dowladda oo Ka Kooban Dadka Gobolka U Dhashey. Afgooye oo Howlgal Laga Billaabey.

 

Xafiiska Dowladda Hoose ee Afgooye.01/24/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Tan iyo markii maamul kumeelgaar ah loo sameeyey Degmada Afggooye ayaa halkaas waxaa ka tagnaa muranno badan oo dhinaca Maamulka, Canshuuraadka iyo Nabadgelyada Degmadaas oo aan si wanaagsan isku dubadhicin. Isqabqabsiga ayaa yimid ka dib markii Guddiga Maamulka Kumeelgaarka ah ee ka kooban 6 Xubnood ay noqdeen laba beelood oo keliya ah.

 

Arintaas waxay hakad gelisey howlihii Maamulka Degmada iyadoo beelaha kale ee Degmada deegaan ku leh ay diideen inay socodsiiyaan shaqada maamulka kuwaas oo ku andacoonaaya in aan maamulka loo dhameyn, Arrintaasna waxay keentey inay nabadgelyada Degmadu ay aad u xummaato iyadoo kooxo malleeshiyooyin ah oo ka tirsanaan jirey maamulkii dulmiga ku dhisnaa ay billaabeen howlo aamandarro ah.

 

 

Sidoo kale is-afgaranwaaga beelaha ayaa mas’uul ka ahaa in la hor istaago canshuuraad halkaas laga qaadi lahaa iyadoo marar badan uu maamulku isku deyey inuu canshuur ka qaado goobaha ganacsiga Xoolaha, Badarka, Qudaarta iyo ganacsiga kale ee caaadiga ah.

 

Markii uu ammaanku faraha ka sii baxey ayaa ciidamo Dowlladda FKMG leedahay waxay magaalada ka billaabeen howllo amaanka ay ku sugayaan waxaanay magaalada ka dhowreen in hub lala soo galo. Sidoo kale waxaa howllo kale oo ammaan sugid ah ka billaabeen Tuulooyinka u dhow magaalada Afgooye, waxaana durbadiiba la soo qabtey qaar ka tirsan kooxihii aamaandarida wadey.

 

Maamulka Degmada Afggooye wuxuu markii uu gacan ka heley ciidamada Dowlladda billaabey canshuur arurin. Waxaa dhammaan goobaha ganacsiga laga billaabey dakhliga lagu socodsiinaayo maamulka Degmada.

 

Sidoo kale waxaa markii ay ciidamadu howgalka billaabeen dacwad iyo qaayllodhaan billaabey haraadigii maamulka Xuseen ‘Cirfo’ oo ku andacoonaya inay joogaan Booliis, Manashiibiyaal iyo militeri waxayna ku doodeen in aan la siinin xuquuqdii iyo mudnaantii ay lahaayeen, waayo bay yiraahdeen “annagu ciidamo ayaan nahay maamul kasta inaan la shaqeeyno diyaar baan u nahay” bay yiraahdeen. Tani waxay tuseysaa inay weli yihiin maquusteyaasha uu horey u sheegey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxay si xaaraan ah Degmada iyo Gobolkaba ku soo haysteen muddo 16 sano ah iyadoo dakhliga deegaanka soo gala iyo kuwo ay dadka caadiga leeyihiin oo baad ahaan looga qaadan jirey jeebkooda ku dhaci jirtey, ayay weli waxay damac ka qabaan inay maamulka xalaasha ka sii mid ahaadaan, hase yeeshee taas waqtigeedii waa dhammaadey waxaa la gaarey xilligii xaqdarada ay ku jireen soo afjarantey.

 

Si kastaba ha ahaatee maamulka Degmada Afggooye oo markii ugu horreysey muddo aad u dheer ka dib ay hormuud ka yihiin dadka deegaanka u dhashey wuxuu u muuqdaa mid sii shaqeynaaya asagoo ka faa’ideysanaya awoodda ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka ah, waana degmada 4aad ee Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka iska leh ay maamulayaan. Waxaa kale oo jira in ciidamadii Dowladda oo la keeney Gobolka ay u badan yihiin dadka u dhashey Gobolka.

 

Degmooyinka Wallaweyn, Awdheeglle iyo Qoryooleey ayaa waxaa ka taliya dadka deegaankaas ka soo jeedo weji kasta iyo siyaasad kasta ha aaminsanaadeene. Waxaa weli gacanta ku jirin 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo kala ah Marka, Kunturwaareey, Sablaale iyo Baraawe oo ay weli ka taliyaan kooxihii sida xaqdarrada ku haystey muddo 16 sanadood ah.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this