General Duke Posted March 27, 2005 Sh. Aadan Madoobe†Ma aha mid aan aqbalayo in H/gidir qabsato magaalada Baydhabo,waxaa hubaa in jawaab adag la kulmi doona Indha cadde†Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in xubno ka socda Labada gole ee Dowladda KMG ah ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool inay ku sii jeeden magaalada Xudur ee gobolka bakool. Go’aankan ayaa waxaa uu ka soo baxay kulan gaar ah oo galabta Nairobi ku dhex maray Wasiirka Beeraha Shaatigauud, Wasiirka Garsoorka Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale ayaa la isku racay in wafdi loo diro Bakool si ay u abaabulaan dagaal lagu qaadayo magaalada Baydhabo. “Dagaalka ka dhacay Baydhabo waxaa ka dambeeya Indha cadde'' ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo kulankaas kadib la hadlayay wariyaasha,wuxuna ugu baaqay dadka xamar Carruurtooda u soo diray Baydhabo inay Carruutooda kala baxaan haddii kale meydkooda laga soo qaadi doona Baydhabo. Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay inaysan jirin wax dhexdhexaadin ah oo ay la galayaan Xaabsade iyo Indha Cadde, wuxuuna sheegay inay berito ka soo degi doonan Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites