Sign in to follow this  
SOO MAAL

Las-Anod National Peace Park

Recommended Posts

SOO MAAL   

darayga02.jpg

 

Tan iyo Markii uu dhamaaday caleema saarkii taariikhiga ahaa ee lagu caleema saaray 22 bishan garaad jaamac garaad cali garaad jaamac dooxada geeda qarsay oo dhanka koonfureed kaga taala magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood ,ayaa waxaa soo baxaya hadal haynta dhismo beer wayn oo laga dhisi doono halkii lagu caana shubay garaadka guud ee beesha *********** halkaasoo horay iyana loogu caleema saaray Alla hawnaxariistee garaadkii samaha iyo nabada garaad c/qani garaad jaamac garaad cali ,sidoo kale waxaa isna halkaasi lagu caana shubay garaadkii isna xasuusta mahadhada ah ku reebay quluubta umada somaliyeed oo ah garaadka hada aabiihii alla hawnaxariitee garaad cali garaad jaamac garaad cali ...

 

 

Las-Anod National Peace Park waaa xarun loogu tala galay inay ku kulmaan dhamaan isimada somaliyeed meelay joogaanba ,waxaana hada ka socda magaalada laascaanood ururinta qarashka lagu dhisayo xaruntaasi oo lagu beeri doono dhir aad u qurxoon soona jiidan doona indhaha qofkasta oo soo booqda hadii alle idmo Las-Anod National Peace Park..

 

 

 

Sidoo kale waxaa iyana dhaqaale ururin ku jira jaaliyada Gobolada Sool,Sanaag, iyo Cayn(buuhoodlle) oo aad iyagu udanaynaya inay hirgasho xaruntaa caalamiga ahi ..

 

Dhismaha xaruntan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa uu ka danbeeyey balan qaadkii uu garaadka guud ee beesha dhulbahnate Garaad jaamac garaad cali uu balan qaaday in uu danaynayo inay shir isugu yimaadaan dhamaan madax dhaqameedka umada somaliyeed meelay joogaanba kulankaasoo uu ka dalbaday bulshada Sool,Sanaag iyo cayn inay marti galiyaan iyagu ..

 

ISku soo duuboo dhismaha xaruntan caalamiga ah ayaa noqon doona wax qabad taariikhi ah oo usoo hoyday bulsha waynta SScayn ,

 

Mid kamid ah dhalinyarad Sports ka magaalada laascaanood oo wax laga waydiiyey sida uu u arko dhismaha Las-Anod National Peace Park ayaa waxaa uu yidhi(Caleema Saraakii garaad jaamac garaad cali waxaa isu soo dhoweeyey dad ka quluubtoodii ilaahay waxaanu ka baryaynaa in dhismaha xaruntani sidii oo kale isugu kaaya sii dhoweeyo ) ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada magaalada laascaanood ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this