General Duke Posted September 18, 2009 Farole oo eedeeyey Wasiiro 17 Sep 17, 2009 - 2:09:07 PM Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxamaan Max’ed Faroole ayaa maanta dhaliil xooggan usoo jeediyey Wasiirro ka tirsan Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo uu sheegey in heshiisyo aan habbooneyn ay la galeen dalal shisheeye ayna aflagaadeeyeen maamulka Puntland xilli uu wareysi uu Siiyey laanta afka Soomaaliga ee BbCda. Mud. Farole ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey kororka Burcad Badedda oo BBC-du wax ka weydiisey isagoo sheegey in haatan aysan jirin taran xooggan oo Jirrida Badda ah ayna sidii hore ka soo yaraanayaan hase ahaatee sameynta ugu ballaarani ay ku yaalanayaan deegaannada Puntland maadama Xebta ugu dheer Somalia ay marto gobolada Puntland islamarkana ka maamul ahaan ay u taganyihiin in ay soo afjaran Burcadda ka qowleysata Biyaha kulaala Xeebaha Somalia. Dr. Farole ayaa sheegey inuu ka xunyahay In dolwada Federalka ee Somalia Wasiirro ka tirsan ay heshiisyo dhinaca la dagaallanka Burcad Badeedda ah la sexiixdaan waddamo kale isagoo sheegey in hadallo aflagaaddo ah ay kula wareegaan beesha Caalamka oo Puntland islamrkaana waxna u dhimaya heshiiskii dhowaantan Puntland iyo Dowladda Federalka ku kala saxiixdeen magaalada Galkacayo. Tallaabooyinka ay ku dhaqaqayaan Wasiirrada qaar ee Federalka ayuu Madaxweyne Faroole ku tilmaamey kuwo qar iska turnimo ah oo Bur burinaya heshiiskii Galkacayo waxaana uu sheegey iney ka dhur sugayan islamarkaana ay u kuur gali doonaan mowqifka madaxda ugu sarreysa Dowladda Federalka ay ka taagaan tahay, gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif oo isagu ilaa iyo haatan aan laga heyn hadallo ku saabsan heshiiska Galkacayo. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Max’ed Faroole ayaa shaaca ka qaadey in Beesha Caalamka ay kala hadleen arrimaha murugsan ee Somalia gaar ahaan kahor tagga Burcad Badeedda oo uu sheegey in loo baahanyahay in la diyaariyo 500 oo Askari oo Ciidamada Badda ah iyo sideed xarumood oo laga sameeyoo gudaha dalka gaar ahaan deegaannada ay ku badanyihiin Jirrida Badda, islamarkaana ka Puntland ahaan ay diyariyeen qaabka ugu habboon ee loo soo afjari karo kooxahaan. Madaxeynaha Puntland ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Garowe isagoo muddo ka badan Bil ku maqnaa magaalada Galkacyo waxaana uu sheegey in Ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee magaalada Galkacayo ay u tageen dib u habeyn dhanka maamulka ah iyo arrimaha ammaanka laga gaarey guulo wax ku ool ah haatanna laga garan karo farqiga u dhexeeye hadda iyo markii hore. Mudane Faroole ayaa sheegey in magaalada Galkacayo ay booqdeen markii la doortey gaar ahaan bishii Febraayo ee sanadkan ammankeeduna uu khalkhal ku jirey markaas oo dadka deegaanka ay ka codsadeen maamulka dhexe ee Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in Gobolka Mudug ay heysato Durruf gaar ah oo aan heysan gobollada kale Puntland maadama gobolka uu ku yaallo meel xuduud ah oo uu xad la wadaago Ethiopia gaar ahaan Kililka Shanaad iyo Koonfurta Somalia taasoo mababtey in dib u habeyn deg deg ah ku sameeyeen maamulka gobolka islamarkana ay tayeeyeen Ciidanka Booliska oo Taliye Cusub loo magacaabey Magaalada Galkacyana uu haatan waa cusub u baryey. Mudane Faroole ayaa sheegey in Xirrir wanaagsan ay la leeyihiin maamulka Koofurta Galkacyo ee Gal Mudug oo ay isku afgarten iney kawada shaqeeyaan xasilloonida Gobolka, Madaxweynaha Puntland aya ugu dambeyntii ka hadley colaadihii kasoo cusbonadey qeybo kamid ah gobolka Bari tasoo u dhexeysey laba Belood oo walaala ah isagoo sheegey in Dowlada Puntland ay soo afjartey coladahasi kadib Markii wafdi ballaaran iyo ciidan xooggan oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Puntland oo loo xilsaarey daminta shaqaaqadaasi ay u dirtey goobihii dagaalladu ay ka dhaceen haatanna ay muuqato mid gebo gebo ah waxana Madaxweynaha uu ku Eedeyey Hurinta iska hor imaadyadasi siyaasiin hore iyo ganacsato deegaanka ah Baritanna ay ku sameyn doonaan, W/Q: Radio Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites