Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed the Qad merchant split opposition good news for governance

Recommended Posts

Asmara oo Qardajeex Lagaga Dhawaaqayo

Monday, 21 July 2008 23:13 Editor

Maglaalada Asmara oo ay ku harsanaayeen xubno ka tirsan Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa ku dhawaaqay in xilka ka qaadi doonaan labadii gudoomiye ee ururka Isbahaysiga iyadoo ku dooday inay dastuurkii ururka jabiyeen taasoo fajiciso ku noqotay wax garad badan halka kuwa kalena ku doodeen inay tahay habdhaqankii Jabahada laga dhaxlay iyo hawl ay wax ka karinayso dawladda ay xubnahaasi martida u yihiin.

Shirka Jabuuti ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin 109 xubnod oo ah tirada kooramka labaad hadiii tan hore oo laba meelood ah la waayo, taasoo ka dhigaysa in inta Asmara joogtaahi ay ka yar tahay markii 100 qofood halka wararka qaarna sheegayaan inay sodomeeyo yihiin.

Hadaba si xilka looga qaado labada Shariif, qiyaanana loogu soo eedeeyo waxaa loo baahan yahay sida dastuurka Isbahaysiga ku qoran inay taa ansixyaan 3meelood laba meel oo ka dhigan boqol iyo labatan iyo dhawr xubnood, taasoo sida cad aan Asmara joogin.

Hadaba sida muqata waxaa la samayn doonaa qardajeex iyo dastuurka la garab marayo iyadoo lagu doodayo in xaqa la haysto lana bedelo wixii lagu heshiiyey iyado welibin ala hayo xubno aan joogin oo wakiil laga yahay codayntooda!

Dhaqankan ayaa ka tarjumauya sida aan inta badan Soomalidu sharci ugu hogaasamin ama u ixtiraamin isla markaana raggii ku dooday in dasturkii la jabiyey ay iyagii garab marayaan. Wax la fishaa waa in xubno aan kooram dhamayn inay la jiifiyaana bannaan lasoo baxaan oo madax cusubna ku dhawaaqaan taasoo ah midda kaliya ee ay culayska saaraan uga jawaabi karaan, dalka ay martida u yihiinna weli kaarka Soomalaida dhinac kaga haysan karo.

Sida ka muuqatay waraysida ay bogagga qaar kasoo qaadeen xunbanaha ku sugan Asmara waxayba ku faraxsanaayeen oo alle kaga xamdiyeen in heshiiskii Yemen shaqayn waayay, illayn ma sahlana in heshiska Isbahasiga intiisa badan qaatay la aqbalo isla markaana Asmata lasii jooga'e

Horey ayaa faallo boggan loogu qoray lagu xusay inay culus taay in heshiis Yemen lagu gaaro ama uu hir galo wixii kasoo baxa, balse waxa ugu haboon ay tahay in madaxda ururku gudaha ku laabtaan si ay uga xoroobaan saamaynta kaga imaanaysa dawaladaha ay la joogaan ee siyaasadda Soomaaliya danahooda u adeegsanaya.

Waxaan muqatay inay adag tahay in ragga Asmara ku sugan sii joogaan halkaasi iyadoo ogolaanaya ama u cag dhigaya heshiiska Jabuuti lagu gaaray xattaa inta ka yar boqolka maalin ee ka hartay mar haddii aysan taas aqbali karin dowladda ay martida u yihiin

Share this post

Link to post
Share on other sites

Afwarke iyo Oday Daahir Aweys oo Asmra kusoo haray {Cida Diidan nabadda oo noqotay Odayga iyo Ninkii ku caan baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Indhacadde}.

Iyadoo horayba loo ogaa in xubnaha isbahaysiga Asmara oo dhami ay ay wada taageereen heshiiskii dowladda iyo dhinocooda ku dhex maray Jabuuti,cida diidana ay ahaayeen 14 ruux oo uu horkacayay Oday daahir aweys ayaa hada waxaa Soomaalida usoo hoyatay guul weyn kadib markii xubnaha oo dhami ay si cad u sheegeen in ay teegaarayaan wixii jabuuti lagula heshiiyay 9-kii June.

Dhanka kale waxaa xumkuumada Asmara meel mar u noqon waayay barnaamij ay dhawaanahan waday oo ku aadanaa in la qabto kulan xilalka looga xayuubbinayo labada shariif,waxaase Alle mahadii ay taasi noqotay DHAAN DABAGAALLE GUNTIIS LA GAARI WAAYAY

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this