Sign in to follow this  
General Duke

Major news: PM in Uganda +relocation to Somalia

Recommended Posts

Kambala: Ra’iusul Wasaare Geeddi Iyo Yuweri Musaveni Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Soomaaliya Iyo Ciidamada Imaanaya Dalka

- Saturday, June 11, 2005 at 16:03

 

Kambala (AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda federaalka kmg ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo socdaal ku tegay magaalada kampala ee dalka Ugandha ayaa kula kulmay halkaasi Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni iyagoo ka wada hadlay arimaha dalka Soomaaliya.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid ay ugu wada hadlayeen arimo dhowr ah gaar ahaan ciidamada shisheeye ee kusoo jeeda dalka Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karto dowladda Ugandha ee Madaxweyne Yuweri Musaveni, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay Madaxweyne Musaveni baahida xukuumada Soomaaliya ay u qabto helitaanka ciidamo nabad ilaalin ah oo dalka ka howlgala.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugandan president meets Somali PM over peace process

- Saturday, June 11, 2005 at 14:22

 

Ugandan President Yoweri Museveni on Friday afternoon held a meeting with Somali transitional government Prime Minister Ali Mohammed Gedi in Kampala, reported Radio Uganda.

 

"The president and the Somali premier discussed matters concerning the ongoing peace process and restoration of the Somali nation in which Uganda is playing a major role," the Ugandan government radio said.

 

"Premier Gedi expressed gratitude to President Museveni for the effort he is in putting in the peace process. He assured him of the transitional government's commitment to the rebuilding of Somalia," the radio added.

 

Gedi came to Uganda to discuss the Somali process with Museveni, who is also chairman of the Inter-Governmental Authority on Development before foreign minister of the seven-member group meetin Kenya on Sunday to endorse the Somali interim government's new relocation plan.

 

According to a report reaching here on Friday, the east Africa regional ministers will discuss issues of finances, deployment of peacekeeping forces, and security situation in Mogadishu, capital of Somalia.

 

The Somali transitional government was established in Kenya last year.

 

Somalia has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Igad Oo Beri Ka Shiraya Arimaha Soomaaliya

- Saturday, June 11, 2005 at 16:02

 

Nairobi (AllPuntland)- Waxaa la filayaa in maalinta beri ay kulan isugu yimaadaan Wasiirada Arimaha Dibada ee dalalka IGAD, kulankaasi oo ka dhici doono magaalada Nayroobi ee dalka kenya.

 

Kulanka wasiirada arimaha dibada ee dalalka IGAD ayaa qodobka ugu muhiimsan kaga hadli doona arimaha Soomaaliya gaar ahaan ciidamada la qorsheeyay in loo soo diro dalka Soomaaliya xiliga ay ay ku beegan yihiin, dhaqaalaha ciidamadaasi ku baxaya iyo cutubyada koowaad halka ay saldhigayaan.

 

Wasiirada ayaa waxaa la filayaa in ay go’aamiyaan xiliga ay ku soo beegan yihiin ciidamadaasi oo ka kala imaanaya dalalka Suudaan iyo Ugandha waxaana la filayaa in ay wejiga koowaad ka qeyb qaataan sugida amaanka iyo xasilinta caasimada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Duke

 

please do continue and make us laugh with your Riwaayad :D:D am just rolling with laughter at you futile attempt to change carbon manoxide into oxygen and try and fool the world that the TNG2 is still breathing, hehehehehe.

 

 

i shouldnt laugh at ina yey predicament but i cant help it, waar puntoland iska joog lahaydaa not chance of even that now :D:D:D

 

 

sweat dreams to all the shoe carriers and wet dream manufactures :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It gets better bro, oh I guess you have been recognised since our last exchange?? :D Give it up son with the troubles looming in your phantom republic you should tread carefully when you are here amongst the informed.. ;)

 

Dowladda Ugandha oo balanqaad u sameysay Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi

 

Nairobi-11.June.2005 Ra’isul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi oo safar kedis ah ku tagay magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa lagu waramayaa inuu la kulmey madaxweynaha dalka Yugandha Yuweeri Musafeeni oo ah xilligan madaxa Urur goboleedka IGAD.

 

Madaxweynaha Ugandha ayaa waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay dalkiisa inuu ka qeybqaato xasilinta Soomaaliya, iyadoo aanu lagu xadgudbeyn madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Ugandha.

 

Ra’salwasaare Cali Maxe’d Geeddi ayaa wuxuu sheegay inuu ka doonayo dowladda Ugandha iyo Suudaan ciidamo nabad ilaalineed oo sugida amaanka iyo hub ka dhigista Soomaaliya ka qeybqaata wajiga koowaad, iyadoo wajiga labaad la doonayo in tirada ciidamada la kordhiyo, waxaana la qorsheynayaa in dalal kale oo Afrikaan iyo kuwa Carbeed ay ka qeybqaataan howlaha rajo soo celinta Soomaaliya.

 

Cali Max’ed Geeddi ayaa madaxda dowladda Yugandha kala hadlay arrinta ciidamada, waxa uuna ka codsaday dowladda Yugandha in ciidamada ay diyaarisay si deg deg ah u geyso Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlaha nabadgelyada iyo ilaalinta dowladda.

 

ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Ugandha ay kala saxiixdeen labo dukuminti oo aan la shaacin waxyaabaha ay ku qornaayeen, iyadoo dowladda Ugandha ay balan qaad rasmi ah u sameysay Ra’isalwasaare Geedi oo ku saabsan in xukuumadiisa laga saacidayo howlaha dhinaca amaanka.

 

Cali Cabdi Cali(Suxeyfa)

SBC Monitoring-Muqdisho

alisuheifa@hotmail.com

alisuheifa@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this