General Duke Posted October 15, 2010 Ximin iyo Xeeb oo lagala wareegay gacan ku haynta degmada Cadaado. Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib markii ay weerar ay ku qaadeen ciidamo uu wato Cabdi Shukri oo sheegtay in uu ka mid yahay Masuul ka tirsan Culuimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay waxaa daqiiqado ka hor ciidamo oo uu hogaaminaayo Cabdi Shukri Cali Xirsi oo ay taagayrayaan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Cabdi Shukri iyo kuwa Ahlu Sunna oo iskaa shanaya ayaa saakay weeraro qorshaysan ku qaaday degmada Cadaado kadib markii ay si nabad galyo ah ay kula wareegeen degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo in kabadan halsaac qaatay ayaa inta la’ogyahay waxaa ku dhintay 5-qof oo dhinacyadi dagaalmayay ah, halka dhaawacana la sheegay in uu intaasi ka badan yahay waxaana jira dad ka barkacay Magaalada Cadaado ee lagu dagaalamay. Cabdi Shukri Cali Xirsi oo sheegtay in uu ka mid yahay Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna oo Shabelle la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay in ay weerar ku qaadeen Magaalada Cadaado islamarkaana ay kala wareegeen ciidamadii Maamulka Ximin iyo Xeeb ee kula dagaalmay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Magaalada Cadaado waxaa iminka gudaha u galay sida la sheegayo gaadiid dagaal iyo Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna kuwaasi oo dadka ugu baaqay in ay is dajiyaan, lamana oga halka ay qabteen Mas’uuliyiintii Maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagala wareegay Magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 15, 2010 Gaalkacyo(Puntlandi.com) Maleeshiyaad ka duuley koonfurta Gaalkacyo oo uu horkacayo Cabdishugri Ali Xirsi ayaa saaka lawawareegey magaalada cadaado ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacey, dagaalka ayaa saaka aroornimadii ka bilowdey degmada Godinlabe ka dibna waxaa la isla aadey dhinaca Cadaado,halkaasoo ay ciidamada uu horkacayo Cabdishugri ay gacanta ku dhigeen Godinlabe iyo Cadaado. Khasaaraha dagaalkaan ka dhashey ilaa hada lama hayo, Puntlandi.com oo la xiriirey aaga dagaalka ayaa loo xaqiijiyey in dagaalka looga gacansareeyey Maleeshiyaadkii horey u heystey nawaaxiga Cadaado oo ay hada isku ururusanayaan meel aan wax saasa ka fogeyn Cadaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 15, 2010 Maleeshuyaadka C/shukri Ayaa Deegaanka ku Soo Duulay”Maxamed Aadan Tiiceey Hogaamiyaha Mamulka Cadaado. Posted by Ali on October 15th, 2010 Galkacyo(Puntlandi.com);- Odayaasha iyo mamulka degmada cadaado ayaa sheegay in duulaan u ku soo qaaday Ex qabqable C/shukri Ali Xirsi oo adeegsanaya magaca culimada Ahlusuna waljameeca. Midkamida odayaasha deegaankaa oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanka iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka uu hogaaminay C/shukri ee duulaanka ka soo qaaday konfurta Galkacyo. Hogaamiyaha mamul degmadaa ka dhisnaa ayaa sheegay in ay isdifaacayaan tan iyo inta ay ka guulaysanayaan maleeshiyaadka C/shukri ee duulaanka soo qaaday. Wararkii ugu danbeeyay ee deegaankaa ka imaanaya ayaa sheegaya in goobahii lagu dagaalamay dib ugurasho ka sameeyeen maleeshiyaadka C/shukri Ali Xirsi. Dhaawaca iyo dhimashada ka dhalatay dagaaladaa ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen geerida 8ruux iyo dhaawaca 18kale. Ali Ahmed Abdi Ali@puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 15, 2010 Axmed Diiriye “qabsasho kuma xalaaloobayso degmada Cadaado” Muqdisho: (Sh. M. Network) Nabadoon Axmed Diiriye Cali aya waxaa uu waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii maanta ay ciidmada Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku qaadeen Maamulka Ximin iyo Xeeb ee gobolka Galgauud. Afhayeenka ayaa oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna looga bahanyahay in si deg deg ah uga baxaan Magaalooyinka ay kala wareegeen Maamulka Ximin iyo Xeeb isagoo baaq u diray Mas’uuliyiinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Ximin iyo Xeeb. Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxa uu sheegay in aan la sii haysan karin deegaanada uu ka aramiyo Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay maanta la wareegeen Ciidama Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana uu sheegay in ay xadgudub tahay dagaalka ay ku qaadeen Ahlu Sunna Magaalooyinka Godinlabe iyo Cadaado, waxaana uu carabka ku dhiftay in ay is difaacayaan islamarkaana uu sheegay inaysan ku xalaaloowaynin lawareegitaanka ay Ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegeen deeganada Godinlabe iyo Cadaado Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha ****** Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday warar kasoo baxayay Mas’uuliyiinta Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ku aadanaa Cabdi Shukri oo sheegtay in uu ka mid yahay Saraakiil ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu hormuudka ka yahay dagaalada lagu qaaday Magaalooyinka Ximin iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites