Sign in to follow this  
SNFSOULAH

courts are attacking gedo

Recommended Posts

Kismaayo (AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho aya waxa ay shaaca ka qaadeen in ay sii wadayaan dhul ballaarsiga ay ku wadaan gobolada dalka Soomaaliya.

 

Tiro ka mid ah gawaarida dagaalka ee maxkamadaha ee dhowaan gacanta ku dhigay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u soo ruqan sadeen deegaanada Gobolka Gedo iyaga oo sheegay in ay gacnta ku dhigayaan deegaanada dhiman ee gobolada Jubooyinka iyo gobolka Gedo.

 

Saraakiil u hadashay ciidamada maxkamadaha ayaa waxa ay sheegeen in ay arrimahaasi uga danleeyihiin in ay difaacaan weerarro ay qorshaynayaan ciidamo uu wato wasiirka gaashaan dhigu in ay ku soo laba kacleeyaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Maxkamadaha ayaa waxa ay wateen tiro aad u fara badan oo ka mid ah ciidamadii ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo.

 

Warar ka soo baxay madaxda maxkamadaha ayaa waxaa lagu sheegay in weeraradooda ugu ballaaran ay ku wajahan yihiin deegaanada Afmadoow iyo Bu`aale oo ay sheegeen in laga yaabo in ay so gaaraan ciidamada Col. Barre Hiiraale.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee magaalada Baardheere Daahir Aaden Yusuf (Garey) oo saxaafaddu la xiriirtay ayaa waxa uu sheegay in ay samayn doonaan ka hor tag ku aadan sidii ay uga hor tagi lahaayeen ciidamada maxkmadaha ee gobolka ku soo fool leh.

 

Daahir Garey ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu ay diyaarsadeen ciidamo kala duwan oo qaar kood hoos tagaan xukuumadda Soomaliya.

 

Arrimahani ayaa waxa ay ku soo aadamayaan iyada oo wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya uu ku soo fool leeyahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this