Sign in to follow this  
General Duke

New York: President Yusuf opposition have no militarry power

Recommended Posts

Muqdisho waxaa nagula dagaalamaya waa Ciyaal"

18 Apr 18, 2008 - 7:44:02 AM

 

DHAGEYSO

 

Madaxweynaha DF Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Wareysi siiyay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga siiyey maanta [19 April,2008] ayaa ka hadlay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia iyo sida ay wax uga qabatay Dowladdiisa.

 

Yuusuf, ayaa ugu horreyn la weydiiyay sida uu yahay caafimaadkiisa, wuxuuna sheegay in uu haatan wanaagsan yahay, isagoo sheegay inuu ku dhacay cudurka qaar-jeexa caafimaad ahaanna loo geeyay magaalada Lodon, si wanaagsanna loo daweeyay.

 

Su'aashii Labaad ee la weydiiyay ayaa waxay ahayd; Madaxweyne sida aan la soconno xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho way ka sii daraysaa, haddaad tihiin DFKMG ah ma u caalweydeen inaad xasilisaan Muqdisho?

 

"Maya... Muqdisho ma aana xasilin wayne; dadka nala dagaalamaya waa dad ciyaal ah laguna magacaabo Al-shabaab; oo aan waxba maqlayn, waxna garanayn, tacliinna lahayn oo lagu iibsado shilimaad yaryar oo ay mucaaraadku iibsadaan, Magaalada weyn dhexdeedana waaye meesha ay ku dagalamayan; markii haddii aan damacno inaan muquuninno maalin baan ku dhameyn karnaa; shacabkaan u turaynaa, shacabka innagoo ku dhex jirna kulama dagaalami karno ciyaal xunxun oo midba meel kaligii marayo kulamana dagaalami karno hub culculus iyo ciidan badan, u turidda aan shacabka u turayno ayay ku sii ciririqayaan"

 

Su'aashii saddexaad ee la weydiiyay ayaa waxay ahayd: Madaxweyne kooxda aad ka dhawaajisay ee idinla dagalaamaya waxay qaybsadeen Magaalooyin oo ay markiiba ka baxaan; marka ma u muuqataa in la idinku soo siqayo oo la idinku soo dhawaanayo?

 

"Awood hadeer nagu soo siqaysa nimanku ma lahan; balse ujeedadooda waa barobogaando waanu joognaa ee na ogaada, waxay ku dagaalamayaanna waa qaabkii gorrilaha [ku dhufo oo ka dhaqaaq] waxna laguma qabsado, waxay uga jeedaan inay dalka qasaan oo ay amnidarro ay ka muuqato oo adduunku yiraahdo meesha qas baa ka jira, ee awood ay wax ku qabsadaan kuma jirto nimanka"

 

Su'aashii Afaraad ayaa waxay ahayd, Madaxweyne horay waxaad u sheegtay inaad xilka iska wareejinayso haddii aad ku guuldarreysato inaad wax qabato arrimaha Somalia, marka xilligaan la joogo ma yahay xilligii aad is lahayd alaylehe inaad xilka iska dhiibto way fiican tahay?

 

"Maya... weli adeer... weli ma quusan, dadka waxaan ahay ku adag waxay aamisan yihiin, nin mabda'a ku shaqeynaya oo mabda' ku socda oo wuxuu aaminsan yahay ku adag baan ahay, welina ma quusan, waagaan quusto hala gaaro, haddii aan quusto anigaanba joogayn"

 

Su'aashii Shanaad ee la weydiiyo ayaa waxay ahayd iyaduna: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf maxaad is leedahay waad kusoo biirisay ama kusoo kordhisay Somalia?

 

"Wax badan baan ku soo kordhiyay, waayo dowladdaan Madaxweynaha ka ahay waxay kasoo baxday shir dib u heshiisiin ah oo Kenya ka socday muddo 2-sano ah, labadaa sano Kenyan ku ekeyn; Somaliana wax awood ahna kuma lahayn, mana daganayn mana joogin, markii Dowladda la dhisay ayaan gudaha u guurnay, bilowgiina way noo suurogeli waday inaan dowladda Muqdisho geyno, waayo waxaa jiray dhibaatooyin culus oo aan laga gudbi karin oo markaas haddii ay dowladdu tagi lahayd Muqdisho aanu aaminsannahay waa la majaaxbin lahaa, waana ogotahay markii ay Dowladdu Jowhar joogtay ee haddana ay Baydhabo u guurtay ujeedadeedu inay ahayd yaan dowladda la curyaamin ee Dowladdu ha isku soo dhisto gobollada iyadoo dhisan oo awood leh oo awood haku tagto Muqdisho, intaanu howshaas ku jirnay oo dowladda aan awood u yeelaynay wixii Muqdisho ka dhacay waad ogtahay, dagal ogayaashii iyo nimankii Maxkamadaha la baxay dagaalkii xoogganaa ee dhexmaray waad ogtahay, in hoggaamiyeyaashii dagaallada laga adkaadayna waad ogtahay, annagu dagaalka ma doonayn oo war hala joojiyo ayaan lahayn; haddeyse joojin waayeen oo dagaal-oogayaashii laga adkaaday, ee halkaan laba cadow la dagaali lahayn mid uun baan soo haray, kii kale xitaa waxaa isku daynay iyadoo aan la dagaalami nin wadahadal wax lagu dhameeyo; waa tii Khartuum saddex jeer lagu shiray, aakhirkii Maxkamadihii baad diiday in nabad wax lagu dhameeyo, deeto iyagii nagu soo duulay; haddii ay nagu soo duuleen, waan is difaacnay, awood baanna Muqdisho ku tagtay; waana joognaa hadeer, taasi waa wax qabad weyn".

 

Garowe Online + VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

He forgets Xabashis have already flattened Muqdisho( a city which was already flattened) with heavt artillery. Thousands have left Muqdisho and consequently it's almost empty.

 

Yet he speaks as if there hasn't been any real engagements in Muqdisho. That is to say: " yeah, we fired a few AK47s at the ciyaal, but we don't hit them hard since we care for the shacab of Muqdisho".

 

And yet this the man that said " the grass gets hurt when two elephants clash". Alow ha na cebeyn! Muqdisho ba dagaal baa u hadhay mise Xabashis have been cautious as to where they fire?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this