Xudeedi Posted October 18, 2010 Kulan lagu taageerayo Rw Cusub oo ka dhacay magaalada Dhahar Kulankani ayaa Waxaa soo qaban-qaabiyey Maamulka Degamada Dhahar waxaan ka soo qeyb galay Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Ku Dhaqan Degmadaasi oo ay Horkacayaan Odoyaaasha Dhaqanka Iyo Waxgaradka Degamada Dhahar ee Gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland. Kulanka oo ahaa Mid lagu taageereyey Reysul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa ahaa Mid Qaban qaabidiisa ka Socotay Maalmahani Degmada Dhahar ayaa Masuuliyiintii Ka Hadashay Waxa ay Carabka Ku dhufteen Sida ay u taageersan yihin Mudane Farmaajo oo ay sheegeen in Isbedel uu ku Keeni karo Xaalada Dalka Soomaaliya. Maxamed Xasan Saciid oo Ka Tiran Golaha Degaanka Dhahar ayaa Sheegay In ay Si Weyn u taageersan Yihiin Reysul Wasaare Farmaajo Isla Markaan Muujin Doono Karti Iyo Hufnaan o Isbedel ku keeni karta Xaalada uu Iminka Marayo Dalka Soomaaliya. Maxamed Xasan ayaa intaa Hadlkiisa Waxaa uu Ku sii daray in Dhamaan Shacabka Ku Nool Degmada Dhahar ay Si Weyn ay u taageerayaan Reysul Wasaaraha Cusub ee Soomaliya ee Dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya. Tan Iyo Markii Shiekh Shariif Shiekh Axmed uu Magcaabay Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo waxaa Gobolo Badan oo dalka Somaliya Ka Dhacay Banaanbaxyo Balaaran oo Lagu tageerayo Reysul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya. Senior Reporter Hanad Cali Guuleed. Muqdisho-Somalia. Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted October 18, 2010 Reer Dhahar iyo Maakhir waa lagu ogaa shucuur wadanimo, aad iyo aad ayee u mahadsanyihiin Soomaaliya dhan mar hore ayee hagaagi laheed hadii ee noqon sida wadaniyiinta Reer Makaahir Baraka Allahu fiikum, halkaa kawada wadanimada iyo somalinimada Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted October 18, 2010 Good Job by Dhahar. Let's forever embrace Somali unity and political independence. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 18, 2010 Great development. Quote Share this post Link to post Share on other sites