Sign in to follow this  
Cowke

80 People Graduate From East Africa University. (Pics)

Recommended Posts

Cowke   

Arday ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.(Daawomasawirada)

Posted to the Web May 26, 20:06

 

 

Boosaaso:-Arday gaaraysa ilaa 80 Arday oo ka qalinjebisay Jamaacadda Bariga Africa Xarunteeda magaalada Bossaso Munaasabad Balaarana Loogu Dhigay Xarunta Jaamacadda ee Bossaso.‏

 

 

Xaflad aad u baalaran oo ay ku qalin jebiyeen arday gaaraysa 80 arday oo kulliyado kala duwan ka baxay ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Aafrica (EAU) ee Magaalada Bossaso, xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay Boqolaal kamid ah Ardayda Jaamacadda, Maamulka guud ee Jaamacadda, Ganacsato, Aqoonyahano iyo Culimo udiin.

 

Munaasabbadda ayaa waxa ay ahayd mid aad loo soo agaasimay waxaana soo agaasimay Ardayda maanta qalinjebinaysay sidoo kale munaasabadan ayaa waxaa gacanweyn ka gaysatay Sirkadda Beder Stationery ee samaysa qalabka waxbarashada iyadoo bixisay qaar kamid ah agabyada xafladda maanta sidoo kalena waxaa madasha la keenay ogaysiis muujinaaya in shrkadaasi ay furtay xarun cusub.

 

Ardayda Ka qalinjebisay Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda Bossaso ayaa waxa ay soo barteen Kulliyadaha Camputer science (BCS), Bussines Adminitration (BBA), iyo Shareecadda, ardaydan ayaa isugu jiray wiilal iyo Gabdho waxaana lagu tilmaamay ardaydii ugu tirada badnayd ee hal wakhti ka qalinjebisa Jaamacadda Bariga Afrikca xarunteeda Bossaso.

 

Guddoomiy kuxigeenka Jaamacadda C/qaadir Siciid Shiino oo xafladda furay ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ardayda maanta qalinjebinaysa isaga oo kula dar daarmay in ay sii wadaan waxbarashada xilligakana ay joo gaan meel wanaagsan hase yeeshee lo baahan yahay in aanay intaasi uga harin, C/qaadir Shiino ayaa ku booriyey ardayda maanta qalinjebisay in ay dadaal dheeraad ah muujiyaan maadaama ay yihiin kuwii berri waddanka u talin lahaa.

 

Xubno badan oo ku hadlay afafka ganacsatada, aqoonyahanada iyo ardayda ayaa waxa ay dhamaantood ku dheeradeen muhiimadda ay leedahay wax bara shada gudaha Waddanka iyaga oo ardayda Soomaaliyeed ku booriyey in ay la yimaadaan dadaal ku aadan waxbarashada taalla Waddankooda hooyo.

 

Ardayda Maanta ka qalinjeibsiay Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxa ay jaai sooyin u qaybiyeen dhamaan Macalimiinta Jaamaca iyo maamulka guud ee Jaamacadda taasi oo ku tilmaameen in ay kumacasalamaynaayaan macalimiin toodii, halku dhigga xafladda maanta ayaa waxa uu ahaa (Midowga Ardayda iyo Sagootinta Jaamacadda).

 

Ugu dambayntiina Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Maxamed Cabdi Aadan ayaa waxa uu munaasabadda kusoo xiray waano iyo dhiirigelin uu usoo jeediyey ardayda maanta qalanjebisay iyo kuwa kale ee hadda waxbarashada wada iyo sidoo kale dhamaanba ardayda Soomaaliyeed, Guddoomiye Maxamed Cabdi Aadan ayaa waxa uu ugu baaqay ardayda maanta qalinjebisay in ay sii wadaan waxbarashada eeyana isu malayn in ay dhameeyeen waxbarashadii isaga oo sidoo kale ugu baaqay in ay ilaaliyaan Magaca Jaamacadda meel kasta oo ay tagaan.

