Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2006 Isla hadadaan aan qoraayo dagaal ayaa ka socdo duuleedka Waqooyiga Bari ee Xamar, kaasoo bilowday hiraabtii xiliga Muqdisho. _________________ Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo culus ay saaka Waaberigii ka qarxeen duleedka Bari ee magaalaada Muqdisho gaar ahaan degaanka Galgalato iyadoo dagaalku dhex marayo laba maleeshiyo oo kala taabacsan labada ganacsade ee isku jufada ah Bashiir Raage Shiiraar & Abuukar Cumar Caddaan. Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo kuwa fududba ayay iminka uun soo baxayaan qasaarihiisa oo u badan maleeshiyooyinka dagaalamaya maadaama goobta dagaalka ay tahay meel bannaan oo aanay dadka caadiga ah degaano ku lahayn. Isbitaalka Keysaney oo goobta u dhow ayaa xaqiijiyay in la geeyay dhaawac gaaraya 15 ruux oo qaarkood aad u culus yihiin, halka Isbitaalka Madiina isna la geeyay ilaa 7 ruux oo dhaawac ah. Faahfaahin badan lagama hayo dagaalka labadan ganacsade u dhaxeeya oo ah markii labaad oo ay degaanka Galgalato isaga hor yimaadaan, waxaana dagaalkoodii hore uu salka la galay laba isbaheysi oo soo kala horjeeda: Maxkamadaha iyo Isbaheysiga argagixiso la dirirka. Degaano ka mida: SOS, Suuqa xoolaha iyo Kaaraan ayay soo gaareen rasaasta ka imaaneysa goobta dagaalka, isbitaalka Keysaney ayaa dhaqaatiirta ku sugan ay sheegeen inaysan rasaas joogto ah ku soo dhaceyso isbitaalka iyo agagaarkeeda. Yoobsan.com _________________ Meeshaas lagu hardamaayo waan soo maray, oo xataa sawiro aan kasoo qaaday. Waaba hayaa, aan idin tusiyo. Meesha lagu hardamaayo maanta. Duurka hadee isku dagaalaan dhabtii gudaha wey dhaantaa, laakiin nasiibxumo labadaan ganacsato ku sheeg labadii qeyb oo horeey u hardamay ee ku kala jiraan, oo isbaheysi leh. Hiil iyo hoo inay ka helayaan ayaa ku xigto, iswarsasho maleh. Hadee kusoo biiraana waxaa dhab noqoneyso dagaalka in uu magaalada soo galaayo, markuu magaalada soo galana...waa iska og tahay. Eebboow naga qabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted March 22, 2006 Bashiir Raage balaayo ayaa wadata, intuusan sanadka dhamaan uu rabaa midhaa inuu noqdo qabqablaha ugu caansan koonfurta Soomaaliya. Ilaahey wixii sharta wadaa hanaga qabto oo wax fiican umada ha usoo saaro, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 22, 2006 ^^^Bashiir raage saan ayuuba kusoo caanbaxayee, Interpol-na wuu lashaqeeyaa maxaa uharay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 22, 2006 MMA, the battle is for control of Ceel Macaane and Ceel Cade ports and the air strip in Ceselay. The other reason could be he closer of Dayniile airport thus closing Raage air strip might have simillar consequences as Qaynyare. It is sad that these men play on top of the people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 23, 2006 Salaan... Haduu Cali Mahdi mise Caydiid midkood quursan lahaa waxaan ma dhaceen. Isku barbardhig wixii waagaas jiray iyo waxa waayahaan socdo. Adduunyo xaalkeed. Meeqo qabqable ayaa jirtay in '91/'92? Waxaan ka hadlooyaa dhamaan dalka oo dhan. Hadaadan qaldamin, ma dhaafeynin shan mise lix. Xuseen Caydiid nafsadiis ayaa laga haayaa shirkii Qaahira ee '97 markii la joogay asagoo leh aan maanta heshiino intee kumanaan kale soo bixin. Yacni wuxuu ka waday, anigaa xataa maanta soo baxee [waagaas dhalinyaro u ahaa uguna yaraa], dadkeena is daba ordaayo yee sii badan. Koleey suu saadaalinaaye ayee noqday. Kontomeeyo ayaa soo baxday. Xataa lama kala garan karo yaa ah 'ganacsado,' yaa ah 'wadaad,' yaa ah 'sheekh,' yaa ah 'shariif' iyo yaa ah 'wadani.' Maanta meesha ugu dambeysay ayee taagan tahay xaalada Soomaaliya. Adduunweynaha toban sano uu dhabarka na aadinaaye, walina na aadinoyaa, laakiinse si qaloocan toogtan noo soo fiiriye, oo ah markii ugu horeysay wixii ka dambeeye 1995. Siyaad Barre maalintuu geeriyooday oo Been Been Sii laga maqlay, ayaa qof kamid ahaa dadkii dhageysanaaye yiri [waligeyna ma iloowaaye], "Maalin baa loo darsan doonaa Max'ed Siyaad." Dadkii wax is fiir fiiriyo iyo wax kale ee noqdeen. Koleey saadaashiis jawaabteeda wali wax ku qanci karo ma arkin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted March 23, 2006 ^^Saaxiib adba qabqable yar oo suufiyada la saftay, wadaadadana kasoo horjeedo aa tahay, marka sheekada waa socotaa, nin walba meel uu qabqable ka yahay, adiga SOL aa noogu qabqableysaa, waliba arimaha sangaliska ah ee suufiyada falsafadooda. you'll see nabaro kuu aassan! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 24, 2006 Salaan... Marka 'suufiyada' wadaado ma'aha miyaa? Su'aal aan ku weydiiyee, yaa diinta kuu keenay? Su'aasha aan balaariyee: Yaa diinta noo fidiye, oo gees iyo gees gaarsiiye dhulka Soomaalida? Kuwa surwaalka soo gaabsaday baroon iyo dhashiike iyo hoobiye iyo madaafiic la ardaayo wato, awood raadis ah oo diinteena suuban ku ganbanaayo? Kuwa isbaaro u taalo? Kuwo waxee is qilaafaan hoo dabamiinshaarka ugu jawaabo, shacabkii ku dhexnoolaana dhiigooda qaatay? Waxba kama qabo hadaa 'suufi' aa tahay ama 'suufi' aad support gareysaa i dhahday, oo surwaalgaab suu' la ordaayo aadan igu darin. That is Eebbe's mahadiis. And nabarada igu aasan, aad baa u garatay. My nabaro are dadka Soomaalida rayidka ah oo waxba galabsan lagu kor dagaalamo, walaa wadaad ku sheeg or ganacsade ku sheeg or qabqable. Aniga equally ee ii dhibtaa, ee adiga? Quote Share this post Link to post Share on other sites