Sign in to follow this  
Xudeedi

Former Cab Driver, Notorious Pirate Warlord Faroole Urges Residents of W.Bari To Move

Recommended Posts

Xudeedi   

FAROOLE OO CADEEYEY SABABTA UU DUULAANKA UGU YAHEY GALAGALA OO IYIRI '' ANIGAA IMAAM AH, REER GALGALANA HA KA GUUREEN GALGALA''

 

Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan oo xaqiijinayaan in Madaxweynaha calaacalka badan ee hada xilka haya, C/raxmaan Farole inuu marka kale Galgala afka saarey oo qeylo dhaan kale dirsadey.

 

 

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa Garowe waxaa kasoo yeerayey calaacal iyo cabaad aan looga baran Puntland madaxdeeda iyadoo Madaxweyne Faroole aad moodey inuu jaahwareer nafsi ay ka haysato xaalada ka taagan Puntland.

 

 

Faroole oo maanta jimcadii ku tukuday masaajid amnigiisa si weyn loo adkeeyey oo ku yaala Garowe ayaa khudbadii jimcada ka dib ka hadley isla markaana cadeeyey shakigii ay qabeen dadweynaha ku dhaqan Galbeedka Bari oo aheyd in dagaalkii uu iclaamiyey Faroole aysan diin iyo argagixiso joogta Galgala shaqo ku laheyn ee ay tahey Dhulka.

 

 

Faroole ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa '' Dadka sheeganaya iney beero ku leeyihiin Galgala waxaan u sheegeynaa in dhulku weyn yahay oo markaa ay u guuri karaan meelo kale''

 

 

Arintan ayaa daliil cad u ah in Faroole uusan xakiim aheyn isla markaana sirtiisii uu ku haystay Qalbiga uu carabkiisu ka xadey iyadoo ay shacabka Puntland u cadaatey in ujeedada ugu weyn ee dagaalka faroole iclaamiyey ay tahey mid Dhuleed ee aysan aheyn mid Amniga Puntland wax looga qabanayo.

 

 

Faroole ayaad moodaa inuu xaalad nafsi oo adeygi hayso iyadoo aad moodid inuu ku jiro Break Down isla markaana ay hadaladiisu noqdeen mid calaacal iyo xaalad abuur ka buuxo.

 

 

Madaxweyne Faroole ayaa horey u yiri waa iney Beeluhu iyo dumarku hubka qaataan isla markaana lala dagaalmo beesha ********** taasina ay abuurtey argagax siyaasadeed iyadoo Dowlada Puntland ay hada labo u kala jaban tahey.

 

 

Dadka ku xeel dheer siyaasada curdunka ah ee Puntland ayaa la yaaban oo dhinac u saari la meesha Faroole wax u wado iyadoo eeda dusha looga saarey cuqdad qabiil iney ku jirto laakinse taladu ay ka xumaatey.

 

 

Waxaa hubaal ah in Puntland ay aayaheeda ka tashato iyadoo lama huraan ay tahey in Madaxweyne FAROOLE la casilo iyadoo uu khatar ku yahay Jiritaanka Puntland taasina waa mid Muqadas ah oo ka weyn damac beeleed ama mid shaqsiyadeed.

 

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Madaxwaynaha PL Dr Faroole ayaa Saladii Jimce ee Maanta ka hadlay Masaajid uu dadka Garoowe kula Tukaday Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Khudbadkii ka dib in PL ay ku soo duuleen Cadow waxa uu ugu Yeedhay oo doonaya inay Maamulka Jaah wareeriyaan,sidoo kale xaalada Galgala ayuu aad ugu dheeraaday oo Ku Tilmaamay mid dhawaan dhan uun u dhacaysa.

 

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Kooxda Buuraha Galgala ku Jirta ay dhawaan soo Af jarayaan isla markaan aanay PL iyo iyagu saas Isu Hor fadhiyayn.

 

Sidoo kale waxa uu soo qaaday Dr Faroole inay soo Kordhiyeen qalab Cusub oo dhan is Gaarsiinta ah waxana Adeegsandoona Buu Yiri Laamaha Amaanka PL.

