General Duke Posted April 5, 2010 Boosaaso:Maamulka Gobolka Bari oo Amaro Amaanka lagu hormarinayo Soosaaray. 5. april 2010 APL Boosaaso:(Allpunland)-Maamulka Gobolka Bari ee Dawlada Puntland ayaa maanta soo saaray Amaro ay siinayaan Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boosaaso & Shacbiga ku nool gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga ee Puntland,waxaana ay Awaamiran yihiin kuwo amaanka lagu hagaajinayo. Gudoomiyaha Gobolka Bari Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo Shirjaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Warbaahinta u sheegey in Kulamo ay lahaayeen Qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Bari kadib la go'aansaday in Ciidamada kala duwan ee Gobolka kusugan & Shacabka lagu amro Qodobadan:- 1- Dhamaan ciidamada waxaa la farayaa inay ku sugnaadaan xeryahooda 2- Dadweynaha waxaa ka mamnuuc ah heysashada hub aan sharci loo heysan, nooc kasta. 3- Sidoo kale magaalada laguma dhex qaadan karo wax hub ah. Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa sheegey in ay Qadobadan ula danleeyihiin in ay ku hormariyaan Amaanka,wuxuuna si gaar ah ugu baaqay cida ay qusayso in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u qaataan Awaamirtan,isagoo uga digay in lagu xadgudbo Qodobadan uu maanta soo saaray Maamulka Gobolka Bari. Amaradan kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari Dawlada ee Dawlada Puntland ayaa ah kuwii ugu heerka sareeyey ee kasoo baxa Saraakiisha Cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Dawlada Punland u magacaabay Gobolka Bari,waxaana Degenaan & Nasasho laga dareemayaa Magaalada Boosaaso. Shacabka Boosaaso ayaa soo dhaweeyey Qodobadan kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari,waxayna sheegeen in ay yihiin Qodobo qaadasho mudan,iyagoo sheegey in ay Waayahaan ka nasteen Qaraxyadii & Dilalkii Boosaaso ka dhici jiray iyagoo sheegey in Maamulka Cusub ee Gobolka Bari uu hormaro kasameeyey Amaanka Gobolka Bari. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites