Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Odayaal ka shiray xanibaadda lagu soo rogay garoonka iyo Dekeda Kismaayo

Recommended Posts

Waxaa shir ugu soo gabogaboobay magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose Odayaal dhaqameed gaadhaya 100 Oday kuwaas oo si wayn uga xumaaday xanibaadda lagu soo rogay garoonka iyo Dekeda magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose taas oo wax yeeli karta dhaqdhaqaaqii ganacsi ee halkaasi ka socday.

 

Arintan auaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo iyagoo u qabtay Odayaal dhaqameedka aqoon iswaydaarsi lagaga hadlayo arinta xanibaadda ah ee lagu soo rogay garoomada aysan maamulin Dawlada KMG ah ee Somalia ayna maamulaan Islaamiyiinta gacanta ku haya inta badan koonfurta Dalka Somalia.

 

Odayaal dhaqameedkan ayaa waxa ay ku tilmaameen inay arintan ay Q.M iyo IGAD ay kusoo rogeen garoomada iyo Dekada wadanka Somalia gaar ahaana kuwa ay maamusho Islaamiyiinta ay tahay arin aan sharci ahayn iyagoo ku tilmaamay inaysan waxba u dhimayn magaalada Kismaayo ee ay tahay khalad ay ku kaceen.

 

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen in Q.M iyo IGAD ay ka qaadaan xanibaadan ay saareen shacabka Soomaaliyeed ayna dib u furaan garoomada iyo Dekedaha iyagoo sheegay in xanibaada hadda saaran magaalada Kismaayo aysan ahayn mid la tabi doono waxna udhimaysa geedi socodkii ganacsiga ee halkaasi ka socday.

 

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kamid yahay magaalooyinka ay ka taliyaan Islaamiyiinta ay beesha caalamku il gaar ah ku eegayso iyadoo la kulantay xanibaadii ku dhacday garoomada iyo Dekadaha inta badan koonfurta Dalka Somalia iyadoo sidoo kale arinkani ay shalay ka hadleen Islaamiyiinta halkaasi ka arimiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this