Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Pres Yusuf, Cade and Puntland elders PICS

Recommended Posts

Madaxwaynaha DFKMS oo ay weheliyaan Madaxwaynaha Puntland iyo Isimo ayaa Ka degey Goroonka Aadan Cade Muqdisho.

 

Saturday, 04-Aug 2007

 

Madaxweynaha DFKMG ah iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda DGPl ee Garowe, iyagoo ku sii jeeda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Weftigan DFKGM ayaa waxa safarkooda ku weheliyey Wefti ka socday DGPL oo uu hogaaminayey Madaxwaynaha Puntland Mudane Maxamud Muuse Xirsi, ayna ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada,Wasiirka Kalluumaysiga & Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Wasiirka shaqada & shaqaalaha iyo Sportiga, iyo qaar ka mid ah isamada Puntland.

 

Weftiga DFKMG ah oo uu horkacayey Madaxweynaha DFKMG ah ayaa waxa ay DGPl gaar ahaana Caasimadda Garowe ay ku sugnaayeen muddo lix maalmood ah, Mudadaasi ayaa waxaa kulamo la yeesheen Dowlada iyo Shacabka Puntland, Kulamadas wada xaajoodka ah waxaa ka soo baxay Go’aamo wax ku ool ah.

 

Madaxweynaha DFKMG ah mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo labadii weftii ayaa waxaa ay saacadu Markii ay ahayd 10:00AM Subaxnimo ka degeen Garoonka caalamiga ah Aadan Cabdulle. Waxaana labada wefti ku soo dhoweeyey Maamulka Gobolka oo uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Degmada Maxamed Dheere iyo qaar ka mid ah Wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan DFKMG ah,

 

Labada wefti ayaa waxa loo gelbiyey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, nasasho ka dibna waxaa halkaasi la kala dejiyey meelihii loogu tala galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho_Pundland_13.jpg

 

Boqor cabdilaahi boqor muuse ( boqor king kon ) , bel daajiye farax ,beel daajiye xaaji cabdulaahi ismaciil ,garaad cabdulahi cali ciid , ugaas cabdulaahi ciise nuur , beel daajiye cali farax maxamuud , suldaan maxmaed jamac shire , ugaas xasan ugaas yaasiin cabdiraxman , suladaan cabdilqaadir suldan cali yaasiin kenidiid ,garad cabdisalaan xusen maxamed ,suldaan cabdi bile warsame ,islaan xusen islaan cabdi islaan iyo inkale oo aan haatan magacyadooda halkaan ku soo wada qori Karin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

caddemusa1.jpg

 

"Tan iyo markii aan imid Muqdisho isbuuc ka hor, umaleyn meysid sidii aan u seexday",
ayuu yiri General Cadde Muuse oo intaa raaciyay in eysan aheyn oo kaliya amaanka ka jira Muqdisho oo kaliya balse neecowda iyo jawiga ey wax weyn ka badashay caafimaadkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

arrivel.jpg

 

lol@C Qaybdiid! He's giving it all...and the old man kind of missed the salaam.

 

^^All of that under the shades of the big brother from our west :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It matters not if one is "marked" or not the job to restore the country continues. Those who get in the way will cry "massacre" when they are executed as they do now ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE CADDE MUUSE: “Dhowrkii habeen ee aan Muqdisho joogay ma maleyn kartid sidii aan u hurday”

 

Arbaco, August 08, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo booqasho dhowr cisho ah ku jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay muddo 30 sano ah ayaa wuxuu sheegay in waxa ka maqan Magaalada Muqdisho ay nabad tahay.

 

 

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu ku soo wareegay meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay intii dalka ay ka talineysay Dowladdii hore, wuxuuna sheegay in magaalada ay aad ugu burburtay dagaalladii dalka ka dhacay dhowr iyo tobankii sano ee laga soo gudbay.

 

 

 

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ayuu sheegay Madaxweyne Cadde Muuse in uu si wanaagsan u seexday, isagoo taasina ku sababeeyay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid lagu hurdi karo, “Dhowrkii habeen ee aan Muqdisho joogay ma maleyn kartid sidii aan u hurday” ayuuna yiri Madaxweyne Cadde Muuse.

 

 

 

Wuxuu sheegay in uu kulamo la qaatay dad ka socday beelaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo weliba dad ay asxaab ahaayeen oo muddo dheer ay isugu dambeysay, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan tan Caasimadda Muqdisho.

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa mar uu ka hadlayay ujeedada socdaalkiisa Muqdisho wuxuu ku sheegay in uu la xiriiro sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaana dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn u jecel yahay Magaalada Muqdisho, isla markaana ay farxad u tahay in uu dib ugu soo laabto kadib muddo 30 sanadood ah oo uu ka maqnaa.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer Puntland is 40% of Somalia. If you hate Puntland so much and SOOL in particular go hang yourself. The people of those regions could not care less what you think.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this