General Duke Posted December 2, 2007 Afhayeenka barlamaanka Somaliya oo sheegay in xaalada amaanka ee dalka Somaliya ay soo hagaageyso Last Updated::2007-12-02 15:45:59 Afhayeenka barlamaanka Somaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa waraysi dheer uu siiyay Xarunta Walta isla markana ay baahisay laanteeda afka Carabiga ayaa waxaa uu ku sheegay--- in xaaladaha amaanka oo soo wanaagsanaaday ay abuureen fursado ku haboon in loo hawl galo sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada asaasiga ah ee dalka Waxaa uu afhayeenku intaa ku daray in si dib u loogu dhiso hay'adihii siyaasada ,bulshada iyo dhaqaalaha ee dalka ay muhuum noqotay in mudnaanta la siiyo xaaladaha amaanka . Waxana uu sheegay in iyada oo amaanka iyo xasiloonidu ay dib ugu soo laabanayaa dalka awgeed ay dawladu bilawday in ay dhisto waaxyihii maamulka ee ku salaysnaa heerarka federalka iyo kan gobaleedyada . Waxa uu afhayeenku intaa raaciyay in shacabka Somaliya uu ku raaxaysanayo amaanka uu haatan dalku ku sugan yahay isla markana uu shacabku ku xaqiijiyay munaasabado kala gedisan in uu dawlada ku garab taagan yahay hawlaha horumarineed ee ay wado . Waxaa uu Sheekh Adan uu sheegay in shacabku Somalidu ay nafta u hurayaan sidii loo hor istaagi lahaa falalka ay wadaan xubnaha mayalka adag ee taageerada ciidan iyo mida qalabka ka helo maamulka Eritrea . Waxaa uu afhayeenka barlamaanku uu sheegay in Ethiopia iyo dalal kale kuwaas oo gar waaqsaday in xasiloonida Somaliya ay tahay xasiloonida afrika iyo caalamka kale ay haatan taageerada muhiimka ah u fidiniyaan shacabka Somaliya kadib markii ay DFKMS ay ka codsatay arrintan ,taariikhduna ay ka dhigi doonto mid waarta weligeed. http://www.waltainfo.com/Archive.aspx?Cat=Arabic Faysal wakaalad HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites