Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: clan leaders from the Juba's reach agreement

Recommended Posts

Muqdisho: Isimada Beelaha wada daga gobalada Jubooyinka oo galabta soo xiraya wada hadalo mudo dheer usocdey.

30. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa mudo dheer ka socdey wada hadalo ay leeyihiin beelaha wada daga gobalada Jubooyinka gaar ahaan beelaha sida gaarka ah udagen magaalada Kismaayo.

 

Wada hadaladan oo bilowday markii lasoo xiray Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ayaa sida wararku sheegayaan galabta lasoo afmeerayaa ayadoo lafilayo in ay ka soo baxaan qodobo ay wada gaareen beelahaasi.

 

Waxyaabaha sida weyn ay uga wada hadlayeen waxgaradka isku yimid waxaa ka mid ahaa xaalada magaalada Kismaayo sidii wax looga qaban lahaa ,sidii loo dhameyn lahaa khilaafka udhaxeeya beelaha wada daga gobalkaasi Jubada Hoose iyo in Magaalada Kismaayo gacanta dowlada Soomaaliya dib loogu celiyo ayadoo qodobadaasina laysku raacay.

 

Mid ka mid ah Waxgaradkii ka qeybgaleysa shirkaasi oo lugu magacaabo Suldaan Maxamed Jaamac ayaa AllPuntland usheegay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray shirkaasi isagoo beeniyay in beelaha sida gaar loo dhexdhaxaadinaya mid ka mid ah wada hadalada diiday.

 

Suldaan Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro colaadaha gobalada Jubooyinka oo mudo soo taxnaa ,isagoo sidoo kale sheegay in ay dowlada Faderaalka ee Soomaaliyana howshan fulinteeda door lixaad leh ka qaadaneyso.

 

Shirkan oo socdey bishii ugu danbeysay ayaa marar badan waxaa dhacdey in ay is qabtaan beelaha wax isku sheeganaya ayadoo qeyb weyn ay ka qaateen Isfaham siinta beelaha waxgaradkii kasoo tagey dowlad gobaleedka Puntland ee utagey Muqdisho wada hadaladii beelaha Soomaalida loogu soo xiray Caasumada labo bil ka hor.

 

Waxyaabaha dadka dega magaalada Kismaayo isku hayaan waxaa la rumeysan yahay in ay tahay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo oo ah magaalo Deked leh isla markaana mid ka mid ah beelahaasi ay Xukumeysay mudo sanooyin ah ,balse gacantooda ka baxday markii Maxkamadihii Muqdisho halkaasi gaareen ayagoo 23-kii Sannadkana gacantooda dib ugu laabtay.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir laga hadalayey arimaha magaalada Kismaayo oo lagu wado in galabta uu soo afjarmo

 

Muqdisho (WNT)-Shirkaan oo soo socday tan bartamihii bishii aynu soo dhaafnay ee August ayaa lagaga hadlayey sidii xal looga gaari lahaa arinta cakiran ee magaalada Kismaayo,oo iyadu mudadii ugu danbaysay ka maqnay gacanta dawlada FS.

 

Arintaan ayaa waxaa ka wada halayey odayaasha iyo isimada beelaha wada dega gobolka Jubbada Hoose, iyadoo qorshuhu ahaa in meel lays la dhigo khilaafka ka jira magaalada Kismaayo.

 

Shirkaan oo marxallado kala duwan soo maray ayaa ilo ku dhaw dhaw waxay sheegayaa in dhinacyadii wada halayey arinta isla soo dhirin dhiriyeen meelna wax isla dhigeen walow aan weli si rasmi ah weli loo shaacin qodobada laysku afgartay.

 

Xaallada Magaalada Kismaato oo ahayd mid cakiran tan iyo 10 sano ee ugu danbeeyey ayna ka dheceen barakicii ugu xumaa ayaa arintan hadda taagan waxaa ay timid ka dib markii malayshiyaad hubaysan oo taageersan isbahaysigii dooxada Jubba iyo ciidamo dawlada u taba baraa oo ay isku beel yihiin weerar lama filaan ah ku qabsadeen magaalada oo ay ka saareen maamulkii halkaas laga unkay iyo isla ciidan kale oo dawladu FS oo ay lahayd oo hogaaminey C/risaaq Afgaduud 23/04/2007.

 

Dhacdaan ayaa keentay inay halkaas ku khilaafkaas ay ku naf waayaan in ka badan 100 ruux, ayna ku dhaawacmaan tiro intas ka badan, waxaana weli magaalada gacanta ku haya kooxahaas.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this