 

"Waxaan maanta siweyn ugu faraxsanahy muaasabddan qaalliga ah ee ay ardayda 80-ka gaaraysa ku qalinjeisay, waxaana kula dar daarmaayaa in ay sii wadaan waxbarashada meel kasta oo ay tagaan, sidoo kalena ilaaliyaan Magaca Jaamacadda, sidoo kalena ardayda kale ee dhigta Jaamacadda iyo kuwa aan dhinaba waxaan ku boorinyaa inay ku dadaalaan waxbarashada", ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Maxamed Cabdi Aadan.

 

Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlaayey waxbarashada Jaamacadda iyo farqiga u dhexaaya waxbarashada dibadda iyo tan gudaha ayaa waxa uu sheegay in Jaamacadda Bariga Africa lagu barto waxbarasho tayeysan kana wanaagsan tan dibadda hase yeeshee ay dadku jecel yihiin tan dibadda taasina ay keentay kalsooni darrada lagu qabo dalka iyo wax laga helo gudaha Waddanka.

 

Tirada Ardayda Maanta ka qalinjebisay Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxa ay tahay tii ugu badnayd ee hal wakhti ka qalinjebisa Jaamacadda waxaana lagu tilmaamay mid muujinaysa hor u marka ay waddo Jaamacaddu.

 

Cismaan Saalax Ismaaciil

Cis_ma@hotmail.com

Bossaso Puntland Somalia

 

 

q10.jpg

 

q5.jpg

 

q6.jpg

 

q13.jpg

 

q16.jpg

 

q24.jpg

 

q26.jpg

 

q18.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Iskuulo cusub oo xariga laga jarey

 

11 May 11, 2010 - 12:14:49 PM

 

Hey'adda Misco oo ka mid ah hey'adaha la shaqeeya Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland kana shaqeeya horumarinta waxbarashada ayaa maantey waxey xariga ka jartey dhowr iskuulo hay' addu ka dhistey deegaano ka mid ah Gobolka Nugaal, sida Degmada Dongoroyo iyo Sunijiif.

 

Xafladaan xarig-jarista oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka socda Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dowlada Puntland iyo Hey'adda USAID ayay hey'adda Misco ka sheegtay in labo (2) iskuul laga dhisay Dangoroyo, hal (1) iskuul laga dhisay Sunijiif iyo mid ka mid ah iskuulada ku yaala Magaalada Garowe oo dhisme ka kooban ilaa afar fasal lagu kordhiyay.

 

Mas'uuliyiin ka socdey Hey'adda Mercy Corps & Wasaarada Waxbarashada ayaa ka qeyb-galey xafladaha loo sameeyey iskuulada la dhameystirey dhismahooda ee xariga laga jarey, waxeyna ku qabsoomeen xafladuhu xarumaha iskuuladu ay laga yagleeley ee magaalooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Suna-jiif oo kuli ka wada tirsan Gobolka Nugaal ee Puntland.

 

Warbixintii Madaxa Hey'adda Misco

 

Madaxa Hey'adda Mercy Corps Cabduqaadir Maxamed oo ka waramey mashruuca hay'addiisu fulisey ayuu sheegey in 30 iskuul hay'addu ay Dhisme iyo Dayactir ku sameysay gudaha Puntland.

 

Wuxuu ku daray in 23 ka mid ah iskuuladaasi la dhameystirey oo hadda ay shaqeynayaan, iyadoo hey'addu u tababartey 210-Macalin, islamarkaana ay qalabeysay oo ay dhigtey 1220 kursi oo ah kuwa ardeyda ay ku fariistaan.

 

Sidoo kale Hey'adda waxa ay ardeyda ugu deeqdey qalabka wax lagu barto oo isugu buugaag iyo boorsooyinka dhabarka lagu xirto ee ardayda ay ku xafitaan agabkooda waxbarasho.

 

Madaxa Hey'adda Mercy Corps Md. C/qadir Maxamad wuxuu yiri: "Tiro dhan sodon 30-iskuul ayaa Puntland hey'addu ay ka fulisey dhismahooda iyo dayactirkooda. Meelaha aanu ka dhisney waa Gobolada Mudug, Nugaal iyo Karkaar. Gobolka Nugaal 10-iskuul ayaa Hey'addu ugu galo gashey mashruucan.

 

Gobolka Mudug 10-iskuul ayaan isna ka bilowney howshooda, halka Gobolka Karkaar 10-iskuul ayey Hey'addu ugu talo gashey."

