Sign in to follow this  
RedSea

Dhulku dhib- badnaa----- report from Somaliland.

Recommended Posts

RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

Every Somali region has some kind of problems, Somaliland's problems are not as severe as other places but it also can get out of hand sometimes. This is the second time that such thing in which some people lost their lives has taken place in Somaliland's capital of Hargeysa. This time 3 poeple are dead and over 30 are wounded. This has nothing to do with the police shooting the people but some civilians are apperently fighting over a peace of land. The violence has halted yesterday when the sun went down and Somaliland elders stepped in between them. No wonder the end of the world is near and the people are competing over land and property.

 

For complete coverage go to www.hadhwanaagnews.com

or just read this article.

 

Dagaalkii ka dhashay muranka dhulka xaafada Dunbuluq ee magaalada Hargeysa oo caawa istaagay iyo Madaxweyhana oo ka hadlay arrintaasi.02-04-2006

 

 

Caku Dhulku dhib badanaa

 

Hargeysa (HWN)-Saddex qof ayaa ku dhintay 34 in kabadana way ku dhaawacmeen ka dib markii saaka koonfurta magaalada Hargeysa meesha loo yaqaano Inji-dii hore ay dad taageersanaa ninka qaadka ka ganacsada ee la yidhaa Ina-Afdiinle inuu meesha dhisto iyo dad kale oo ka soo horjeeday inaan meesha danta guud ah waxba laga dhisin ay isku maandhaafeen dagaalna dhexmaray.

Arrintani ayaa waxay sababtay gacan ka hadal iyo in la isku adeegsado hub oo keentay dhimasho iyo dhaawacba. Waxaana hakad galay marista waddada weyn ee biriijka dul marta ee tagta Total ee Dumbuluq. Waxaana meesha lagu gubay taayiro iyo dhagax oo ilaa duhurkii ay rasaastuna dhex socotay. Waxaana dhexqaaday tuugtii oo bililiqeystay dhammaan meheradihii u dhowaa meesha ay mashaqadu ka dhacday.

 

Si aan waxa uga ogaano dhimashada iyo dhaawaca ayaa weriyahayaga Hargeysa Mustafe Jannaale tegay cisbitaalka weyn isagoo soo tebiyay inay dhacdadaas foosha xun ku dhinteen saddex qof oo laba dumar yihiin midna nin yahay. Magacyadooduna waxay kala kala yihiin sidan:

 

Shuun Maxamed Ismaaciil oo (45 jira)

 

Cali Xusen Xaaji C/laai oo (30 jira )

 

Sabaad C/laahi Cumar oo (17jir),

 

Sida ay u xaqiijiyeen dhakhaatiirtii ku sugnayd cisbitaalku. Waxana uu dhaawacu kor u dhaafay 34 in kabadan. Galabta markii uu in muddo ah socday dagaalku ayaa waxa soo kala dhexgalay Culimo-udiin, Wasiiro, Waxgarad, iyo xubno ka mida Golaha wakiilada ee Somaliland iyo Boliska gobolka.

 

 

Inkastoo sidii loo afjari lahaa colaadda ay markii hore waxba ka qaban kari waayeen arrintaasi. Iadoo uu dagaalku istaagay markii ay cadceedu gaabatay ilaa 5:45 daqiiqo ilaa 6:00 fiidnimo.

Haddaba waxa markiiba caawa ka hadlay arrintan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ila hada si aanay rabshadi u dhicin amaanka sugayaa ciidanka booliska oo aan xabado adeegsanayn.

Inkastoo rabshadaha ka dhasha mashaakilaadka dhulka ay noqdeen qaar soo noqnoqda , hase yeeshee tani waxay ahayd mid ka balaadhan kuwii hore looga bartay. Iyadoo weli aan la soo saarin sharcigii dhulka lagu maamuli lahaa. Kaasoo hadda horyaala Golaha Wakiilada inay ansixiyaana looga fadhiyo.

 

Mustafe Jannaale

Hadhwanaagnews, Hargeysa Somaliland

 

Asalamu calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this