Sign in to follow this  
General Duke

Col A/Qaybdeed : hand over wepons + MDheere warlord era over

Recommended Posts

Col. Cabdi Qeybdiid oo taageerayaashiisa ugu baaqay hubka ay heystaan iney kusoo wareejiyaan DF.

 

Mogadishu Monday January 1, 2007 Simba Radio

 

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa Taageerayaashiisa ugu baaqay in hubka ay heystaan ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka KMG ah ee somalia.

 

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho in heysashada hubka ay mar walba tahay arrin dhibaato keeneysa, waxaana taageerayaashiisa iyo dhammaan dadka Soomaalida ah uu ugu baaqay inay hubka ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia.

 

Qeyvbiid waxa kale oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeynayaan nabad galyada, islamarkaana ay joojiyaan dibad baxyada ka dhan ak ah ciidamada Ethiopian-ka iyo Dowladda Federaalka KMG ah ee somalia , oo ay wadaan.

 

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxa uu sheegay inuu ka warqabo in hubkii iyo gawaarididi dagaal oo ay Maxkamadaha Islaamiga ka qabsadeen in weli ay ku jiraan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdsiho, laakiin uusan dooneyn inuu dib u helo laakiin lagu wareejiyo Dowladda.

 

Qeybdiid, ayaa sidoo kale dadka Soomaalid ah ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dagaal yahanno shisheeye ah oo uu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah ay ku garab siinayeen dagaaladii ay la galeen Dowladda Federaalka KMG ah ee somalia.

 

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa dagaal yahannadaasi qudhooda ugu baaqay in diinta ay dadka Soomaalida ah u wadaan ay geeyaan dalalka ay u dhasheen halkaasina ay ku dhaqaan, sida uu hadalka u dhigay.

 

Qeybdiid, ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax aargoosi ah oo dib uga dhacay somalia, wixii horey uga dhacay Somaliyana la iska iloobo Islamarkaana sida uu sheegay loo soo wada jeesto midinimada iyo danta qaranka Soomaliyeed.

 

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib in ka badan lix bilood oo uu ka maaqnaa taasi, oo ka dambeysay dagaal uu la galay Maxkamadaha Islaamiga ah oo Magaalada looga saaray.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

JOWHAR: Maxamed Dheere oo maanta shacabka Reer Jowhar hadal dheer u jeediyay sheegayna...

Posted to the Web Jan 01, 12:38

 

 

Jowhar (PP) - Guddoomiyaha guddiga siyaasadda Gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed dheere) oo meel fagaare ah manta kala hadlay dadka Reer Jowhar ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay in dadku is cafiyaan ayna dowladda taageeraan.

 

 

 

Maxamed Dheere ayaa dadka ku boorriyay inay wax walba dib u liqaan isla markaana wixii horay u dhacay la iska illaawo, dadkuna u hoggaansamo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay xiligaan dalka oo dhan.

 

 

 

Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe ayaa carrabka ku dhajiyay in maamulka uu madaxda ka yahay sidiisii hore uu u shaqeynayo inta dadka gobolka ay ka soo dooranayaan maamul cusub oo kii hore baddala.

 

 

 

“Kooxdii Shabeellada Dhexe timid ee dalka laga eryay, waxay ahaayeen kuwo ay dhibaatadu u cusbayd, haddana firxadkoodii ayaa la daba joogaa, dalkana waa laga suulinayaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaasi sii raaciyey in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ethiopia ay dagaal kaga adkeen kooxihii dadka afduubka ku haystay.

 

 

 

Mar uu kala hadlayay Maxamed Dheere Shacabka Reer Jowhar Xubnihii ka tirsanaa Maxkamadaha ayuu yiri “Dadka reer Jowhar waxaa looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan inay taageeraan nin dambiile ah, ama Qaranka ka soo horjeeda, waxaa mudan in la taageero waa Qaranimo & wax wada qabsi”. Isagoo intaas raaciyay: “Waxaa lama huraan ah in dalka lagu soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii, dowladduna ay si wanaagsan ugu shaqeyso shacabkeeda”

 

 

“Hadda wixii ka dambeeya way dhammaatay hoggaamiye kooxeednimo, dowladda ayaana amarrada ka qaadanaynaa” ayuu yiri mar kale Maxamed Dheere oo hadalladiisa ay u muuqdeen kuwo uu ku taageersan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuuna mar kale yiri: “Anigu waxaan qabaa in la is cafiyo, dadkuna ay gacmaha is qabsadaan, qofkii qof dhibayna, la ogaado in maanta uu isaga uun dhibka ku dameeyo”.

 

Maxamd Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col.Cabdi Qeybdiid oo sheegay inuusan ka aargoosan doonin kuwii la dagaalamay

Last Updated::2007-01-01 22:58:03

 

qeybdiid_returns.JPG

 

Muqdisho:- Col.Cabdi Qeybdiid oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedkii Muqdisho kula dagaalamay Maxaakiimta ayaa maanta warsaxaafadeed kasoo saaray magaalada Muqdisho.

 

Cabdi Qeybdii oo soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay inuusan ku dhaqaaqi doonin wax aargoosi ah asagoo ku baaqay in dalka la nabadeeyo.

 

Col.Cabdi Qebdiid kamid ahaa hogaamiye kooxeedkii la saftay Dowlada Federaalka, ayaa sheegay inuusan asagu hub dooneyn isla markaana loo baahan yahay in shacabka hubka laga aruuriyo.

 

Col.Cabdi Qeybdiid ayaa warsaxaafadeedkan soo saaray xili ay dowlada federaalka ku dhawaaqday in hubka laga aruurinayo magaalada Muqdisho.

 

Qeybdiid ayaa sheegay in uusan wax xil ah ka heyn dowlada federaalka, balse uu taageersan yahay hawlagalada dalka looga saarayo kooxo ajaanib ah oo uu sheegay in ay khal khal ka wadaan dalka Soomaaliya gudihiisa.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this