Sign in to follow this  
General Duke

Bali-doogle military strip in working order...

Recommended Posts

Garoonka Bali-doogle oo dayactirkiisii la dhameystirey

 

Garoonka diyaaradaha Balli Doogle ayaa u muuqanaya qaab ka qurux badan sidii uu ahaa bari samaadkii kadib dayac tir dhan kastaba looga sameeyay oo ay ka qeyb galeen injineero Mareekan ah oo leh waaya aragnimo dheerada iyo aqoontii ugu dambeysay ee xaga injineeriyada.

 

Bilicsamida laga dareemayo garoonka ayaa kusoo beegmeysa ,iyadoo garoonka lagu dhameystiray dayac tir ku soconayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay,waxaana dayactirkaa ka qeyb qaadanayay ciidamo Ameerikaan ah oo si aad ah ugu xeel dheereeya dhismaha garoomada milatariga.

 

Garoonkii Diyaaradaha Militariga ee Somaaliyeed ayaa waxaa loo badaley xero ciidan oo ka kooban qeybo kala duwan sida :qeybta Taqaatiirta, qeybta tababarka iyo isbitaal weyn oo ay ciidanka xooga dalka somaaliyeed leeyihiin si hadii uu dhib soo gaaro loogu daweeyo.

 

Sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka somaaliyeed oo na ahaan jirey tababare ciidan ayaa wuxuu Uga waramey shabakada Dowladnimo.com in xeradaasi dayactirkeedii iyo qalabeenteediiba la dhameystirey, wuxuuna sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo cusub uutababar ugu billban doono.

 

Sarkaalkan ayaa waxaa kaloo uu sheegey in ay xerrada ku xaroon karaan halkii mar ciidamo gaaraya 6000 oo askari oo la baridoono xirfado kala gadisan oo ku saabsan ciidanka dowliga ahi, wuxuu kaloo sheegey in 6-da kun oo askariba ay la qalin jebin doonaan danbi baarayaal,dhaqaatiir milatari iyo injineero xaga milatariga ah.

 

Sarkaalkaan ayaa sheegey in ay ku soo wajahan yihiin xeradaasi ciidamo Ameerikaan ah oo ka kooban tababarayaal iyo macalimiin oo ayagu gacanta ku heyn doona xeradaasi goordhow,waxaana la filayaa in asbuucyada soo socda uu xeradaasi soo gaaro xarigana ka jaridoono genaralka militariga ugu sareeya geeska afrika Dowlada Mareykanka.

03 Jan 2008 by Dowladnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this