 

“Koox intay Meel Gasho Tiraahda Diin baan wax ku dhaqaynaa hadana Is Rogta oo Tiraahda Qabiil baanu Wax ku Raadsan Anaga ma Naqaan Sheekooyinka Noocaasi oo kale ah PL waa is diaaficin iyada oo Kaashan SHacabkeeda iyo Laamaha Amaanka”Ayuu Yiri Faroole.

 

Waxa uu Cara baabay isla xaalada Galgala intii ka hadlayay in ay Jiraan dad badan oo Baaqii dawladu Jeedisay ee ahayd Cafis inuu Loo Fidinayo dadka ka Goostay Atam ay Qaateen oo durba Suuqyada Bosaaso lagu arkay.

 

Hadalka Faroole ayaa imanaya iyada oo Odayaasha Maakhir ay ku Sugan yihiin Goobaha Dagaalka sidii ay Nabad uga dhalin lahaa Labada Garab in kastoo Nabadoon Saxaafada War Siiyay uu sheegay in Dawladu aanay dheg Jalaq u Siinayn Waan Waanta Laga wado Galgala

 

Dagaalkan ayaa dhacay 26-Bishii aan soo dhaafnay waxana Fooda is daray Ciidmaada Sheekh Maxamed Said Atam oo sheegay inay Yihiin kuwa Khayraadka deegaankaasi Difaacaya iyo Kuwa Maamulka Pl ee Garoowe ka soo Duulay.

 

Galgalanews/Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Marka aad dhegaysato khudbaddii madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo wasiirka amniga waxa aad fahmi kartaa sida ay uga go’antahay in dagaal lagu qaado buuraha Galgala hadday wax kasta dhalayso. Waxay kale oo ay tusaysaa sida saddexda nin ay isku mowqif uga taagan yihiin. haddana nuxurka haddalkoodu saddexduba waxay ka sinnaayeen in ay dadka ka dhaadhiciyaan:

 

 

1) Khatarta weyn oo cadow soo abaabulay inay ka jirto buurta galgala, oo uu ninka la yiraahdo Atam madax u yahay.

 

 

2) Inuu ********** kiciyo oo dagaal geliyo oo u tuso In ay cidi khatar ku tahay, Atam iyo reerkiisaba ha noqdeene, In dadka reer bariga ah Khaas ahaan la kiciyo sida madaxweyna ku xigeenku iyidhi –reer boosaasoodow ka kaca.

 

 

3) Waxay kale oo ay ku qancinayeen dadka wersengeli in aan qabiil ahaan loola dagaallamayn (in kastoo aanba fikirkooda la dhegaysanayn).

 

 

4) In xataa qofkii caqli gal ah oo fekerkooda ka soo hor jeeda, sida saxaafadda aanay dhegaysan.

 

 

 

 

 

Haddaba maxay tahay saddexda nin waxa isku feker ka dhigay, maxaase hadda keenay oo ay hore ugu imaanweydey?

 

 

 

 

 

Waxaynu ognahay in oloaha Galgala uu bilaabay Cadullahi Siciid Samatar, haddana uu Wasiirka amnigu dabada ka riixayo, madaxweyna ku xigeenkuna la qabo si kasta ha noqotee.

 

 

Haddaba haddi aynu taariikhda dib ugu noqonno waxaynu ogaanaynaa in Atom markuu ku dagaallamayey Majiyahan 2006, Yusuf Axmed Khayrre uu ahaa Taliyaha Ciidanka Poliska uuna ahaa ninka ciidanka u dirayey, oo uu dagaal dhex maray. Cabdullahi Siciid Samatar oo ay Yusuf isku jifi yihiin isaguna uu ahaa Wasiirka Amniga.

 

 

 

 

 

Labada nin ee aan soo sheegay (Samatar iyo Khayrre) iyo Atam waa laba reer oo wada dega utuna horena ka dhexayn karaan, dhul, nacfi iyo hungurina meesha yaallo. Arrinta saddexda nin waa “Vendetta” ama utin, inkastoo qolo duullaantahay mar walba. Midda kale dhulka riixasho iyo wax la mid ahina way jirtay sida tii laag oo kale.