 

Md. C/qadir Maxamad wuxuu kaloo sheegay in dhamaan Iskuuladaasi intooda badan howshoodii ay soo gabagabowdey, balse 7-iskuul ayaa wali dhiman oo wali shaqo ku socotaa, siduu hadalka u dhigay.

 

Hadalkii Wasiirku xigeenka Waxbarashada

 

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland Cabdulaahi Axmed (Gamuute) oo goobta xafladu ka dhaceysay kula hadley ardeyda loogu dhigayo iskuuladaan ayaa u sheegey in ay ku dadaalaan waxbarashada madaama iyaga dartood dadaalkan la xiriira dhisida iskuulada uu ku yimid.

 

Wasiirku waxa uu intaa ku darey in howshan ay qabatey Hey'adda Mercy Corps ay ku timid dadaal dheeriya oo Wasaaradu ku garab siisey horumarka waxbarashada gobollada Puntland.

 

Wasiir xigeenka Waxbarashada Puntland Md. Gamuute wuxuu tusaale usoo qaatey dadaaladii horey Wasaaradu qeybo ka mid ah ardeyda Puntland ugu dirtey Waxbarasho dibada, taasi oo uu ku tilmaamey mid faa'iido ah.

 

Hey'adda Misco waxey wada shaqeyn rasmiya leeyihiin Wasaarada Waxbarashada waxaana Puntland ay ka bilowdey mashruuca dhismaha iskulada sanadkii 2009kii, iyadoo masuuliyiinta Hey'addu sheegeen in Deeqda ay usoo marto Hay'adda USAID.

 

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyey talaabadani hor'umarka ah iyadoo sidoo kale looga fadhiyo Dowladda Puntland iyo hey'adda samafalka inay wax badan ka qabtaan dhanka arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gaalkacyo: Iskuulka RPS Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Ardey Ka Qalin Jabisay Maadooyin Kala Duwan (Sawiro).

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Iskuulka Ramadaan Private School ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardey farabadan kuwaasi oo dhameystay maadooyin kala gedisan oo iskuulkaasi laga barto.

 

Munaasabada shahaadooyinka lagu bixinayey ayaa ka dhacdey hoolka shirarka ee Dugsiga sare ee Cumar Samatar, halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug, Isu-duwaha Caafimaadka gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka, Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo, maamulka iyo macalimiinta Iskuulka RPS, iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ka hadley xaflada shahaado bixinta ah waxa uuna mahad celin u jeediyey maamulka iyo macalimiinta iskuulka RPS, isaga oo sheegay in ay soo saareen dad badan oo tacliin leh, isla markaana ku bogaadiyey in ay sii wadaan dadaalka dheer ee ay u galaan in ay jahliga ka saaraan shacabkooda, ardeyda shahaadada qaadaneysana waxaa uu Duqa Degmadu ku dhiiri galiyey in ay ka miro dhaliyaan dadaalkoodii waxbarasho.

 

Maamulaha Ramadaan Private School Maxamuud Xasan Dhooye ayaa marti sharafta soo xaadirtay xaflada uga mahad celiyay waqtiga ay u soo hureen in ay ka qeyb qaataan munaasabada, waxaa uuna intaa kadib si guud uga waramay waxqabadka iskuulka RPS, isaga oo sheegay in maanta uu Alle u saamaxay dadaal dheer kadib in ay shahaadooyin siiyaan ardey badan oo dhameysatay maadooyinka caafimaadka iyo barashada Computerka.

 

Inta badan mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay madasha ayaa jeediyey hadalo u badan dhiiri galin ku aadan waxbarashada ardeyda iyo dadaalka macalimiinta, waxaana intaa kadib laguda galay bixinta shahaadooyinka ardeyda dhameysatay maadooyinka aan soo sheegnay, waxana shahaadada bixiyey Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug Bashiir Maxamed, Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka gobolka Mudug C/naasir Sh, Ibraahim iyo Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud, waxaana xaflada shahaado bixinta ee uu soo abaabulay maamulka dugsiga RPS ay ku soo gaba gabowday jewi wanaagsan.

 

 

RBC Radio.

 

619-300x225.jpg

 

712.jpg

 

428.jpg

 

135.jpg

 

326.jpg

 

229.jpg

 

521.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this