 

 

 

 

 

Marka ula jeeddada labada nin waa fursad ka faaiidaysi, tan labaadna waxay u muuqata in ay ku guulaysteen madaxweyna in ay ku qanciyaan in wixii ay u sheegaan uu maqlo oo sidaas dani ugu jirto, inkastoo uu ka dhega adaygayey intii hore. Waxa kale oo lola jeeday in madaxweynaha iyo wasiirkale oo ay isugu dhodhowaayeen la iska horkeeno, si lookala dhex galo, laakiin in ay taasi najaxayso mooyi.

 

 

 

 

 

Waxa kale oo jirta in maxkamad loogu magac daray argagixiso la dagaallan oo arrintan uun salka ku haysaa la dhisay, laguna qanciyey madaxweynaha in ay arrintu fududahay. weliba si arrintan loo meel mariyo waxa la horraysiiyey in maxkamadda horta la ansaxiyo ka dibna dagaalka lagu dhaqaaqo, si aaney mucaaradad ula kulmin.

 

 

 

 

 

Sababaha madaxweynaha ku kallifaysa in uu arrintan ku dhaqaaqo waxa ugu weyn afar sababood oo ah:

 

 

 

 

 

1) Wuxuu mucaarada xoog leh kala kulmay labada reerood oo kale oo Maxamuud Saleebaan, marka wuxuu doonayaa inuu u dhega nuglaado oo ay hoggaanka u qabtaan, taasina waa “U turn” ama waa siyaasad beddel.

 

 

2) Bariga Puntland ayaa dagaallo badan oo beelaha Mjeerteen u dhaxaya oo soo noqnoqday, loona caalwaayey intuu joogey faroole. Taasoo ay sii dheertahay Bosaso oo dilka aanada ah oo qoshaysan ku batay.

 

 

3) Wuxuu Quudarraynayaa farole inuu Ethiopia iyo America ka dhaadhiciyo inuu yahay ninka ugu daacadsan Soomaali oo dhan, si ay ugu qancaan in uu sidii Cabdullahi Yusuf Federalka madax looga dhigo marka sharif waqtigu ka dhamaado.

 

 

4) Inta aan sheegay waxa weheliya in la rabo in dadka reer Puntland(**********) loo samayo cadow ay ku mashquulaan, si looga baxo tafaraaruqa ku dhex jira.

 

 

 

 

 

Isku soo wada duuduuboo waxa muuqata in dagaal ka dhacaa Galgala uu yahay mid aan la huri doonin sida ka muuqata inay ka go’antahay saddexda nin, in kastoo ku xigeenku iska dhexboodayo, oo xagga Laascaanod inuu ku noqdo lagala quustay, horaa loo yiri “Ninka hooyadiis qorax u jiidey aayadiis hadh uma jiido”, SSC baa laga waraystaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

Marka la isku soo xooriyo Galgala dagaalkeeda iyo Atam waa iska sadqayn amase “Kebashulfida’, xataa haddii Wersengeli nabad ka keeno arrinka Galgala caawa. Marka wuxuu yidhi: “Nin waliba danbuu leeyahaye haysku daalina e”. Waa ula jeedda badan, waana siiga isku qaris, wuxuuna isku qanciyey in wersengeli aanay wax ay ka xumayn karaa jirin haba yaraatee.

 

 

 

 

 

Khudbadda Faroole waxay ahayd mid reer lagu weerarayey 80%, xataa Cali Xaraare oo eed iyo aflagaaddo aan geed loogu soo gaban uu kula kacay. Waxa kuu muuqanaysa bedel siyaasadeed oo jira, waxana ay salka ku haysaa khilaaf laga dareemay isku xirnaanta beelweynta Wersengeli, marka in laga faaiidaysto ayaa loo arkaa intay taasi jirto.

 

 

 

 

 

Haddii lagu guulaysto arrinkan waa guul oo way “geesiya badantahay”, haddii ay adkaato madaxweynaha ayey dib ugu noqonaysaa, raga barnamijka wadaa shaqa kuma leh oo horaa loo yiri: “guuldarradu waa goblin”.

 

 

 

 

 

Allsanaag.com

 

 

Cumar saciid Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Shirkii Odayaasha ********** uga socday magaalada Ceel Daahir oo ahaa nabadaynta ayaa waxay heleen fariin ka timid Madaxweynaha Puntland oo ah in dulqaadkiii ka dhamaaday sidaas awgeedna ay tahay lagama maarmaan in aan dagaal lagu qaadno, magaalada Galgala.

 

 

Fariintani maaha mid ka timid xakuumad ahaan, hase ahaatee waa mid madaxweyne Faroole doonayo in lagu ogaado wuxuu damacsan yahay oo ah in uu mar hore gaaray go'aan ,kaas oo ah dagaal

 

 

Madaxweynaha oo maalmahan danbe soo buux dhaafiyey ciidan u badan oo ah Beesha uu ka dhashay******teen ee Ciise Maxamuud ayaa aaminsan in qaar ka mid ah Beesha ********** ay ku kaalmayn doonaan dagaal ay ku qaadaan magaalada Galgala.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo ah nin aan ka xishoon qabiilka kuna dhaqmay dhowr mar oo hore oo ay ka mid ahayd Xiligii uu ka sheegtay Magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa markii u horaysay oo ay u tageen qaar ka mid ah Odayaasha ********** waxa ka yaabiyey sida uu u kala qaybinayo Beesha ay ka soo jeedaan.

 

 

"Hadaad tihiin Beesha Dubays oo ********** idinku waxaad tihiin Reer bari waxaynu nahay wax walba hadaanu nahay ********** dad is dhalay, xidid ah degaano ka dhaxeeyo,Cumarka iyagu waa Soomaaliland. sidaa waxa yiri Faroole

 

 

Sheekadan waa mid ay horay ugu guulaysteen xaq jirka SSDF taas oo ahayd Maxamuud Garaad waa Dad aanu deris nahay is dhalnay degaano naga dhaxeeya,hase ahaatee Faarax Garaad waa Soomaalilanad waana sababta ay Lascaanood ilaa hada ku maqan tahay in Beel la kal qaybiyo qaarna la soo dhoweyo inta diidana Shaabad lagu dhufto.

 

 

Ugu danbayntii Faroole oo Dadka intiisa badani aaminsanayeen in uu ahaa mid ka cago jiiday in xalka Galgalan lagu dhameeyo si nabad ah oo dani ugu jirto dhamaan bulshada walaalaha ee Reer Puntaland ayaan la garanayn meesha uu dagaalkan uu iclaamiyey ku danbayn doono waxaanse aan shaki ku jirin in Baaqa u horeeya oo lagu doonayo nabad uu ka soo bixi doono Garoowe iyo meelo badan oo hada raali ka ah duulanka qaawan ee Faroole iyo inta Beel ahaan ula socota

 

 

Allsanaag.com Nabadu waa asaaska nolosha baniaadamka, xaq jirnimaduna waa bur burka nolosha bani aadamka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Bulshada Puntland intooda badani ma doonayaan in dagaal ka dhaco Puntland,hase ahaatee wax jira dhowr kooxood oo raba in dagaal dhaco kuwaas oo kala ah

 

 

1-Aran Jaan

 

 

2-PIS

 

 

3- ********tii Koonfureed oo ahaa kuwii ugu nebcaa jiritaanka Puntland

 

 

Aran Jaan waa koox uu madax u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxayna ka kooban yihiin lix Qof waana Dad aan la dhaqan ahayn Bulshada Puntland intooda kale waxana ka mid ah Wiilkiisa iyo Nin la yiraahdo Ina Shide,lixddan qof waxay ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha ,Aran jaan waxay Puntland ku wada wataan gawaari isku mid ah waana ka caan wadooyinka Puntland shaqadooduna waa wax kasta oo ay lacag kaga heli karaan Puntland in ay sameeyaan iyaga oo haba yaraatee waxba xeerinayn

 

 

1-PIS Ciidankan waxa loogu talo galay markii hore argagixis la dirir hase ahatee sanadahan danbe waxay qayb ka yihiin dagaalka sokeeye ee Soomaaliya iyo aano qabiil,dagaalka Galgalana waa mid aka mid ah falalkii ay sameenayeen sanadahan danbe oo ahaa aano qabiil kooxdan waxa u madax ah Wasiirkii hore ee amniga ee Puntland.

 

 

PIS maaha qura cida ay daba joogtaa Beesha degta Galgala waxa kaloo jira Beelo kale oo sidoo kale loo isticmaalo shaqada PIS aano qabiil waana tan keentay in Ninkii maanta dawlada Puntlad qisastay ay sii ogaayeen beeshiisu sidaas awgeedna ay ku afduubeen labo nin oo ka soo jeeda Beesha ay u badan tahay PIS

 

 

********ka Koonfureed ayaa iyana doonaya dagaalka puntland gaar ahaan kuwii aadka uga soo horjeeday Jiritaanka Puntland iyo Madaxweynihii hore Cabdulaahi Yuusuf ,kooxdan oo dano gaar ah leh waxay maalmahan lagu arkaayey Telafishanada iyo Idaacadaha iyaga oo sheegaya in walaalahood Puntland ay soo weeraratay Argagixiso,waraysigii ugu danbeeyey wuxu ahaa kii Bishan labadeeda ING Yariisow oo hogaamin jiray ururkii ****** Concern Group kaas oo ka soo hor jeeday Dawladii Cabdulaahi Yuusuf isaga oo sheegay in Puntland ay soo weerartay Alshabaab, kooxdan waxa Hogaaminaya wasiirka warfaafinka dawlada KMG ING Yariisow,Wasiirka kaluumaysiga Ibbi,Shariif Xasan intuba waxay sheegeen in ay kala hadleen argagixisada ku soo duushay Puntland madaxweyne Faroole.

 

 

Ugu danbayntii Sadexdan koxood oo duulaanka ku ah Galgala oo dadkeedu aadka u jecel yahiin jiritaanka Puntland iyo deris wanaaga Beelaha walaalaha ah ee reer Puntland ayaa waxay ahaayeen sidoo kale kuwo aad uga soo horjeeday Madaxweynihii jeclaa jiritaanka Puntland iyo in la helo Qaran Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Yuusuf oo ay la galeen dagaal,xiligii Puntland ugu nabada badnayd Beeluhuna ay ahaayeen kuwo garabka is haysta Madaxweynaha hada talada haya Cabdiraxmaan Faroole shirkii Carta oo lagu soo doortay CabdiQaasim in Madaxweyne ka noqdo dawladii KMG xiligaas oo reer Puntland intooda badani ka soo horjeedeen shirkaas iyo agendihiisa ayaa wuxuu ka sheegay madashii shirka in Cabdulaahi Yuusuf yahay Dhiigyo cab sidoo kale Yariisoow wuxu ahaa ninkii hogaaminayey Mudaharaadkii Cabdulaahi Yuusuf la rabay in looga saaro Cisbitaalakii lagu daweenayey,Ninka kale oo ka mid ah Aarn Jaan Ina Shide waa ninkii uu cabdulaahi dagaalka la galay isaga oo ahaa Itixaad,hadaba Shacabka Puntland intooda nabada jecel waa in codkooda la maqlaa si ay ugu hortagaan Ibbi Yariisow iyo Shariif xasan in dagaalada Muqdisho u soo xawilaan Puntland sida ay horay u sheegeen waxa yaraan doonto gor gortanka siyaasadeed ee Reer Puntland

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pirateland in Western Bari including Bosaaso seems to be on its last line near flat lining.

 

 

The SSDF seems to have a ever so growing grudge against Maakhir lets wait and see how their Pirateleader fairs against Maakhir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this